Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Kauniainen

Kriisitilanteet Kauniaisissa

Xaaladaha dhibaatada ah ee Kauniainen gudeheeda

Bangiga wararka boggiisa Xaaladaha dhibaatada ah waxaa ku qoran warar ku saabsan, meesha waddanka Finland laga helo caawimo markay yimaadaan xaaladaha dhibaatada ah.

Waxaad kaloo fiiriaa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Xaaladaha dhibaatada ah.

Heeganka arrimaha bulshada iyo dhibaatooyinka degdegga ah

Dhibaatada jirta caawimadeeda degdegga ah waxaa laga helaa qaybta heeganka ee dhibaatooyinka iyo arrimaha bulshada ee Espoo, afar iyo labaatanka saacna waa heegan, waxayna dadka ugu adeegtaa af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis, tel. (09) 8164 2439. Haddii loo baahdana qofka shaqaalaha ah ayaa turjubaan dalbaya. Qaybtan heeganka waxaa lala xiriir karaa hadday jiraan tusaale ahaan dhibaatooyin la xiriira caafimaadka maskaxda, daalka waxqabsasho la’aanta ah (uupumus), arrimaha badbaadada carruurta iyo xaaladaha dagaallanka leh.

Adeegu waa mid aamminaad leh oo lacag la’aan ah. Xitaa adigoon magacaaga sheegin baad la xiriiri kartaa. Shaqaalaha qaybta heeganka ee arrimaha dhibaatooyinka iyo arrimaha bulshadu waxay wadahadal la yeeshaan qofka macaamiisha ah, waxay siiyaan talooyin, haddii loo baahdana qofka waxay u raacaan meeshay tahay inuu tago.

Cinwaanka tegiddu waa: Isbitaalka Jorvi, Turuntie 150.

Dhibaatooyinka caafimaadka

Boggaga internetka ee magaalada Kauniainen waxaad ka heleysaa wararka ku qoran af Finnish iyo af Iswiidhish oo ku saabsan rugta daryeelka caafimaadka.

Rugta daryeelka caafimaadku way xiran tahay habeenkii iyo Sabtiyada iyo Axadaha. Wakhtiyadaas jirrooyinka degdegga ah iyo haddii shil yimaado waxaa la tagaa heeganka. Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Espoowaxaa ku qoran warar af Finnish, af Iswiidhish iyo 
af Ingiriis ah oo ku saabsan heeganka.

Rugta la talinta qoysaska

Rugta la talinta qoysaska waxaa laga helaa dad aqoonyahanno ah caawimadooda oo ku saabsan arrimaha la xiriira koriinka iyo horumarka maskax qalbi ahaaneed ee carruurta iyo dhallinyarada. Dhallinyaradu iyaga iskood ula soo xiriiri kara. Dadka waaweyn dhibaatooyinkooda iyo dhibaatooyinka xiriirka ee labada qof ee isqaba dartood bay caawimo u raadsan karaan. Rugta la talinta qoysasku waxay dadka reer Kauniainen ah ugu adeegtaa af Finnish iyo af Iswiidhish. Tegitaanka meeshu waa mid aamminaad leh, waana u lacag la’aan dadka sida joogtada ah Finland u deggan ee ku jira caymiska bulshada ee Finland .

Boggaga shebekadda internetka ee Kauniainen waxaa ku qorar wararka ku saabsan meelaha lagala xiriiro adeegyada dhibaatooyinka iyo arrimaha bulshada, oo af Finnish iyo af Iswiidhish ah.

Dhibaatooyinka dhallinyarada 

Wararka ku saabsan waxyaabaha maanka dooriya dhibaatooyinka u keenaan dhallinyarada iyo meelaha daryeelka laga helo waxay iyagoo 
af Finnish iyo af Iswiidhish ah ku qoran yihiin bogga internetka ee waaxda arrimaha dhallinyarada ee magaalada. Dhallinyarada ah dadka waddanka u soo guurey waxay soo wici karaan qofka sooshalka ah,

Tel. (09) 5056 244 ama (09) 50561. Luuqadaha adeegu waa Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis.

Xaaladaha dagaallamidda

Dadka Kauniainen deggan waxay markay dhibaato timaado la xiriiri karaan Guriga Ammaanka ee Espoo ee Ururka Caawinta Dumarka ee Espoo (Naisten Apu Espoossa ry). Guriga Ammaanka ee Espoo (Espoon turvakoti) heegan buu ku jiraa afar iyo labaatanka saac, tel. (09) 591 5130. Xitaa adoon magacaaga sheegin baa soo wici kartaa .

Espoo xaafadeeda Kivenlahti waxaa ka furan 
Guriga ammaanka ee dhallinyarada ee Ururka Laanqayrta Cas ee Finland (SPR:n Nuorten Turvatalo), cinwaankiisuna waa:

Kipparinkatu 2 as 19
02320 Espoo.
Tel. (09) 819 55360, faksi (09) 81955361
E-mail: turvatalo.espoo(at)redcross.fi

Dhibaatooyinka alkolada

Markay jiraan dhibaatooyinka waxyaabaha maskaxda dooriya, caawimo waxaa laga raadsadaa xafiiska sooshalka iyo rugta daryeelka caafimaadka, meelahaas ayaana haddii loo baahdo qofka macaamiisha ah u sii gudbinaya meelaha leh adeegyada aqoonyahannada ee ku takhasusay daryeelka waxyaabaha maskaxda dooriya.

Rugta daryeelka caafimaadka ee Kauniainen af Finnish iyo raf Iswiidhish.

Haddii si degdeg ah loogu baahan yahay caawimo iyo daryeel, waxaa la aadi karaa heeganka.

Haddii aad u baahan tahay in lagaa daryeelo dhibaatooyinka khamriga, waxaad la xiriiri kartaa Kiliniga Alkolada (A-klinikka). Kiliniga Alkolada ee Espoo (Espoon A-klinikka ) tel. (09) 5123 760. Saldhigga ka joojinta mukhaadaraadka (Katkaisuhoitoasema) tel. 040 573 2338.

Bangiga wararka waxaad ka heleysaa warar dheeraad ah oo aad kaashato Dhibaatooyinka alkolada- iyo dhibaatooyinka mukhaadaraadka.

Talooyinka sharciyaqaanka

Xafiiska caawimada arrimaha maxakamadaha ee Espoo (Espoon oikeusaputoimisto) ayaa u adeega dadka Kauniainen deggan, wuxuuna furan yahay maalmaha shaqadu jirto saacadda 8-16.15, cinwaankiisuna waa Pihatörmä 1 A, 02240 Espoo. Luuqadaha uu xafiisku dadka ugu adeeggaa waa Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis.

Tel. 010 366 0060

Dhimasahda

Wararka ku saabsan dhimasahda ka fiiri Bangiga wararka boggiisa Dhimashada.