Koulutus Oulussa
Waxbarashada
Warar guud oo ku saabsan nidaamka waxbarashada ee Finland waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Waxbarashada.
Xannaano maalmeedka
Ilmaha aan gaarin da’da iskuulka waxaad u dalbi kartaa boos xannaano maalmeed. Xannaano maalmeedku waxay noqon kartaa mid wakhti buuxa ah, mid wakhti barkiis ah iyo mid ah tan iskuulka ka hor ah ee lacag la’aanta ah (ilmainena esikoulu). Sidoo kale carruurta u baahan adeegyada khaaska ah, waxay leeyihiin nidaam qabanqaabin xannaano maalmeed oo iyaga loogu talagalay.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xannaano maalmeedka waxaad ka heleysaa magaalada Oulu boggageeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.
Xannaano maalmeed af Ingiriis ah
Tuulikello waa xannaano ay dhigtaan carruur dhaqamo kala duwan ka soo jeeda. Xannaanadu waxay leedahay xannaano maalmeed af Finnish ah iyo xannaano maalmeed af Ingiriis ah. Waxbaridda waxaa la isticimaalaa habka barashada luuqadda ee bilowga hore ah ee ah ugu qubeynta luuqadda (varhaisen oppimisen kielikylpymetodi). Ingiriiska waxaa la bartaa marka la samaynayo waxyaabaha caadiga ah meel walba la samaynayo, firsad walba oo luuqadda lagu baran karana waa laga faa’iideystaa. Cinwaan: Teknologiantie 8 C
Tuulikello boggeeda internetka af Ingiriis.
Xannaanada Linnanmaa waa xannaano Finnish ah oo gaar ahaan loogu talagalay ardayda carruurtooda iyo ajnebiga.
Cinwaan: Yliopistokatu 22, 90570 Oulu
Xannaanada Linnanmaa boggeeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.
Xannaanada Lintula waxay bixisaa luuqad barasho af Ingiriis ah (kielikylpy).
Cinwaan: Kihokkitie 3, 90160 Oulu
Xannaanada Lintula boggeeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.
Xannaanooyinka caalamiga ah ee barayfitka ah
The English Speaking Playschool of Oulu
Starbright kindergarten
Xannaanada Saksanpähkinä- Iskuulka dheeldheelidda ee Finnish- Jarmalka ee Oulu (Päiväkoti Saksanpähkinä – Oulu's Finnish-German playschool)
Svenska Barnträdsgården – the Swedish kindergarten
Liiska xannaanooyinka ee ku jira magaalada Oulu boggageeda internetka (af Ingiriis) mar walba oo isbeddel yimaado liiska waa la cusboonaysiiyaa.
Waxbarashada aasaasiga ah
Warar ku saabsan nidaamka waxbarashada aasaasiga ah ee Finland waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Waxbarashada aasaasiga ah.
Dalbashada dugsiga hoose/dhexe
Haddii ilmahaagu dalbanayo dugsi hoose/dhexe, la xiriir xarunta taageerada khaaska ah ee gudoonka waxbarashada ee magaalada Oulu. Iskudubaridaha waxbarashada dadka waddanka u soo guurey ee meeshaas jooga ayaa qaabilsan iskuul u qabanqaabinta ardayda waddanka u soo guuretey ee da’da iskuulka ku jirta (ka yar 16 sano).
Cinwaanka gudoonka waxbarashada:
Taka-Lyötyn katu 4
90150 OULU
Sida loola xiriiro oo faahfaahsan waxaad ka heleysaa gudoonka waxbarashada ee Oulu boggagiisa af Finnish iyo af Ingiriis.
Magaalada iskuulladeeda bixiya waxbarashada aasaasiga ah waxay arday ahaan u qaataan ardayda Oulu deggan oo keliya. Hadday ilmuhu u baahan yihiin waxyaabo khaas ah ama ay dalbanayaan iskuulka caalamiga ah, waxaa la ogolaan karaa in la qaato arday degmooyinka kale ka timi.
Oulu iskuulladeeda hoose/dhexe oo dhan waxay ku jiraan magaalada Oulu boggeeda af Ingiriis.
Wararka ku saabsan waxqabadka gelinka dambe ee loogu talagalay iskuulleyda yar yar markay iskuulka ka soo baxaan ka dib, waxaad ka heleysaa Bangiga wararka qaybtiisa Oulu boggageeda Adeegyada arrimaha bulshada.
Iskuulka Caalamiga ah ee Oulu
Haddii aad rabto, in ilmahaagu meeshii uu iskuul af Finnish ka dhigan lahaa, uu dhigto iskuul af Ingiriis ah, waxaad la xiriirtaa Iskuulka Caalamiga ah ee Oulu (Oulu International School, OIS) ee hoos yimaada magaalda Oulu. Iskuulka waxaa lagu qaataa sagaalka fasal ee ugu horeeya waxbarashadooda. Waxbarashada waxaa la dhigtaa iyadoo ah af Finnish iyo af Ingiriis. Qorshaha waxbarashadu wuxuu ku salaysan yahay qorshaha waxbarashada ee Finnishka ah iyo barnaamijka IBO ee caalamiga ah (kansainvälinen IBO –ohjelma).
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Iskuulka Caalamiga ah ee Oulu iyo sida loo dalbado waxaad ka heleysaa Iskuulka Caalamiga ah ee Oulu boggagiisa internetka af Ingiriis.
Waxqabadyada taageero waxbarasho ee la siiyo dadka waddanka u soo guurey
Waxbarashada ah u diyaarinta dugsiga hoose/dhexe
Magaalada Oulu waxay haddii loo baahdo carruurta waddanka u soo guurtey ee aan dhigan Iskuulka Caalamiga ah ee Oulu siisaa waxbarasho ah u diyaarinta dugsiga hoose/dhexe ee Finland (af Ingiriis).
Waxbarashada ah diyaarinta ujeedada laga leeyahay waa, in carruurta la baro inay luuqadda Finnishka bartaan si ay si tartiib tartiib ah ula qabsan karaan waxbaraashada fasalka caadiga ah ee Finnishka. Waxbarashada ah diyaarinta carruurtu waxay ku bartaa luuqadda Finnishka erayadeeda aasaasiga ah, waxayna wax ka ogaadaan dhaqanka Finnishka, deegaanka iyo waxyaabaha nolosha caadiga ah. Waxbarashada ah diyaarintu waxay sida caadiga ah qaadataa hal sannaddugsiyeed, ka dibna ardaydu waxay iskuul dhigashadooda ka sii wataa fasalka caadiga ah ee Finnishka.
Iskuul dhigashada waxbarashada ah diyaarinta ka dib
Sannadka waxbarashada ah diyaarinta ka dib xitaa, ardaydu waxay helaan taageero dheeraad. Ardaydu waxay helaan waxbarasho luuqadda Finnishka ah iyo waxbarasho luuqadooda hooyo ah, waxay kaloo helaan waxbarasho diinta ah iyo waxbarasho taageero guud ah oo ku xiran hadba siday ugu baahan yihiin. Maadooyinka kale waxaa loo dhigtaa si waafaqsan qorshaha waxbarashada ee Finnishka.
Waxbarsahada luuqadda hooyo
Ardayda waddanka u soo guurtey todobaadkii laba saacadood baa loo dhigaa luuqadooda hooyo, laakiin waxay ku xiran tahay inay jiraan ugu yaraan afar arday oo isku luuqad barta. Faahfaahin dheeraad ah ka fiiri magaalada Oulu boggeeda internetka af Ingiriis.
Waxbarashada heerka labaad
Wakhtiyada iskuullada la dalbadaa waa sannadkii laba goor, oo kala ah bisha Maarso iyo bisha Oktoobar. Waxbarashada heerka labaad waxaa kaloo laga dalban karaa bogga Dalbo hadda. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxbarashada heerka labaad ee Finland gudeheeda waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa.
Waxbarashada dugsiga sare
Oulu waxaa ku yaalla 11 ah dugsiyo sare oo maalintii la dhigto iyo hal dugsi sare oo dadka waaweyn ah oo caadi ahaan siduu u shaqeeya tahay inuu yahay dugsi sare oo fiidkii la dhigto. Dugsiga sare ee fiidkii la dhigto waxaa laga dhigtaa waxbarasho khaas ah oo loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxbarashada dadka waddanka u soo guurey loogu talagalay waxaad ka heleysaa bogga internetka ee Dugsiga sare ee dadka waaweyn ee Oulu af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Dugsiga sare ee dadka waaweyn ee Oulu (Oulun aikuislukio) wuxuu ku yaallaa xaafadda Tuira, cinwaankiisuna waa: Itäkangastie9,90500Oulu. Sida loola xiriiro oo sii faahfaahsan waxaad ka heleysaa dugsiga sare boggiisa internetka af Finnish.
Dugsiyada sare ee Oulu intooda badan waxay hoos yimaadaan maamulka magaalada. Dugsiga sare ee Oulu ku yaalla ee la yiraahdo Dugsiga caadiga ah ee sare ee Oulu (Oulun normaalikoulun lukio) waa dugsi sare oo dowladdu leedahay (valtion lukio). Dugsiyada sare ee barayfitka ah waa kan af Iswiidhishka ah ee Svenska Privatskolan i Uleåborg iyo Dugsiga Steiner ee Oulu.
Waxbarashada dugsiga sare waxaa la samayn karaa iyadoo af Ingiriis ah, oo waxaa la dhigtaa dugsiga sare ee Oulun lyseo (Oulun lyseon lukio), halkaas baana laga qaataa shahaadada International Baccalaureate (IB). Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dugsigan sare waxaad ka heleysaa af Finnish iyo af Ingiriis. Oulu dugsiyadeeda sare oo dhan sida loola xiriiro waxaad ka heleysaa gudoonka waxbarashada ee Oulu boggiisa internetka af Finnish iyo af Ingiriis.
Waxbarashada xirfadda
Oulu waxaa ku yaalla shan macad oo ah macadada xirfadaha lagu barto (ammattioppilaitos), waxaana lagu bartaa noocyo badan oo xirfado ah waxbarashadooda. Macado badan oo waxbarashada xirfadaha ah baa aqoonta xirfadda waxaa kaloo lagu heli karaa iyadoo la samaynayo tababarka heshiiska waxbarashada (oppisopimusharjoittelu). Macadka waxbarashada waa la dalban karaa xitaa iyadoo dugsiga sare la soo dhammaystay, marka waxbarasho xirfadeedka la samaynayana waa la samayn karaa shahaadada weyn ee dugsiga sare ka dib la qaato (ylioppilastutkinto). Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dalbashada iyo aqoonta xirfadaha waxaad heleysaa, markaad iskuulka toos ula xiriirto.
Macadada xirfadaha ee Oulu (Oulun ammattiopistot):
Macadka xirfadda ee Luovi (Ammattiopisto Luovi) af Finnish, af Ingiriis, af Iswiidhish
Macadka diakonia ee Oulu (Oulun diakoniaopisto) af Finnish
Macadka xirfadaha ee deegaanka Oulu (Oulun seudun ammattiopisto, OSAO) af Finnish iyo af Ingiriis
Konserfatoriyada Oulu (Oulun konservatorio) af Finnish iyo af Ingiriis
Macadka xirafdaha laamaha adeegga ee Oulu (Oulun palvelualan opisto, PAO) af Finnish iyo af Ingiriis
Waxbarashada dadka waddanka u soo guurey loogu diyaarinayo waxbarashooyinka waxaa lagu dhigaa Macadka diakonia ee Oulu (Oulun Diakoniaopisto), Macadka xirfadaha ee deegaanka Oulu (Oulun seudun ammattiopisto) iyo Xarunta waxbarashada dadka waaweyn ee Oulu (Oulun aikuiskoulutuskeskus, OAKK).
Waxbarashada sare
Waxbarashada sare waxaa loola jeedaa waxbarashada jaamacadda ama waxbarashada macadada sare ee xirfadaha. Dugsiyada tacliinta sare (korkeakoulut) waxaa la dalban karaa marka la soo qaato shahaadada weyn ee dugsiga sare (ylioppilastutkinto) ama shahaado xirfadeed. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nidaamka waxbarashada sare ee Finland waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Jaamacadaha iyo dugsiyada tacliinta sare.
Oulu waa magaalo ardayeedka ugu weyn Waqooyiga Finland. Magaalada waxaa ku yaalla jaamacad laamo badan oo cilmi ah leh iyo macad sare oo xirfadaha ah.
Waxbarashooyinka lagu barto dugsiyada tacliinta sare ee Oulu waxaad ka ogaan kartaa dugsiyada boggagooda internetka iyo bogga internetka ee oulu wax ka baro (studyinoulu) af Ingiriis, af ruush iyo af Shiine.
Jaamacadda Oulu (Oulun yliopisto) boggeeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.
Macadka sare ee xirfadaha ee deegaanka Oulu (Oulun seudun ammattikorkeakoulu) boggiisa internetka af Finnish iyo af Ingiriis.
Macadka sare ee xirfadaha ee Diakonia, laanta Oulu (Diakonia ammattikorkeakoulu, Oulun yksikkö) af Finnish.
Waxbarashada dadka waaweyn, waxbarashada dhammaystirida ah iyo waxbarashada sii soconaysa
Waxbarashada dhammaystirida ah iyo waxbarashada sii soconaysa
Konserfatooriyada Oulu (Oulun konservatorio) (af Finnish, af Ingiriis) waxaa lagu dhigtaa waxbarashada muusigga.
Dugsiga artiska ee Oulu (Oulu taidekoulu) (af Finnish) waxaa waxbarashada artiska lagu baraa carruurta iyo dhallinyarada da’doodu tahay 4–20 sano.
Adeegyada waxbarashada iyo cilmibaarista ee jaamacadda Oulu (Oulun yliopiston koulutus- ja tutkimuspalvelut) (af Finnish, af Ingiriis) waxaa lagu bartaa barnaamijyo waxbarasho oo takhasus ah.
Waxbarashooyinka jaamacadaha furan qof walba wuu ka qaybqaadan karaa, kumana xirna da’, hadafyo iyo waxbarasho hore. Waxbarashada jaamacadda furan waxaa Oulu bixiya Jaamcadda Furan ee Oulu (Oulun avoin yliopisto) (af Finnish, af Ingiriis) iyo Jaamacadda Xagaaga ee Waqooyiga Pohjanmaa (Pohjois-Pohjanmaan kesäyliopisto) (af Finnish).
Waxbarashada dadka waaweyn
Oulu waxaa waxbarasahda dadka waaweyn bixiya qolyahan soo socda.
Macadka xirfadda ee Luovi (Ammattiopisto Luovi) af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis, af Jarmal
Macadka diakonia ee Oulu (Oulun diakoniaopisto) af Finnish
Konserfatoriyada Oulu (Oulun konservatorio) af Finnish iyo af Ingiriis
Macadka xirafdaha laamaha adeegga ee Oulu (Oulun palvelualan opisto, PAO) af Finnish iyo af Ingiriis
Xarunta waxbarashada dadka waaweyn ee Oulu (Oulun aikuiskoulutuskeskus, OAKK) af Finnish iyo af Ingiriis
Macadka dadka waaweyn ee PSK (PSK-aikuisopisto) af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis
Macadka suuqgeynta (Markkinointi-instituutti) af Finnish iyo af Ingiriis
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qolyaha bixiya waxbarashada dadka waaweyn waxaa wararkooda lagu cusboonaysiiyaa magaalada Oulu boggeeda internetka af Ingiriis
Waxbarashada dadka waddanka u soo guurey ee horumarka ku samaysa la qabsashada waddanka waxaa lagu dhigaa Xarunta waxbarashada dadka waaweyn ee Oulu (Oulun aikuiskoulutuskeskus), Macadka Diakonia (Diakoniaopisto) iyo Macadka dadka waaweyn ee PSK (PSK-aikuisopisto).
Macadada shacabka
Macadada shacabka waxaa lagu dhigtaa waxbarasho aqoon guud ah oo hiwaayad ahaan ah oo laamo badan oo cilmiyo kala duduwan ah. Waxyaabaha la barto waxaad ka ogaan kartaa macadada shacabka boggagooda internetka: