Kassandra
Aartisku waa garoon kala duwanaanshuhu isugu beddelo awood waxqabsi. Kassandra waxay leedahay xafiis barnaamij, kaasoo munaasabadaha kala duduwan u gudbiya barnaamijyada aartiska ee dhaqamada kala duduwan iyo goobaha lagu sameeyo shaqooyinka aartiska ee dhaqamada kala duduwan. Kassandra waxay taageertaa dumarka aartiistayaasha ah ee ka yimi waddamada kala duduwan. Kassandra waxay dumarkaas u soo bandhigtaa fursado shaqo, tusaale ahaan inay macallimiin ka noqdaan goobaha lagu sameeyo shaqooyinka aartiska.