Structure_LogoPart1

alkukesä

Bogga hore

Adeegga netka (Verkkopalvelu) waxaa lagu hirgeliyey Mashruuca xarunta waxbarashada ee furan (Avoin oppimiskeskus -projekti) sannadaha 2001-2003 isagoo ah wadashaqayn ka dhaxaysa Xarunta Dhaqamada Caalamiga ah ee Caisa (Kansainvälinen kulttuurikeskus Caisa) iyo Maktabadda magaalada Helsinki. Mashruuca waxaa maalgeliyey magaalada Helsinki iyo Maalgelinta arrimaha bulshada ee Yurub (Euroopan sosiaalirahasto). Sannadkii 2005 Bangiga wararku wuxuu noqday adeeg waddanka oo dhan ku faafahay. Hadda boggaga waxaa ku qoran warar guud oo waddanka oo dhan ku saabsan iyo weliba warar gaar ahaan ugu saabsan magaalooyinka Helsinki, Kuopio, Rovaniemi, Turku, Tampere iyo deegaanka Kainuu. Wakhtigan hadda la joogo adeeggan waxaa maalgeliya wasaaradda arrimaha gudaha, wasaaradda waxbarashada iyo magaalooyinka wararkooda halkan laga helo.

>> Faahfaahin dheeraad ah

Sida baad u isticimaalaysaa Bangiga wararka

Markaad doontaad ku soo noqon kartaa bogga luuqadaha laga doorto, haddaad gujiso khariidadda geeskeeda sare ee dhinaca bidixda.

Markaad doontaad luuqadda iska beddeli kartaa. Bogga geeskiisa sare ka dooro luuqadda, sidaas baad toos ugu gudbeysaa bogga luuqadda.

Bog walba oo mawduuc gaar ah ka hadlaya dhiniciisa midigta waxaa ku qoran  Meesha laga doorto ”Wararka deegaanka”. Markaad rabto warar ku saabsan adeegyada degmada aad deggen tahay, marka hore meesha laga doorto ka dooro magaca magaalada. Degmo waliba markay wararka ku saabsan u soo gudbiso adeegan ayaa magaceeda lagu daraa liiska.

>> Faahfaahin dheeraad ah

Maahmaah

"Macallimiintu albaabkay kuu furayaan,laakiin waa inaad adigu gudaha gashaa."
(Maahmaah Shiinays ah)