Kulttuuri ja vapaa-aika
"Adduunku wuu ka weyn yahay inta daaqadda ka muuqata."
(Maahmaah Finnish ah)
Ma u baahan tahay waxaad ku mashquusho, hiwaayado, waxyaabo xiiso leh, inaad dadka la xiriirto? Soo arag oo ogow waxyaabaha wakhti dhammayska iyo madadaalada ee xaafadda aad deggen tahay agagaarkeeda ka jira.
Maktabadda magaalada Hämeenlinna adeegeedda Adeegga cadadka la soo xulay (Makupalat) waxaad ka heleysaa cinwaanno badan oo kugu xiraya meelo aad ka heleysowararka ku saabsan munaasabadaha dhaqanka (kulttuuritarjonta) ee Finland ka jira. Boggaga dhaqanka.net (Kulttuuri.net) waxaad ka heleysaa warar ku saabsan artiska iyo dhaqanka. Boggaga waxaad ka heleysaa warar ku saabsan dhacdooyinka dhaqanka ee kala duduwan, waxyaabaha la soo bandhigo iyo waxbarashooyinka ka jira dhinacyada kala duwan ee Finland.
Boggaga Xafladaha Finland (Finland Festivals) waxaa ku jirar warar lix luuqadood oo kala duwan ku qoran oo ku saabsan xafladaha iyo dhacdooyinka dhinacyada kala duwan ee Finland oo ay soo bandhigaan laamaha artiska ee kala duduwan. Fiiri sidoo kale Suomi.fi (Finland.fi).
Sidoo kale ururo kala duwan ayaa qabanqaabiya waxqabadyada wakhtiga firaaqada.
Ururada Finland gudeheeda
Dhaqanka waxaa lagu kaalmeeyaa dakhliga canshuurta ka yimaada. Boggaga Wasaaradda Waxbarashada (opetusministeriö) waxaad ka heleysaa warar ku saabsan siyaasadda dhaqanka ee Finland.