Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Oulu

Asuminen Oulussa

Deggenaanshaha

Warar guud oo ku saabsan arrimaha deggenaanshaha Finland waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Deggenaanshaha iyo bogga asuminen.fi af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Oulu xaaladeeda guryuhu way fiican tahay, waxaana jira siyaabo badan oo kala duwan oo guryaha ah oo la ka dooran karo. Oulu waxay u qaybsan tahay 16 xaafadood. Sida caadiga ahna xaafad walba bartankeeda ama suuqeeda waxaa laga helaa adeegyada aasaasiga ah ee ah sida dukaanka cuntada, bangi, iskuul, qol xaafadeed (asukastupa), laybareeri iyo rugta caafimaadka. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan deggenaanshaha Oulu waxaad ka heleysaa magaalada Oulu boggageeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.

Deggenaanshaha guri ijaar ah

Guryo ijaar ah waxaa laga helaa qolyaha dowladda iyo qolyaha birifaatiga ah. Magaalada Oulu boggageeda ayaad (af Ingiriis) ahaan uga heleysaa ururada shacabka iyo beelaha shacabka ee bixiya guryaha ijaarka ah. Guri ijaar ah waxaa kaloo laga heli karaa joornaallada magaalada ka soo baxa guryaha ijaarka ah ee lagu soo qoro. Adigu inaad guri raadinayso baad meel ku soo qori kartaa, ama waxaad la xiriiri kartaa dadka meelaha ku soo qora inay hayaan guri ijaar ah. Guryaha waxaa lagu soo qoraa joornaalladan soo socda: Kaleva, Forum24, Oulu-lehti iyo Ururka nabadda (Rauhantervehdys).

Guri ah nooca uu qofku yeelanayo xuquuqda deggenaanshihiisa

Guriga ah nooca uu qofku yeelanayo xuquuqda deggenaanshihiisa (asumisoikeusasunto) waa mid beddel u noqon kara in guri la ijaarto ama guri la gato. Markaad bixiso kharashka xuquuqda deggenaanshaha guriga oo ah qiyaastii qiimaha gurigu joogo boqolkiiba 15 (15%) , bil walbana aad guriga ka bixiso ijaar, waxaad yeelanayso xuquuq ah inaad guriga u deggenaan karto sidii guri aad adigu leedahay. Guriga ah nooca uu qofku yeelanayo xuquuqda deggenaanshihiisa waa guri aan isagoo dhan la gadan karin, laakiin xuquuqdaada deggenaanshaha guriga qof kale waa ka iibin kartaa ama guri kale ayaad ku beddelan kartaa.

Oulu hadda waxaa ku yaalla qiyaastii 1500 guri oo ah nooca uu qofku yeelanayo xuquuqda deggenaanshahooda (asumisoikeusasunto). Shirkadaha adeeggan bixiya waxaad ka heleysaa magaalada Oulu boggeeda internetka af Ingiriis.

Guri uu qofku leeyahay

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida guri loo gadan karo waxaad ka heleysaa dilaalleyda guryaha iyo hantida ma guuraanka ah iibiya. Wararka ku saabsan guryaha la iibinayo waxaad ka heleysaa tusaale ahaan shirkadaha guryaha iibiya daaqadahooda xayaysiiska, joornaaladda magaalada ka soo baxa ama adeegyada internetka ah oo iyagoo af Finnish ah lagu kordhiyeybogga www.deggenaanshaha.fi/ deggenaanshaha guri uu qofku leeyahay (www.asuminen.fi/omistusasuminen). Faahfaahin dheeraad ah iyo khadadka kugu xiraya shirkadaha guryaha iibiya ee Oulu boggagooda internetka waxaad ka heleysaa magaalada Oulu boggeeda af Ingiriis.

Dhisidda iyo boosaska

Faahfaahin ku saabsan ogolaanshayaasha ah in wax la dhisi karo iyo boosaska waxaad ka heleysaa goobta Oulu10. (Oulu10 boggageeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis).

Biyaha, korontada iyo qashimada guryaha

JQaybinta biyaha la cabbo iyo falanqaynta biyaha wasakhda ah waxaa u xilsaaran Wakaaladda biyaha ee Oulu (Oulun vesi) (af Finnish).

Qaybinta korontada iyo kulaylinta guryaha ee meelaha fog laga maamulo (kaukolämpö) wararka ku saabsan, waxaa bixiya Wakaaladda xoogga korontada ee Oulu (Oulun Energia) (af Finnish).

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qashinka guryaha la deggan yahay ka soo baxa ururintooda iyo sii gudbintooda waxaad ka heleysaa hay’adda Daryeelka Qashinka ee Oulu (Oulun jätehuolto) boggageeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.