Asuminen Vantaalla
Deggenaanshaha Vantaa gudeheeda
Bangiga wararka boggiisa Deggenaanshaha waxaa ku qoran warar guud oo ku saabsan deggenaanshaha, hababka kala duduwan ee guryaha la deggen yahay iyo marka Finland gudeheeeda meel laga guurayo ee meel kale loo guurayo.
Deegaanka magaalomadaxda boggiisa Deggenaanshaha waxaad ku qoran warar iyo cinwaanno internetka oo kugu xiraya meelaha muddada gaaban la deggenaan karo, guryaha dhallinyaradu deggaan iyo sida loo dalbado guryaha uu qofku yeelanayo xuquuqda deggenaanshahooda, iyo warar ku saabsan guryo la’aanta, meelaha qashinka guryaha dadku deggan yihiin ka soo baxa meelaha la geeyo ee ku yaalla deegaanka magaalomadaxda.
Guryaha ah nooca uu qofku yeelanayo xuquuqda deggenaanshahooda (Asumisoikeusasunnot)
Xafiiska qyebinta degmooyinka Vantaa waxaa lagu xaliyaa Xafiiska xiriiriyaha u qeybsamaha deegaanka Helsinki guryahooda (Helsingin kiinteistöviraston asunto-osasto) . Bogga waxaad ka helee arrimaha ku saabsan degmaha guryaha af Finnish .
Qolyaha leh guryaha ijaarka ee Vantaa ku yaalla
Bangiga wararka boggiisa waddanka oo dhan ku saabsan Xaggee guri laga helaa waxaa ku qoran liiska qolyaha guryaha ijaarka ah laga kiraysto.
Guryaha ijaarka ah ee magaalada Vantaa leedahay iyo guryaha kooxaha khaaska ah loogu talagalay
Shirkadda Guryaha ee VAV (VAV Asunnot Oy) ayaa doorata dadka loo ogolaanayo inay degaan guryaha ijaarka ah ee magaaladu leedahay. Foomamka guryaha lagu dalbado iyo sida loo dalbado waxaa laga helaa xafiiska Shirkadda Guryaha ee VAV iyo meelaha adeegyada la isugeeyey. Labada meeloodna waa loo dhibi karaa foomka codsiga guriga oo la soo buuxbuuxiyey, waana la weydiisan karaa talooyin ku saabsan soo daabacaadda iyo buuxbuuxinta foomamka. Sidoo kale foomka elektroon ahaan (internetka) baa loo buuxbuuxin karaa, hase yeeshee markaas waxay noqonaysaa, in waxyaabaha loo baahan yahay in foomka la soo raaciyo, gaar loo soo gudbiyo, iyadoo tusaale ahaan boostada lagu soo dirayo. Foomka guryaha ijaarka ah lagu codsado oo ah af Finnish (suomeksi). Isla foomkaas ayaa lagu dalbadaa guryaha loogu talagalay dadka waayeelka ah iyo dadka naafada ah.
Shirkadda Guryaha ee VAV (VAV Asunnot Oy)
Veturitie 7
01300 Vantaa
Tel. (09) 839 11
Faksi (09) 8392 6541
Xulashada dadka guryaha la siinayo (Asukasvalinta)
Faksi (09) 8392 0226
E-Mail: asukasvalinta(at)vav.fi
Faahfaahin dheeraada oo ah af Finnish
Meelaha adeegyada la isugeeyey ee Vantaa oo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Bogga daryeelka afar iyo labaatanka saac ee magaalada Vantaa (Vantaan kaupungin Ympärivuorokautinen hoiva) waxaa ku qoran warar af Finnish iyo af Iswiidhish ah oo ku saabsan waxyaabo ay ka mid yihiin guryaha waayeelka.
Guuritaanka
Bangiga wararka boggiisa Markaad guureyso waxaa ku qoran warar muhiim ah oo ku saabsan guuritaanka .