Asuminen Kauniaisissa
Deggenaanshaha Kauniainen gudeheeda
Bangiga wararka boggiisa Deggenaanshaha waxaa ku qoran warar guud oo ku saabsan deggenaanshaha, hababka kala duduwan ee guryaha la deggen yahay iyo marka Finland gudeheeeda meel laga guurayo ee meel kale loo guurayo
Deegaanka magaalomadaxda boggiisa Deggenaanshaha waxaa ku qoran warar iyo cinwaanno internetka oo kugu xiraya meelaha muddada gaaban la deggenaan karo, guryaha dhallinyaradu deggaan, sida loo dalbado guryaha uu qofku yeelanayo xuquuqda deggenaanshihiisa, guryo la’aanta iyo meelaha la geeyo alaabta aadan u baahnayn (kierrätyspisteet) ee ku yaalla deegaanka magaalomadaxda.
Guryaha ah nooca uu qofku isagu iska leeyahay Kauniainen gudeheeda
Kauniainen gudeheeda waxaa aad ugu badan guryaha ah nooca uu qofku isagu iska leeyahay. Guryaha qiimohoodu waa qaali.
Qolyaha leh guryaha ijaarka ah ee Kauniainen gudeheeda
Bangiga wararka boggiisa waddanka oo dhan ku saabsan ee ah bogga Xaggee guri laga helaa waxaa ku qoran liiska qolyaha guryaha ijaarka ah laga kiraysto.
Guryaha ijaarka ah ee magaalada Kauniainen leedahay iyo guryaha loogu talagalay dadka khaaska ah
Foomamka lagu codsado guryaha ijaarka ah ee magaaladu leedahay waxaa laga helaa meesha la talinta ee guriga maamulka ee magaalada, ama foomku isagoo af Finnish ah baa laga soo daabacan karaa boggaga internetka ee magaalada. Guryaha loogu talagalay dadka naafada ah iyo dadka waayeelka ah waxaa la weydiin karaa xafiiska sooshalka ee Kauniainen.
Xafiiska sooshalka (Sosiaalitoimisto)
Guriga maamulka ee Kauniainen (Kauniaisten kaupungintalo)
Kauniaistentie 10
02700 Kauniainen
Tel. (09) 5056 258 ama (09) 5056 443
Guryaha loogu talagalay dhallinyarada iyo ardayda
Dadka ardayda ah iyo dhallinyarada da’doodu ka yar tahay 26 sanowaxay dalban karaan guryaha dhallinyarada loogu talagalay ee magaalada Kauniainen leedahay. Codsiga guryaha dhallinyarada lagu dalbado oo af Finnish ah.
Ka aqriso faahfaahi dheeri ah oo ku saabsan guryah kirad magalada Kauniainen boga magaalad leedahay ayadoo af Finnish iyo af Iswiidhish ah .
Guuritaanka
Bangiga wararka boggiisa Markaad guureyso waxaa ku qoran warar muhiim ah oo ku saabsan guuritaanka.