Sosiaalipalvelut
Qofku wuxuu heli karaa caawimo ah xagga xaaladaha kala duduwan ee nolosha. Adeeyada arrimaha bulshada waxaa bixiya degmooyinka, shirkadaha iyo ururada.
Kela oo ah Hay’adda caymiska caafimaadka qaranka ayaa u xilsaaranbadbaadada aasaasiga ah ee marxaladaha kala duwan ee nolosha. Waxqabadka Kelada waxaa lagu maalgeliyaa canshuuraha dadka laga qaado. Waxyaabaha badbaadada bulshada ee Keladu qaabilsan waxaa xaq u leh dadka sida joogtada ah Finland u deggan. Faahfaahin dheeraad ah oo arrintan ah waxaad ka heleysa boggaga Kela.
Haddii mushaharka iyo kaalmooyinku ay kuugu filnaan waayaan nolosha, waxaa suuragal ah inaad xafiiska sooshalka ka dalbato lacagta caawimada nolosha.
Waxaad sidoo kale fiirisaa boggaga bangiga wararka ee Lacagta caawimada ijaarka, Badbaadada wakhtiga shaqa la’aanta, Badbaadada hawlgabka, Xaggee laga maalgeliyaa waxbarashada, Markaad jirrato, Markaad uur leedahay, Carruurta iyo dhallinyarada, Waayeellada, Naafada iyo Kaalmada haynta ehelka.
Sharciga sinnaanta (Yhdenvertaisuuslaki) ayaa mabnuucaya takooridda tusaale ahaan shaqo u qaadashada iyo waxbarashada. Qofka asalkiisa dartiis looma takoori karo tusaale ahaan arrimaha ku saabsan adeegyada arrimaha bulshada iyo caafimaadka.
Warar mawduuca ku saabsan oo luuqadaha soo socda ah:
Soomaali (pdf)
Finnish (pdf)
Ingiriis (pdf)
Iswiidhish (pdf)
Saame (pdf)
Ruush (pdf)
Carabi (pdf)
Isbeynn (pdf)
Faransiis (pdf)
Boggaga wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ku yaalla tilmaame la yiraahdo Koti Suomessa -opas, oo ay ku qoran yihiin warar loogu talagalay dadka waddanka u soo guureyku oo ku saabsan deggenaansha, waxbarashada iyo daryeelka arrimaha bulshada, wuxuuna ku qoran yahay luuqadahan soo socda:
Soomaali
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Faransiis
Ruush
Serbokroati
Farsi
Kurdi
Carabi
Albaaniyaan
Fiitnaam
Dari
Istooniyaan
Finnish fudud (Finnish)