Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Xuquuqda iyo waajibaadka shaqaalaha

Työntekijän oikeudet ja velvollisuudet

Xuquuqaha qofka shaqaalaha ah

Markaad shaqo hesho, shaqa-bixiyaha iyo shaqaaluhu waxay galaan sida caadiga ah heshiis qoraal ah. Heshiiskaas waxaa lagu qoraa shuruudaha shaqadan la xiriira: tusaale ahaan wakhtiga shaqada, mushaharka, faa’iidooyinka dheeraad ka ah, haday jiraan gunooyin dheeraad ah, maalinta mushaharka la bixiyo iwm. Shuruudaha kale ee guud ee Finland ay tahay in la dhowro waxaad ka heleysaa boggaga ururada shaqaalaha.

Shaqaaluhu wuxuu leeyahay xuquuq ah:

  • mushahar waafaqsan heshiiska shuruudaha shaqada ama heshiiska shuruudaha shaqaalaha maamulka
  • badbaado uu ka helayo sharciyada iyo heshiisyada
  • is qabanqaabin
  • deegaan shaqo oo caafimaad iyo nabadgelyo leh

Caawimo markay jirtaan xaalado dhibaato ah

Shaqa bixiyaha waxaa waajib ku ah inuu raaco heshiiska shuruudaha shaqada ama heshiiska shuruudaha shaqaalaha maamulka. Shaqa-bixiyuhu tusaale ahaan qofka ma siin karo mushahar ka yar kan ku qoran heshiiska shaqada.

Shaqa-bixiyuhu ma aha inuu qofnaba takooro markuu muddada heshiiska shaqadu socdo gaarayo go’aamo ku saabsan qaybinta shaqooyinka ama kor u dallacaadda ama dhammaynta heshiiska shaqada. Sida uu sharciga Finland dhigayo takooriddu waa dembi.

Haddii wax dhibaato ahi yimaadaan, talooyin waxaad weydiin kartaa wakiilka badbaadada shaqaalaha, madaxa badbaadada shaqaalaha ama wakiilka ururka shaqaalaha (luottamusmies).

  • Haddii goobta shaqada ay ka shaqeeyaan ugu yaraan 10 qof oo shaqaale ah, shaqaaluhu waxay dooranayaan wakiil badbaadada shaqaalaha (työsuojeluvaltuutettu), wakiilkaas oo iyaga metelaya.
  • Shaqa-bixiyaha ayaa goob walba oo shaqo u magacaaba qof u ah madaxa badbaadada shaqaalaha (työsuojelupäällikkö).
  • Dadka Finnishka ah ee mushaharka qaata intooda badani waxay ka tirsan yihiin urur shaqaale. Goobta shaqada wakiilka ururka shaqaaluhu (luottamusmies) wuxuu wakiil ka yahay ururka shaqaalaha iyo shaqaalaha ururka ka tirsan.

Faah-faahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa xarunta ammaanka shaqada boggageeda, waana af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.


Waajibaadyada saaran qofka shaqaalaha ah

Adigana maadaama aad shaqaale tahay waxaa waajib kugu ah inaad ilaalisid wakhtiga shaqada ee lagu heshiiyey. Markaad xanuunsato, hubso inta maalmood ee aad maqnaan karto warqad dhakhtar la’aan iyo wakhtiga lagaaga baahan yahay warqada dhakhtarka. Xasuuso sidoo kale inay tahay, inaad la qabsato nidaamka goobta shaqada ka jira. Markaas waxaad noqonaysaa qof goobtaas shaqada ku haboon.

Shaqaalaha waxaa saaran waajibaad ah:

  • inuu shaqada si taxader leh u sameeyo
  • inuu raaco waxyaabaha ay madaxda shaqadu faraan
  • inuu diido waxyaabaha tartanka kula jira qolada uu u shaqeeyo
  • inuu xafido sirta ganacsiga iyo xirfadda
  • inuu tixgeliyo waxa ay danta shaqabixiyuhu ku jirto

Faah-faahin dheeraad ah

Warar ku saabsan canshuuraha iyo badbaadada hawlgabka waxay ku jiraan Bangiga wararka

Haddii aad rabto warar dheeraad ah oo af Finnish ah ku saabsan nolosha shaqada, sharciyada, xuquuqda iyon waajibaadka, heshiisyada shaqada iyo waxyaabaha kale ee shaqada la xiriira, fiiri Furaha suuqa shaqada (työmarkkina-avain). Warar ku saabsan xiriirka shaqada iyo sharciyada shaqada waxaad ka heleysaa boggaga maamulka shaqada (työhallinto) iyagoo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Qoraalka tilmaansiiyaha ee Ku soo dhowow nolosha shaqada (Tervetuloa Työelämään –opas) ayaa si kooban uga waramaya nolosha shaqada, wuxuuna sharaxayaa erayada badanaa la isticimaalo macnahooda (Tilmaansiiyaha luuqadda fasiixa ah oo af Finnish ah, Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis).

Bogagga Maamulka Badbaadada iyo Caafimaadka Shaqada, siyaasadaha dhibaatooyinka iyo macluumaadka xaaladaha ay xiriirka shaqada ku shaqeeyaan waa muhiim,  wax-qabadyada caafimaadka shaqada, xaaladaha shaqada, waxyaabaha halista ah iyo fasaxyada ogoolaanshada iyo sharuudaha waa la sameeyey. Bogagga waxaa lagu daabacey af Finnish, Iswiidhish, Ingiriis, Istooniyaan iyo Ruush.

Warar ku saabsan shuruudaha shaqada oo laamaha shaqada oo kala duwan ah:

Adeegga Ururka xirfadaha boggiisa internetka waa:
xirfadda cilmiga ee meelaha loo hoydo iyo meelaha cuntaynta
laanta dukaamada
Laanta adeegyada arrimaha guryaha

Warar ah af Iswiidhish, af Ingiriis, af Ruush iyo af Istooniyaan.

Faahfaahin dheeraad ah oo mawduuca ku saabsan oo af Ingiriis ah waxaad ka heleysaa boggaga Ururka xirfadaha shaqada ee adeegyada (Palvelualojen ammattiliitto)

laanta dhismaha:
Finnish
Iswiidish
Ruush

Sharciga heshiiska shaqada
Heshiisyada shuruudaha shaqada