Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Xeerarka nidaamka guryaha

Järjestyssäännöt

"Adduunku waa gurigeenee, nadiif ha inoo ahaado."
(Maahmaah Shiineys ah)

Dhismo walba wuxuu leeyahay xeerar nidaamka ah oo dadka loogu sheegayo waxyaabaha la xiriira meel ku wada noolaanshaha. Sida caadiga ah xeerarka waxaa ku qoran tusaale ahaan, wakhtiga albaabka bannaanka la xiro, meesha iyo wakhtiyada kadiifadaha la garaaci karo iyo wakhtiyada ay tahay inuu dhismuhu sanqar la’aan ahaado (wakhtiyada aammusnaanta). Xeerarka nidaamka guryaha waxaa kaloo ku qornaan kara, talooyin ku saabsan sida ay tahay in loo ilaaliyo xayawaanada guryaha lagu haysto. Waxaa dhici karta in aan la ogolayn in baabuurka barxadda lagu dhaqo ama la soo geliyo.

Akhriso oo ogow xeerarka nidaamka guryaha ee dhismahaaga. Dhismaha dabaqyada ah xeerarku waxay sida caadiga ah ku dhegsan yihiin derbiga jaranjarada u dhow ee ku yaalla hoos marka albaabka bannaanka laga soo galo.