Minne opiskelemaan?
Haddii aad haysato shahaadada dugsiga sare ama shahaado kale oo u dhiganta, waxaad wax ka baran kartaa machadada sare ee xirfadaha (ammattikorkeakoulu). waxaad kaloo shahaadada dugsiga sare ama shahaado kale oo u dhiganta haddii aad rabto inaad wax ka barato jaamacadaha (yliopisto).
haddii aad haysato shahaadada dugsiga hoose/dhexe, waxaad wax ka baran kartaa macadada xirfadaha (ammatillinen oppilaitos).
Heshiiska waxbarashada
(oppisopimus) waa shaqo iyo waxbarasho isku jira. Heshiiska waxbarashadu wuxuu qaataa sida caadiga ah 1-4 sano. Wakhtigu intuu yahay waxay ku xiran tahay waxbarashadaada iyo xirfadda aad dooratay. Heshiiska waxbarashadu waa heshiis shaqo mushahar leh oo wakhti go'an ku eg.
Opintoluotsi waxaa ku jira warar badan oo ku saabsan fursadaha waxbarashada, laamaha waxbarashada iyo macadada waxbarashada.
Ma rabtaa inaad af Ingiriis wax ku barato?
Bogggaga Opintoluotsi waxaa ku jira warar ku saabsan meelaha ay arrintaasi suuragalka ka tahay.
Ma rabtaa inaad qaadato shahaadada dugsiga hoose/dhexe?