Mistä rahoitusta opiskeluun?
Qofka dhalashada ajnebiga ah haystaa wuu heli karaa lacagta taageerada waxbarashada, haddii uu si joogto ah Finland u deggen yahay, sababta sharciga joogidda waddanka lagu siiyeyna aanay ahayn ardaynimo. Waxbarashadu waa inay Finland gudeheeda tahay, muddada ay qaadanaysaana tahay ugu yaraan sideed todobaad. Waxbarashadu waa inay ahaataa qofka hawshiisa.
Waxbarashada xirfadda ah waxaa loo arkaa, in ay qofka hawshiisa tahay, haddii todobaadkiiba wakhtiga waxbarashadu yahay ugu yaraan 25 saacadood. Waxbarashada dugsiga sare waxaa loo arkaa in ay qofka hawshiisa tahay, haddii caddadka waxbarashadu isugeyn yahay ugu yaraa 75 koorso. Waxbarashada heerka sare waxaa loo arkaa in ay qofka hawshiisa tahay, haddii waxbarashada lagu qaadanayo shahaado jaamacadeed ama caddadka waxbarashadu uu celcelis ahaan yahay bishiiba shan dhibcood o waxbarasho.
Waxbarashada dadka waaweyni qofka uma aha hawlmaalmeedkiisa. Sidaa darteed laguma qaato lacagta taageerada ardaynimada.
Dadka shaqa la’aanta ah way dhigan karaan dugsiga sare ee dadka waaweyn, iyagoo qaadanaya lacag maalmeedkooda shaqa la’aanta. Dadka ku jira la qabsashada waddanku, markay wax ka baranayaan dugsiga sare ee dadka waaweyn, waxay heli karaan lacagta taageerada la qabsashada waddanka.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan lacagta taageerada waxbarashada waxaa laga helaa Kela, Opintoluotsi ama goobaha waxbarashada. Boggaga Kela waxaa sidoo kale laga helaa warar ku saabsan ulacagta taagerada waxbarashada ee waddanka dibediisa.
Waxbarashada xafiiska shaqadu markay socoto qofka waddanka u soo guurey wuxuu heli karaa taageerada la qabsashada waddanka, taageerada suuqa shaqada ama taageerada waxbarashada. Faahfaahin dheeraad ah weydii xafiiska shaqada iyo Kela. Sidoo kale waxaad warar dheeraad ah ka heleysaa boggaga maamulka shaqada.