Mistä asunto?
"Inkastoo guri raadintu ay u dhib badan tahay sida kalluun gadashada, haddana wax aan suuroobeynin ma aha."
(Maahmaah Finnish ah)
Boggan waxaad ka heleysaa warar ku saabsan meesha aad guri ka heli karto. Marka hore waxaad ka fekertaa, ma waxaad rabtaa inaad degto guri ijaar ah, mise guri aad adigu iska leedahay, mise guri aad qayb ku leedahay, mise guri aad leedahay xuquuqda degenaanshihiisa. Guryaha la ijaarayo xayaysiisyadooda waxaad ka heli kartaa tusaale ahaan joornaalada iyo sabuuradaha ogeysiisyada lagu dhejiyo. Waxaa kaloo wanaagsan inaad guryaha bannaan ka waraysatid asxaabtaada, deriskaaga iyo qaraabadaada iwm. Waxaa muhiim ah inaad adigu si firfircooni leh u raadisid.
Guri waxaad ka raadsan kartaa tusaale ahaan meelahan:
Guryaha ijaarka ah
- Ogeysiisyada ku saabsan guryaha la ijaarayo waxaad ka heleysaa internetka, joornaalada, meelaha ogeysiisyada lagu dhejiyo iwm.
- Sidoo kale guri ijaar ah waxaad weydiin kartaa xafiisyada shirkadaha guryaha ijaara
- Kuwo badan oo ka mid ah bangiyada, shirkadaha caymiska iyo aasaasiyadaha (säätiöt) ayaa waxay iska leeyihiin guryo ay ijaaraan
- Adeegga shebekada internetka (verkkopalvelu) ee Asuminen.fi ayaad ka heleysaa meelo kugu xiraya boggaga internetka ee qolyaha ijaara guryaha ijaarka ah ee dowladu taageerto. Boggagu waa af Finnish iyo af Iswiidhish.
Guryaha uu qofku leeyahay xuquuqda degenaanshahooda
- Boggaga Asuminen.fi ayaad ka heleysaa meelo kugu xiraya boggaga internetka ee qolyaha laga helo guryaha uu qofku leeyahay xuquuqda degenaanshahooda ijaarka ah ee dowladu taageerto. Boggagu waa af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Guryaha uu qofku iska leeyahay
- Ogeysiisyada guryaha la iibinayo waxay ku qoran yihiin meelo ay ka mid yihiin internetka iyo joornaalada
- Waxaad kaloo la xiriiri kartaa xafiisyada shirkadaha guryaha iibiya (kiinteistönvälitystoimisto)
Guryaha uu qofku qayb ahaan leeyahay
Adeegga shebekada internetka (verkkopalvelu) ee Asuminen.fi ayaad ka heleysaa meelo kugu xiraya boggaga internetka ee qolyaha laga helo guryaha uu qofku qayb ahaan yeelanayo. Boggagu waa af Finnish iyo af Iswiidhish.
Guryaha shebekadda internetka ku jira
www.vuokraovi.com
(Ingiriis)
www.etuovi.com
www.asuntoverkko.com
www.kiinteistomaailma.com
www.huoneistokeskus.fi
www.oikotie.fi
www.opkk.fi
www.huoneistoketju.fi
www.ovv.com
www.asunnonvuokraus.com
Faahfaahin dheeraad ah
Bangiyadu waxay bixiyaan warar badan oo ku saabsan degenaanshaha, guryaha, maalgelinta iyo deynka, guryaha uu qofku xuquuqda degenaanshahooda yeelanayo, guryaha uu qofku isagu qayb yeelanay iyo guryaha ijaarka ahba.
Guryaha dhallinyarada
Bogga Suomi.fi waxaa ku qoran warar ku saabsan siday dhallinyaradu u degaan iyo meelo kugu xiraya boggaga internetka ee qolyaha guryaha laga helo. Boggagu waa af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Ururka guryaha dhallinyarada (Nuorisoasuntoliitto) boggagooda internetka waxaa ku jira qoraal kala talinta guryaha ah (asunto-opas) oo loogu talagalay dhallinyaradu marka ugu horeysa ee ay deggeyaan guri gaar ah. Qoraalka la tilinta ah waxaa loo turjumey luuqadahan soo socda:
Finnish
Iswiidhish
Istooniyaan
Ruush
Guryaha waayeelka iyo naafada
Waayeelka iyo naafada waxaa suuragal u ah inay helaan deggenaansho adeeg leh (palveluasuminen). Tan macneheedu waa, waxaa suuragal u ah inay guriga ku helaan taageerooyin iyo caawimooyin kala duduwan. Waxaa kaloo suuragal ah, inay meel xero ah (laitos) degaan. Faahfaahin dheeraad ah weydii xafiiska sooshalka ee degmadaada ama xaafadaada.
Boggaga Asuminen.fi waxaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan deggenaanshaha adeegga leh, oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Waxaad kaloo fiirisaa Bangiga wararka boggagiisa Waayeelka iyo Naafada.
Degenaanshaha ku meelgaarka ah ee markay arrimo dhibaato ahi jiraan
Waxaa jira marxalado kala duduwan oo nolosha ah oo keena inuu qofku u baahdo guri ku meelgaar ah. Haddii ay timaado marxalad dagaallan leh waxaa lala xiriiraa guriga ammaanka. Dhallinyaradu waxaa loogu talagalay guryaha badbaadada ee dhallinyarada (nuorten turvatalot). Gurigaha ugu horeeya waxaa loogu talagalay hooyooyinka dhallinyarada ah ee uurka leh ee aan ninka lahayn.
Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggagiisa Xaaladaha dhibaatooyinka.