Structure_LogoPart1



Xafiiska shaqada

Työvoimatoimisto

Xafiisyada shaqadu waa qayb ka mid ah maamulka shaqada. Adeegyadooda ugu muhiimsani waa shaqo raadin, waxbarashada shaqaalaha, talosiinta arrimaha xirfad doorashada ku saabsan iyo adeegga siinta wararka ku saabsan waxbarashada iyo xirfadaha. Sidii kale siday dadka waddanka u soo guurey halkan ula qabsan lahaayeen waxay ka mid tahay adeegyada xafiiska shaqada. Xafiisyada shaqada ayaad ka dalban kartaa koorsooyinka luuqadda Finnishka. Xafiiska shaqada ayaad ka soo ogaan kartaa meelaha shaqo ka bannaan tahay. Dadka xafiiska shaqada diwaanka ugu jira inay shaqo raadis yihiin waxaa suuragal u ah inay lacagta shaqa la’aanta ka dalbadaan Kelada.

Bangigan wararka boggagiisa shaqada ayaad ka heleysaa warar dheeraad ah oo ku saabsan, sida uu xafiiska shaqadu ugu adeego macaamiisha shaqo raadiska ah.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada xafiiska shaqada waxaad ka heleysaa boggaga Maamulka shaqada.

Waa xaggee xafiiska shaqada ee ugu dhow?

Ka dooro bogga maamulka shaqada liiskiisa magaca degmada aad deggan tahay.