Maistraatti
Xafiisyada diiwaangelintu waa hay’ado maamulka dowladda ah oo degmooyinka ka furan. Hawlahooda waxaa ka mid ah diiwaangelinta. Nidaamka wararka dadka waxaa lagu qoraa macluumaadka aasaasiga ah ee dadka Finland deggan. Xafiiska diiwaangelinta waa in la ogeysiiyaa haddii aad Finland u soo guurtid, ama aad Finland dhexdeeda meel ka guurtid oo meel kale u guurto ama haddii aad Finland ka guurto. Xafiisyada diiwaangelintu waxay qabtaan hawlo kale oo badan. Xafiiska diiwaangelinta qofka dadka diiwaangeliyaa dadkuu isu nikaaxaa. Sidoo kale dadku markay isguursanayaan haday rabaan inay samaystaan heshiiska shuruudaha guurka waxaa la geeyaa xafiiska diiwaangelinta si loo qoro. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada Xafiiska diiwaangelinta boggagiisa.
Xafiiska diiwaangelinta (maistraatti) ee kuugu dhow sida loola xiriiro waxaad ka heleysaa boggan.