Sosiaalipalvelutoimisto
Xafiisyada adeegga arrimaha bulshada ee degmooyinku macaamiisha waxay ka caawiyaan arrimo badan oo kala duwan. Xafiisyadu waxay sida caadiga ah u xilsaaran yihiin arrimahan oo kale:
- xannaanada carruurta
- adeegga waayeelka
- daryeelka guriga
- adeegga naafada
- adeegyada dadka naafadoodu tahay xagga koriinka
- arrimaha badbaadada carruurta
- kaalmada daryeelka ehelka
- daryeelka kuwa mukhaadaraadka isticimaala
- caawimada lacagta nolosha
- hawlaha arrimaha bulshada
Xafiiska adeegga sooshalka ee kuugu dhow meeshaad kala xiriiri karto waxaad ka heleysaa boggaga shebekadda internetka ee degmadaada.
Xafiiska adeegga arrimaha bulshada magaciisa way ku kala duduwan yihiin degmooyinka kala duduwani. Luuqadda Finnishka magacu wuxuu noqon karaa sosiaalipalvelutoimisto, sosiaalitoimisto ama sosiaaliasema.