Hätätilanteet
Haddii qof noloshiisu khatar ku jirto, ama shil uu dhacay, ama aar rabto inaad sheegto meel gubanaysa ama aad si degdeg ah ugu baahan tahay caawimada booliska, telefoon u dir lambarka guud ee gargaarka degdegga ah ee xarunta dhibaatooyinka degdegga ah. Lambarka telefoonku waa 112. Lambarkan gargaarka degdegga ah ha wicin, markuu qof si caadi ah u jirado!
Markaad wacdo lambarka 112, sheeg waxyaabahan soo socda:
1. Kumaad tahay?
2. Maxaa dhacay?
3. Xagee wax ka dhaceen?
4. Dad miyey khatar ku jiraan?
Si deggan su’aalaha uga jawaab, telefoonkana waxaad dhigtaa marka qolada xarunta gargaarka degdegga ahi ku tiraahdo waad dhigi kartaa.
Markaad wacayso lambarka gargaarka degdegga ah fure uma baahnid, xitaa markaad telefoonka gacanta ka wacaysid. Telefoonka gargaarka degdegga ah lacag la’aan baad telefoonada oo dhan kaga soo wici kartaa.