Structure_LogoPart1



Helsinki

Dhibaatooyinka qoyska 

Xarumaha qoysaska ee Helsinki ku yaallaa waxay dadka ka caawiyaan dhibaatooyin badan oo kala duwan. Xarumahaasi waxay kaloo kuu sheegayaan meelaha kale ee adeegyada laga helo.

Xarumaha qoysaska ee Helsinki ku yaalla (perhekeskus)

Helsinki gudeheeda waxaad caawimo ka heleysaa meelahan soo socda:

Xarumaha latalinta qoysaska (perheneuvola)
Boggan ayaad ka heleysaa wararka ku saabsan meelaha ay xarumaha latalinta qoysasku magaalada kaga yaallaan.

Kansainvälinen avioliittoneuvonta (talasiin luuqado kala duduwan ah)
Bulevardi 16 B, Helsinki
Tel. (09) 2340 3036

Waaxda terabiga labada qof ee isqaba iyo qoyska (Pari- ja perheterapiayksikkö)

Heegan arrimaha bulshada ee Helsinki (Sosiaalipäivystys Helsingissä)
Caawimada degdegga ah ee saacadaha shaqada ka dib

Dhibaatooyinka carruurta iyo dhallinyarada

Rugaha latalinta qoysaska

Rugaha latalinta qoysasku waxay carruurta iyo dhallinyarada reer Helsinki iyo waalidiintooda kacaawiyaa arrimaha la xiriira barbaarinta carruurta, koriinka iyo arrimaha xiriirka dadnimo ee qoyska dhexdiisa.

Xarumaha latalinta qoysaska ee Helsinki (perheneuvola)

Dhibaatooyinka dhallinyarada

Kompassi boggagiisa ayaa waxaa ku yaalla, meelaha ay dhallinyaradu caawimo ka heli karaan markay dhibaatooyinka kala duduwani haystaa.

Guriga badbaadada dhallinyarada (nuorten turvatalo) waxaa loogu talagalay qof walba oo dhallinyaro ah oo caawimo u baahan. Guriga badbaadada dhallinyarada wakhti kasta ayaad soo wici kartaa. Waxaadna imaan kartaa saacadda 17 ka dib, waxaadna joogi kartaa ilaa tobanka subaxnimo. Guriga badbaadada dhallinyarada si nabadgelyo leh ayaad habeenkii ugu hoyan kartaa. Waad soo wici kartaa ama imaan kartaa. Guriga dhallinyarada si joogto ah looma deggenaan karo.

Meelaha kale ee Helsinki ah ee caawimada laga heli karo:

Nuorten kriisipiste / Sörnäinen
Nuorten kriisipiste / itäinen

Dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda

Caawimo ah dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda waxaad ka heleysaa shaqaalaha maamulka ee waaxda arrimaha bulshada iyo caafimaadka ee degmadaada. Haddii aad Helsinki deggan tahay, la xiriir boolikiliniga saykateriga (psykiatrian poliklinikka) ee xaafadda aad deggan tahay. Haddii aad caawimo degdeg ah u baahan tahay waa inaad la xiriirtaa saykateriga heeganka (psykiatrian päivystys).

Adeegyada gaar ahaan loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey ee Helsinki waxaad ka heleysaa tusaale ahaan meelahan soo socda:

Xarunta SOS ee waaxda ajnebiga (SOS-keskus / Ulkomaalaisten kriisipalvelu) waxay caawisaa dadka waddanka u soo guurey ee Finland deggan iyo qoysaskooda.
Tel: (09) 413 50501

Xarunta baxnaaninta dadka jirdilka lagu sameeyey (Kidutettujen kuntoutuskeskus) waxay caawisaa dadka qaxootiga ah iyo kuwa magangelyada dalbaday ee waddankooda markay joogeen jirdilka lagu sameeyey.
Tel. (09) 7750 4584

Raggu waxay caawimo ka heli karaa Xarunta ragga (Miesten keskus).
Tel. (09) 6129 3750

Dhibaatooyinka alkolada 

Haddii dhibaato aalkoladu kugu hayso darteed aad u baahan tahay caawimo, la xiriir A-klinikka xaafadaada. Haddii aad u baahan tahay in lagu geeyo xero aalkolada lagaaga joojiyo, la xiriir xarunta Baxnaaninta ee waddada Hanko ku taalla (Hangonkadun kuntoutuskeskus). Dadka aad u liittaa waxay toos ula xiriiri karaan isbitaal.

Dhibaatooyinka mukhaadaraadka

Diakonissalaitoska Helsinki adeegyadiisa daryeelka mukhaadaraadka (Helsingin Diakonissalaitoksen huumehoitopalvelut)

Haddii aad rabto in lagaa joojiyo waxyaabaha maanka dooriya, la xiriir A-klinikka xaafadaada. Waxaad kaloo toos ula xiriiri kartaa Qaybta ka joojinta mukhaadaraadka ee Munkkisaari (Munkkisaaren huumekatkaisuyksikkö).

Adhigti ku noqoshada ciyaaraha khamaarka

Kooxda khamaaryahanada aan magacooda sheegayn ee Helsinki waxay ka jirtaa Xarunta adeegga ee Kamppi (Kampin palvelukeskus)

Dhibaatoooyinka deynka 

Xafiiska latalinta dhaqaalaha iyo deymanka ee Helsinki (Talous- ja velkaneuvontayksikkö)

Guri la’aanta

Xafiiska khaaska ah ee arrimaha bulshada ee magaalada Helsinki (Helsingin kaupungin erityissosiaalitoimisto) wuxuu u adeegaa dadka reer Helsinki ah ee guri la’aanta ah.

Helsinki gudeheeda tusaale ahaan hay’adaha Pelastusarmeija iyo Diakonissalaitos waxay leeyihiin guryo loogu talagalay dadka reer Helsinki ah ee guri la’aanta ah.

Guryaha ugu horeeya (ensikoti) waxaa loogu talagalay hooyooyinka da’da yar, ee uurka leh iyagoon nin haysan.

Guriga ugu horeeya ee Helsinki (ensikoti)

Xaaladaha dagaalka

Guriga badbaadada magaala madaxdu (Pääkaupungin turvakoti)
Steniuksentie 20, 00320 Helsinki, tel. 09-4777180
Waxay badbaadadooda sugaan dadka 18 sano gaarey ee la kulmay dagaal jir ahaaneed ama mid nafsad ahaaneed.

Guriga badbaadada dhallinyarada (Nuorten turvatalo)
Uudenmaankatu 32A, 00120 Helsinki, tel.09-6224322
Meel ay habeenkii seexdaan iyo caawimo wadahadal ah ayey ka helaan kuwa 18sano ka yar.

Dhimashada 

Dhulalka qabuuraha ee Helsinki ku yaalla
Meelaha lagala xiriiro kaniisadda Luteriaanka