Structure_LogoPart1



Kainuu

Kriisitilanteet

HADDAY XAALADO DHIBAATO DEGDEG AH LEH KUGU QABSADAAN KAINUU

Dhibaatooyinka qoyska

Arrimaha la xiriira dhibaatooyinka qoyska, Kainuu waxaa caawino laga helaa rugta la talinta qoysaska (perheneuvola). Qofku si toos ah ayu ula xiriiri karaa rugta la talinta qoysaska ama waxaa soo gudbin kara hay’adaha kale ee wadashaqaynta la leh oo ay ka mid yihiin (xannaano maalmeedka, iskuulka, xafiiska sooshalka ama qaybta daryeelka bukaanka khaaska ah). Rugta la talinta qoysaska waxaad caawimo ka codsan kartaa, haddii ay jiraan arrimo xagga carruurt ah oo welwel kugu haya ama haddii ay jiraan dhibaatooyin qoysku kala kulmo xagga arrimaha barbaarinta carruurta ama haddii ay jiraan dhibaatoyin dhex yaalla ninka iyo naagta isqaba ama haddii xagga arrimaha qoyska dartood, reerku u baahan yahay caawimo.  http://maakunta.kainuu.fi/perhetyö  

Xaaladaha dhibaatooyinka ah ee la xiriira carruurta iyo dhallinyarada hab dhaqankooda iyo xaaladaha noloshooda waxaa lala xiriiri karaa shaqaalaha sooshalka ee deegaanka Kainuu – ee degmooyinka isutegey http://maakunta.kainuu.fi/sosiaalityöntekijöiden yhteystiedot

Caawimo iyo taageerid loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey ee ah dumarka, carruurta iyo gabdhaha.

Waxaa jira telefoon waddanka oo dhan ah oo heegan ah 24 saac Isniin walba ilaa Jimce walba, tel. 09 692 2304. Email: info@monikanaiset.fi

Telefoonada dadka caawiya ee Ururka Badbaadinta Carruurta ee Mannerheim (Mannerheimin Lastensuojeluliiton auttavat puhelimet)

Telefoonka carruurta iyo dhallinyarada ee Ururka Badbaadada Carruurta ee Mannerheim (MLL:n lasten ja nuorten puhelimeen) 0800 120 400 meel walba oo waddanka ka mid ah lambarkan lacag la’aan baad ku soo wici kartaa. Telefoonka waxaa ka jawaabaya qof heegan ah oo iskaa wax u qabso u shaqeeya oo la soo tababaray, wakhtina u haya inuu ku dhegeysto. Dadka heeganka ah ee telefoonka ka jawaabaya waxaa waajib ku ah in aanay arrinta cidna u sheegin. Telefoonkan waxaa laga jawaabaa Isniin ilaa Jimce saacadaha u dhexeeya 14-20 (2 duhurnimo ilaa 8 fiidnimo) iyo Sabtida iyo Axadda saacadaha u dhexeeya 17-20 (5 galabnimo ilaa 8 fiidnimo).

Telefoonka waalidiinta (Vanhempainpuhelimeen) 0600 12277 waxaad soo wici kartaa haddii ay jiraan su’aallo iyo welwel la xiriira arrimaha barbaarinta carruurta. Telefoonka lacagtiisu waa 0,08 e/min + kharashka caadiga ah ee telefoonka. Telefoonka waxaa ka jawaabaya qof qaangaar ah oo iskaa wax u qabso u shaqeeya maalmaha Talaadooyinka saacadaha u dhexeeya 10-13 (10 subaxnimo ilaa 1 duhurnimo) iyo 17-20 (5 galabnimo ilaa 8 fiidnimo), maalmaha Khamiisahana saacadaha u dhexeeya 14-20 (2 duhurnimo ilaa 8 fiidnimo) iyo maalmaha Axadaha saacadaha u dhexeeya 17-20 ((5 galabnimo ilaa 8 fiidnimo).

Sida loo codsado furriinka

Furriinka waxaa laga codsadaa maxakamadda degmada ee deegaanka aad deggen tahay. Furriinka keligaa baad codsan kartaa ama adiga iyo qofka aad isqabtaan ayaad si wadajir ah u wada codsan kartaan. Si furriinka loo ogolaado, labada qof ee isqaba waxaa la siiyaa wakhti 6 bilood ah oo ay kaga soo fekeraan, markay lixda bilood dhammaato ka dib waa in haddana furriinka kama dambaynta ah lagu codsadaa lix bilood gudohood. Codsiga furriinka waxaa kaloo lagu go’aamin karaa carruurta aan qaangaarka ahayn qofka sharci ahaan masuul ka noqonaya, qofka ay la noolaanayaan, caawimada masruufka carruurta iyo xuquuqda la kulanka. Labada qof ee isqabaa iskood bay arrimaha uga heshiin karaan, ama waxay la xiriiri karaan shaqaalaha qaabilsan ilaalinta arrimaha carruurta (lastenvalvoja) iyo shaqaalaha sooshalka. http://maakunta.kainuu.fi/sosiaalityöntekijöiden yhteystiedot

Inta lagu jiro wakhtiga ka fekerka furriinka ayey labada qof ee isfurayaa ka heshiin karaa siday hantida u qaybsanayaan ama haddii ay ka heshiin kari waayaan, maxakamadda ayaa magacaabaysa qof labada qof hantida u qaybiya.

http://maakunta.kainuu.fi/avioero ja edunvalvonta erotilanteessa

Dhibaatooyinka mukhaadaraadka

Haddii isticimaalka mukhaadaraadku (khamriga ama daroogada) uu adiga ama qof ehelkaaga ah dhib ku hayo, dad aqoonyahanno ah ayaad ka heli kartaa caawimo iyo talooyin ku saabsan adeegyada kala duduwan ee loogu talagalay sida dadka mukhaadaraadka qabatimay loo daaweeyo http://maakunta.kainuu.fi/päihdehuollon palvelut.

Telefoonka caawiya dadka khamrigu dhibka ku hayo iyagoon magacood la ogaanayn (AA-auttava puhelin)044 281 3903 Kajaani (AA= Alcoholics Anonymous), maalin walba oo Axad ah saacadda 10-11.

Adeegyada qolyaha macaamiisha u dooda (Asiamiespalvelut)

Adeegyada qolyaha dadka macaamiisha ah u dooda ee Kainuu ka jiraa waa la talinta dadka wax soo gata (kuluttajaneuvonta), kala talinta arrimaha dhaqaalaha iyo deynka (talous- ja velkaneuvonta), hawlaha wakiilka arrimaha bukaanka (potilasasiamiestoiminta), hawlaha wakiilka arrimaha sooshalka (sosiaaliasiamiestoiminta) iyo ilaaliyaha guud ee danta (yleinen edunvalvonta).

La talinta dadka wax soo gata (Kuluttajaneuvonta) waa mid sharcigu dhigayo, waana adeeg dadka degmada ka tirsan lacag la’aan u ah. La talinta dadka wax soo gata waxay dadka talooyin iyo warar siisaa markay jiraan arrimaha ku saabsan soo gadashada alaabta iyo adeegyada, haddii dhibaato arrimahaas ka timaadana qofka way caawisaa. Faahfaahin dheeraad ah http://maakunta.kainuu.fi/kuluttajaneuvonnan linkit.

Kala talinta arrimaha deynku (Velkaneuvonta) awaxay qofka ka caawisaa sidii loo ogaan lahaa xaaladda dhaqaale oo dhinac walba leh. Kala talinta arrimaha dhaqaalaha (Talousneuvonta) waxaad ka heli kartaa warar iyo talooyin ku saabsan arrimaha la xiriira deyn qaadashada. Wakiilka arrimaha sooshalku (Sosiaaliasiamies) waa qof dhexdhexaad ah oo degmada u shaqeeya, shaqadiisuna waa ilaalinta danta dadka macaamiisha ah iyo inuu la taliyo. Faahfaahin dheeraad ah http://maakunta.kainuu.fi/sosiaaliasiamies.

Wakiilka arrimaha bukaanku (Potilasasiamies) qofka bukaanka ah ama dadka bukaanka ehelka u ah iyo dadka u dhow ayuu kala taliyaa arrimaha la xiriira jagada iyo xuquuqda qofka bukaanka ah. Wakiilka arrimaha bukaanku wuxuu qofka bukaanka ah ka caawiyaa arrimaha la xiriira qoritaanka xusuusinta, cabashada ama samaynta codsiyada magdhowga ee lagu dalbado magdhowga khasaaraha bukaanka soo gaara ama khasaaraha ay daawooyinku keenaan. Faahfaahin dheeraad ah http://maakunta.kainuu.fi/potilasasiamies.

Heeganka loogu talagalay dadka dembi dhib loogu geystey (Rikosuhripäivystys)

Heeganka loogu talagalay dadka dembi dhib loogu geystey (RIKU) wuxuu taageeraa qofka dembi dhib loogu geystey ama ehelkiisa ama qofka arrin dembi ah markhaati ka ah, siday uga soo kabsan lahaayeen dhacdada dembiga. Heeganka loogu talagalay dadka dembi dhib loogu geystey hawlihiisa waxaa isku dubarididooda qaabilsan Ururka Laanqayrta Case ee Finland.

Goobaha adeegga ee Heeganka loogu talagalay dadka dembi dhib loogu geystey waxaa ka shaqeeya dad taagerayaal ah, taageerayaashaasi qofka dhibanaha ah shakhsi ahaan bay u caawiya. Adeegga taageeriddu, kharashka telefoonka mooyee sidiisa kale qofka lacag la’aan buu u yahay.

Telefoonka caawiyaha ee Heeganka loogu talagalay dadka dembi dhib loogu geystey (RIKU) 0203 16116 waxaa laga jawaabaa maalmaha Isniin-Talaado saacadaha u dhexeeya 13-21 (1 duhurnimo ilaa 9 fiidnimo) iyo Arbacada saacadaha u dhexeeya 17-21 (5 galabnimo ilaa 9 fiidnimo).

Telefoonka looyarka la taliyaha ah 0203 16117 waxaa laga jawaabaa maalmaha Isniinta ilaa Khamiista saacadaha u dhexeeya 17-21 ((5 galabnimo ilaa 9 fiidnimo).

Taageeridda markhaatiga tel. 0203 16118 waxaa laga jawaabaa maalmaha Isniinta ilaa Khamiista saacadaha u dhexeeya 17-19 (5 galabnimo ilaa 7 fiidnimo).
www.rikosuhripaivystys.fi

Dhimashada

Caawimo waxaa laga helaa hay’adaha kaniisadaha (seurakunnat), ururada iskaa wax u qabso iyo waaxda sooshalka iyo caafimaadka ee deegaanka Kainuu http://maakunta.kainuu.fi/sosiaalityöntekijöiden yhteystiedot

- Haddii qof ehelkaaga ah guriga ku dhinto, waa inaad la xiriirtaa booliska ama xarunta dhibaatooyinka degdegga ah (hätäkeskus).

- Haddii qof ehelkaaga ah ku dhinto isbitaalka. Isbitaalka ayaa samaynaya arrimaha diwaanka iyo sheegitaanka dhimashada ee offishalka ah. Shahaadada caddaynta dhimashada waxaa bixiya isbitaalka.

Arrimaha ay tahay in la sameeyo:

  • Qabanqaabinta aaska (duugidda) (meesha lagu aasayo, wakhtiga, meesha ururka diintu leeyahay ee meydka loogu ducaynayo (kappeli), wadaadka (pappi), qofka muusiga hogaaminaya (kanttori) iwm.) waxaa lagala heshiiyaa qaybta urur diimeedka ee uu qofku ka tirsan yahay.
  • Qabanqaabinta aaska waxaa iska leh qofka dhintay ehelkiisa. Haddii aanu ehel jirin, caawimo waxaa laga codsadaa xafiiska sooshalka ee xaafadda.
  • In joornaalka lagu qoro tacsida qofka dhintay khasab ma aha.
  • Shaqaalaha dowladda ayaa Hay’adda Hawlgabka Qaranka (KELA) iyo shirkadda hawlgabka u dugbiya wararka ku saabsan inuu qofku dhintay, laakiin dadka ehelka ahna way la xiriiri karaan.
  • Haddii qofka dhintay uu ku jirey caymisyo, waa in lala xiriiraa shirkadaha caymiska nolosha ama caymiska shilalka ama caymiska guryaha ee arrintu khusayso.
  • Heshiisyada la xiriira guriga uu qofku deggenaa sida (TV, korontada, biyaha, daryeelka qashinka) waa in la joojiyaa.
  • Boostada iyo bangiga waa in loo sheegaa inuu qofku dhintay.
  • Qofka u xilsaaran arrimaha qofka dhintay: waxaa wanaagsan in qof ehelka ah oo ay dadka kale ee ehelka ahi wakiisheen (qoraalka guud ee wakiilashada sharciga ah) uu noqdo qofka arrimaha dhammaynaya.
  • Haddii qofka dhintay uu sameeyey qoraal ku saabsan sida dhaxalkiisa loo qaybsanayo, markaas waa in dadka dhaxalkiisa leh oo dhan loo sheegaa.
  • Qoraalka dhaxalka waa in (3) bilood gudohood oo ka bilaamaya markuu qofku dhgintay, shaqaalaha maamulka dowladda loogu soo gudbiyaa.
  • Canshuuraha: qofka dhintay qofkay isqabeen canshuurihiisa waxaa laga yaabaa in isbeddel ku yimaadoi, sidaa darteed waa inuu qofku shakhsi ahaan u tagaa xafiiska canshuuraha ee degmadiisa si uu arrinta xaaladeeda u ogaado.

Maalgeliyaha guud ee boggani waa Hay’adda Maalgelinta Arrimaha Bulshada ee Yurub (Euroopan sosiaalirahasto).