Väkivaltatilanteet
Markay jirto xaalad dagaal ah waxaa muhiiim ah inaad caawimo raadsato. Haddii aad isla markaas u baahan tahay inay boolisku ku caawiyaan xaalad khatar ah oo jirta awgeed, waxaad wacaysaa lambarka booliska ee khatarta: 112. Lambarka furaha ah uma baahnid xitaa haddii aad ka wacayso telefoonka gacanta.
Waxaa jira degmooyin badan oo kaalmeeya dadka dhibaatooyinka dagaalka ah lagu sameeyey. Waxaad la xiriiri kartaa tusaale ahaan Heeganka dadka dhibanayaasha ah ee dembiga lagu sameeyey(rikosuhripäivystys), tel. 0203-16116). Heeganka loogu talagalay dadka dhibanayaasha ah ee dembiga laga galay (Rikosuhripäivystys) wuxuu leeyahay telefoon caawin ah (Help-line) oo lambarkiisu yahay 020316118, lambarkan waxaad adeeg af Finnish iyo af Ingiriis ah ku heleysaa maalmaha Isniinta-Arbacad saacadaha u dhexeeya 15-18 (3 galabnimo -6 fiidnimo).
Dumarka iyo gabdhaha dagaalka la kulmay waxay soo wici karaan Laynka Dumarka (Naisten Linja), kaas oo dadka ugu adeegga luuqadahan soo socda:
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Dumarka waddanka u soo guurey waxaa taageero iyo kaalmo luuqado kala duduwan ah siiya xarunta la yiraahdo Voimavarakeskus Monika (tel. 09-6922 304).
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dembiyada iyo dembiyada cunsuriyadda ah
Dagaalka qoyska dhexdiisa
Dagaalka sekshiwalka ah
Dembiga sekshiwalku wuxuu noqon karaa kufsasho, ku khasbid wax sekshiwal ah, faraxumayn sekshiwal ah iyo in adeegyada sekshiwalka laga gato qof aan qaangaar ahayn. Dagaalka sekshiwalka ahi wuxuu ka dhici karaa xitaa labada qof ee isqaba ama xiriirka leh.
Xarunta Tukinainen waxay leedahay lambar lacag la’aan ah (tel. 0800-97899) oo loogu talagalay dadka lagu sameeyey dembiyada sekshiwalka ah. Ururka caafimaadka maskaxda ee Finland (Suomen mielenterveysseura) waxay meelo kala duduwan oo Finland ah ku leedahay xarumo dhibka degdeg ah.
Mabnuuucidda u soo dhawaanshaha
Qofka si jjoogta ah kuugu hanjaba ama kuu dhiba waxaad booliska ka codsan kartaa in lagu xukumo mabnuucidda u soo dhawaanshaha, warar ku saabsanna waxay ku jiraan boggaga booliska (poliisi) iyagooo ku qoran 8 luuqadood. waxaad kaloo talo weydiin kartaa shaqaalaha maamulka ee arrimaha bulshada.
Ku dhibidda goobta shaqada
ku dhibidda goobta shaqadu waa dagaal xagga nafsadda ah, qofka madaxda ahna waxaa waajib ku ah inuu wax ka qabto. Waxaad kaloo caawimo ka heleysaa wakiilka badbaadada shaqaalaha ee goobtaada shaqada ama qaybta daryeelka caafimaadka shaqaalaha. Inaad caawimo dalbataa ceeb ma aha!