Waxbarashada aasaasiga ah
Waxbarashada hore
Warar ku saabsan waxbarashada hore ee Helsinki waxaad ka heleysaa boggaga waaxda arrimaha bulshada (sosiaalivirasto).
Waxbarashada aasaasiga ah
Warar ku saabsan waxbarashada aasaasiga ah ee Helsinki waxaad ka heleysaa boggaga gudoonka waxbarashada (opetusvirasto). Boggaga waxaa kaloo ku qoran warar ku saabsan waxbaridda ardayda asalkoodu yahay dad waddanka u soo guurey, tusaale ahaan waxbarashada diyaarinta ah iyo waxbarashada luuqadda hooyo. Waxaad sidoo kale raadin kartaa dugsiyada hoose (ala-aste) ee Helsinki iyo iskuuladda oo dhan meelaha lagala xiriiro.
Haddii aad rabtid inaad dhigatid waxbarashada lagu qaato shahaadada dugsiga hoose/dhexe, dadka waaweyn xitaa waa u suuragal. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa dugsiyada sare ee dadka waaweyn.
Eiran aikuislukio
Helsingin aikuislukio
Itäkeskuksen aikuislukio
Mäkelänrinteen aikuislukio
Töölön yhteiskoulun aikuislukio
Waxbarashada dheeraadka ah "fasalka tobnaad"
Warar ku saabsan waxbarashada dheeraadka ah ee Helsinki
Waxbarashada heerka labaad
Dugsiga sare
Warar ku saabsan waxbarashada dugsiga sare ee Helsinki dhexdeeda
Dugsiga sare waxaa lagu dalban karaa codsiga guud (yhteishaku).
Dadka waaweyni waxay waxbarashada dugsiga sare ku qaadan karaan dugsiyada sare ee dadka waaweyn.
Eiran aikuislukio
Helsingin aikuislukio
Itäkeskuksen aikuislukio
Mäkelänrinteen aikuislukio
Töölön yhteiskoulun aikuislukio
Boggaga guddoonka waxbarashada waxaad ka heleysaa waxbarashada luuqadaha qalaad lagu qaato.
Waxbarashada heerka labaad ee xirfadda
Warar ku saabsan xirfadaha waxbarashadooda ee Helsinki dhexdeeda (Helsingin kaupungin opetusvirasto)
Caawimo ah xagga xirfad dooorashada
Boggaga xafiiska shaqada ee Helsinki
Raadinta iskuul
Boggaga gudooonka waxbarashadu waxay leeyihiin adeeg raadin ah (hakupalvelu) oo aad ku raadin karto sida loola xiriiro iskuul walba ama macad walba oo waxbarasho oo Helsinki leedahay.