Peruskoulutus
"Haddii aad rabto inaad ogaato xaqiiqda kama dambaysta ah, alifbeetada ka soo bilow."
(maahmaah Jabaanays ah)
Waxbarashada hore
Waxbarashara hore (esiopetus) waa hal sano. Waxay bilaabantaa markuu ilmuhu 6 sano jirsado. Waxbarashada hore waxaa suuragal ah inuu ilmuhu ku qaato xannaanada, laakiin dugsiyada hoose/dhexena waa lagu dhigaa. Waxbarashada hore waa lacag la'aan.
Waxbarashada aasaasiga ah
Carruurta sida joogtada ah Finland u deggan, waxbarashadu waajib ayey ku tahay. Waxbarashadu waxay ilmaha waajib ku noqonaysaa laga bilaabo sannadka ay toddoba sano u buuxsamayso waxayna ku eg tahay, markuu ilmuhu dhammaysto waxbarashada aasaasiga ah (perusopetus) ama markay waajibaadka waxbarashada ka soo wareegtey 10 sannadood. Fasallada 1-6 waa dugsiga hoose, fasallada 7-9 waa dugsiga dhexe.
Haddii aad rabtid inaad dhigatid waxbarashada lagu qaato shahaadada dugsiga hoose/dhexe, dadka waaweyn xitaa waa u suuragal. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa dugsiyada sare ee dadka waaweyn.
Warar ku saabsan iskuullada caalamiga ah ee Finland ku yaalla, oo ku qoran luuqadahan soo socda:
Ingiriis
Waxbarashada dheeraadka ah "fasalka tobnaad"
Waxbarashada dheeraadka oo uu qofku ikhtiyaarka u leeyahay waa hal sano oo dugsiga hoose/dhexe ka dib ah. Ujeeddaduna waa in la kordhisto oo kor loo qaado fursadda mustaqbalka.
Yaa talo laga helaa?
Iskuullada waxaa jooga shaqaale waxbarashada ah (opinto-ohjaaja), kuwaas oo aad ka heleyso waxyaabaha ku saabsan waxbarashada iskuulkaaga. Waxay kaloo ku siinayaan wararka ku saabsan goobaha kale ee waxbarashada iyo iyo sida loo dalbado.
Bogga Opintoluotsi waxaad ka raadsan kartaa meelaha aad ka heli karto talooyin waxbarashada ku saabsan, iyadoo la eegayo xaaladda nolosha ee aad ku jirto. Xitaa si toos ah ayaad wararka uga raadsan kartaa goobta waxbarashada