Waxbarashada
Kajaani waa magaalo waxbarasho oo ay ku yaallaan goobo waxbarasho oo badan. Xarunta jaamacadda oo ah xarun hoos tagta Jaamacadda Oulu, waxaa lagu bartaa macallinimada barbaarinta hore iyo macallinimada waxbarashada iskuullada. Qaybta cilmiga kombiyuutarada ee jaamacadda waxbarashadeeda waxaa lagu takhasusaa cilmiga soo saaridda barnaamijyada kombiyuutarka ama cilmiga waxqabadka ganacsiga ee barnaamijyada kombiyuutarada. Tiknikada cabbiraadu waa cilmi khaas ah oo ka mid ah barnaamijka cilmibaarista ee jaamacadda.
Macadka Tacliinta Sare ee Kajaani waxaad ku qaadan kartaa shahaadada cilmiga kalkaalisooyinka oo ah daryeelka bukaanka (AMK), cilmiga kalkaalisooyinka daryeelka caafimaadka (AMK), shahaadada cilmiga tababarka jimicsiyada iyo isboortiga (AMK), shahaadada injineernimada (AMK), shahaadada cilmiga hoteellada iyo makhaayadaha (AMK) ama shahaadada cilmiga maamulka ganacsiga. Shahaadada cilmiga maamulka ganacsiga waxbarashadeeda waxaad ku qaadan kartaa luuqadda Ingiriiska, markaas shahaadada aad qaadanayso magaceedu waa Bachelor of Business Administration, sidoo kale shahaadada cilmiga maamulka hoteellada iyo makhaayadaha waxbarashadeeda waxaad ku qaadan kartaa luuqadda Ingiriiska, waxaadna heleysaa shahaadada magaceedu yahay Bachelor of Hospitality Management.
Faahfaahin dheeraad ah:
Macadka Tacliinta Sare ee Kajaani (Kajaanin ammattikorkeakoulu)
Xarunta Jaamacadda ee Kajaani (Kajaanin yliopistokeskus)
Dugsiga Tacliinta Sare ee Deegaanka Kainuu (Kainuun maakuntakorkeakoulu)
Macadka Xirfadaha ee Kainuu (Kainuun ammattiopisto, KAO)dhallinyarada iyo dadka waaweyniba waxay ku qaadan karaan waxbarashooyinka cilmiyada xirfadaha ah. Dugsiga Tacliinta Sare ee Deegaanka Kainuu (KAO) wuxuu laamo ku leeyahay Kajaani, Kuhmo, Sotkamo, Suomussalmi iyo Vaala.
Macadka Xirfadaha ee Kainuu (Kainuun ammattiopisto) waxaa lagu bartaa cilmiyada lagu qaato shahaadooyinka aasaasiga ah ee xirfadahan hoos ku qoran: laamaha cilmiga dhaqanka (kulttuuriala), cilmiga ilaha dabiiciga ah (luonnonvara-ala), cilmiga wanaagga bulshada (hyvinvointiala) iyo cilmiga dhaqaalaha ganacsiga (liiketalouden ala), cilmiyada tiknikada (tekniikka) iyo gaadiidka (liikenne) iyo weliba cilmiyada dalxiiska (matkailuala) iyo nafaqada (ravitsemisala).
Qofka dhallinyarada ah haddii uu rabo, suuragal bay u tahay inuu qaato waxbarashooyinka ka dhexeeya macadka xirfadaha iyo dugsiga sare.
Laanta Adeegyada Waxbarashada Dadka Waaweyn ee Macadka Xirfadaha ee Kainuu oo loo yaqaan EDUKAIwaxaa wax ka barta dadka waaweyn. EDUKAI waxaa lagu baran karaa cilmiyada lagu qaato shahaadooyinka aasaasiga ah ee xirfadaha, shahaadooyinka xirfadaha iyo shahaadooyinka xirfadaha takhasuska ah. EDUKAI wuxuu qabanqaabiyaa waxbarashooyin muddo gaaban socda iyo kuwo muddo dheer socdaba.
Faahfaahin dheeraad ah:
Macadka Xirfadaha ee Kainuu (Kainuun ammattiopisto)
Laanta Laanta Adeegyada Waxbarashada Dadka Waaweyn ee Macadka Xirfadaha ee Kainuu (Edukai)
Laanta Mieslahti ee Macadka Xirfadaha ee Kainuu (Kainuun opisto Mieslahti) waxay dadka waaweyn ee ajnebiga ah sannad walba u qabanqaabisaa waxbarashada dugsiga hoose/dhexe, taas oo dadka fursad u siinaysa inay qaataan shahaadada dugsiga hoose/dhexe.
Faahfaahin dheeraad ah:
Laanta Mieslahti ee Macadka Xirfadaha ee Kainuu (Kainuun Opisto, Mieslahti)
Jaamacadda Xagaaga iyo Jaamacadda Furan ee Kainuu waxaa laga helaa waxbarashooyin aqoon kororsi ah iyo fursad kuu suuragelinaysa inaad adigoo shaqeeya wax barato, waxyaabaha aad xiisaysana hiwaayad ahaan u samayso. Macaddada shacabka (Kansalaisopistot) waxaa lagu bartaa luuqadaha iyo aqoonta farsamooyinka gacanta, waxayna kuu suuragelinayaan inaad waxyaabaha aad xiisayso hiwaayad ahaan u samayso.
Faahfaahin dheeraad ah:
Jaamacadda Xagaaga ee Kainuu (Kainuun kesäyliopisto)
Macadka Kaukametsä (Kaukametsän opisto)
Macadka Shacabka ee Kainula (Kainulan kansalaisopisto)
Waxbarashada aasaasiga ah
Waxbarashada aasaasiga ah Kajaani waxaa sida caadiga ah lagu dhigtaa iskuullada ay magaaladu maamusho. Waxbarashada aasaasiga ah oo ah fasallada 1aad - 9 aad waxay ka tirsan tahay waajibaadka waxbarashadda. Magaaladu waxay sidoo kale qabanqaabisaa waxbarashada loogu talagalay ardayda taageerada gaarka ah u baahan iyo waxbarashada loogu talagalay ardayda ajnebiga ah ee waddanka u soo guurtey.
Ilmo walba oo si joogto ah Finland u deggen waxbarashadu waxay waajib ku tahay muddo toban sano ah oo ka bilaabmaya sannadka ay ilmaha todobo sano u buuxsamayso. Waajibaadka waxbarashadu wuxuu dhammaanayaa markuu ardaygu dhammaysto waxbarashada dugsiga hoose/dhexe oo sagaal sano ah ama markay tobon sano ka soo wareego wakhtigii waajibaadka waxbarashadu u soo bilowday ardayga. Marka lagu jiro dugsiga hoose/dhexe, waxbarashada iyo buuggaagta daabacan iyo qalabka kale ee waxbarashada darteed loogu baahan yahay, ardayga lacag la’aan bay u yihiin. Maalin walba oo maalin iskuul ah ardayga waxaa la siiyo cunto lacag la’aan ah. Cuntada iskuulka waa la tixgeliyaa ardayda u baahan noocyo cunto khaas ah.
Waxbarashada aasaasiga ah ee Kajaani waxay ilmo walba oo reer Kajaani ah u suuragelineysaa inuu xaq u yeesho waxbarasho wanaagsan, isagoo ah qof waxbartana uu yeesho horumar iyo aqoon ilbaxnimo. Xilka waxbarashada saaran waa inay ardayga siiso fursad uu ku aqoonta ilbaxnimada guud ee waajibaadka waxbarashada la xiriirta. Taas oo ah barashada noocyo badan ee aqoonta ee uu qofku noloshiisa ugu baahan yahay. Sidoo kale waxbarashadu waa inay qofka u diyaarisaa sidii uu waxbarashadiisa u sii wadan lahaa. Waxbarasho walba oo la qabanqaabiyaa waxay ku salaysan tahay qorshe waxbarasho. Waxbarashada aasaasiga ah ka dib ardayga waxaa suuragal u ah inuu waxbarashadiisa sii wato oo uu galo dugsi sare ama uu galo macadada xirfadaha lagu barto.
Halkan (tästä) ayaad ka heleysaa meelaha iyo sida loola xiriiro iskuullada lagu dhigto waxbarashada aasaasiga ah.
Waxbarashada diyaarinta ah:
Waxbarashada ah u diyaarinta waxbarashada aasaasiga ah waxaa loogu talagalay ardayda cusub ee dhawaan waddanka timi iyo ardayda asalkoodu ajnebiga yahay ee Finland ku dhalatay ama Finland yimi iyagoon da’da iskuulka gaarin, ee aqoontooda luuqaddu aanay weli ku filnayn inay dhigtaan waxbarashada aasaasiga ah.
Muhiimadda ugu weyn ee waxbarashada diyaarinta ah laga leeyahay waa inay ardaydu bartaan luuqadda Finnishka, ayna aqoonsadaan erayo cilmiyeedka iyo erayada kale ee muhiimka ah ee maadooyinka kala duduwan. Marka ardayda waxbarashada la siinayo waxaa la tixgeliyaa inay ardaydu kala duduwan yihiin xagga da’da, xagga siday waxbarashada ugu bisil yihiin iyo xagga waxbarashadooda horeba.
Kajaani waxbarashada diyaarinta ah ee fasallada hoose ardaygu wuxuu ku qaataa fasalka u diyaarinta waxbarshada ee ugu dhow meesha uu ardaygu deggen yahay. Waxbarashada diyaarinta ah ee loogu talagalay adrayda da’doodu tahay dugsiga dhexe waxaa lagu dhigtaa iskuulka magaciisu yahay Keskuskoulu. Kajaani waxbarashada diyaarinta ah ardaygu wuxuu dhigtaa celcelis ahaan muddo hal sannad-dugsiyeed ah.
Waxbarashada la taageero:
Waxaa laga yaabaa in ardaydu markay soo qaataan waxbarashada diyaarinta ah ka dib ay weli u baahdaan in waxbarashadooda laga caawiyo. Iyagoo eegaya siday suuragal ugu tahay ayey iskuulladu ardayda waddanka u soo guurtey u qabanqaabiyaa caawimo ardayda lagaga caawinayo waxbarashada maadooyinka kala duduwan.
Kajaani waxaa kaloo suuragal ah, inuu ardaygu ka qaybqaato waxbarashada lagu qaato fasalka taageerada waxbarashada (tukiluokka) ee loogu talagalay ardayda waddanka u soo guurtey. Iyadoo la raacayo ardayga qorshihiisa waxbarashada ayaa waxaa laga caawinayaa maadooyinka uu u baahan yahay in laga caawiyo, ee aan ka ahayn maadooyinka xirfadda iyo farshaxanka kuwaas oo ah maadooyin uu ardaygu mar walba la qaato kooxda waxbarashada caadiga ah.
Af Finnishka oo ah luuqadda labaad:
Ardayda luuqadooda hooyo aanay ahayn Finnish waxaa loo dhigaa luuqadda Finnishka oo ah luuqadda labaad. Ardayda waddanka u soo guurtey luuqadda Finnishka waxay bartaan iyagoo ka qaybqaadanaya xiisadaha luuqadda Finnishka iyo suugaanta, xiisado luuqadda ah oo iyaga u gaar ahna way qaataan. Waxbarashada iskuulka lagu qaato oo dhan waxay taageertaa barashada luuqadda Finnishka.
Waxbarashada luuqadda hooyo:
Ardayda asalkoodu ka soo jeedo dadka waddanka u soo guurey waxaa haddii ay suuragal noqoto loo qabanqaabiyaa waxbarashada luuqadooda hooyo. Kajaani waxaa ka jira waxbarashada luuqadda hooyo oo ah luuqadaha ay ka mid yihiin Venäjä, Kurdi iyo Carabi.
Maalgeliyaha guud ee boggani waa Hay’adda Maalgelinta Arrimaha Bulshada ee Yurub (Euroopan sosiaalirahasto).