Koulutus Helsingissä
Waxbarashada Helsinki gudeheeda
Bangiga wararka boggiisa Waxbarashada waxaa ku qoran warar ku saabsan nidaamka waxbarashada ee Finland.
Bangiga wararka qaybtiisa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Waxbarashada waxaa ku qoran warar ku saabsan xannaano maalmeedka carruurta, haynta carruurta ee ku meelgaarka ah, waxbarashada aasaasiga ah iyo waxbarashada heerka labaad iyo weliba sida deegaanka magaalomadaxada looga dalbado waxbarasho.
Xannaano maalmeed
Bangiga wararka boggiisa Carruurta iyo dhallinyarada waxaa ku qoran aqoon guud oo ku saabsan nidaamka xannaano maalmeedka ee Finland.
Helsinki waxaa ka jira xannaano maalmeedyo magaaladu leedahay iyo kuwo barayfit ah. Xannaanooyinka af Finnish ah iyo kuwo af Iswiidhish ah mooyee waxaa kaloo magaalada ku yaalla xannaanooyin badan oo luuqadha ajnebiga ah . Bogga waaxda arrimaha bulshada waxaa ku qoran warar ku saabsan xannaano maalmeedka Helsinki ka jirta, wararku waxay ku qoran yihiin af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Marka la codsanayo xannaanooyinka magaaladu leedahay codsiga waxaa lagu soo qori karaa af Finnish, af Iswiidhish ama af Ingiriis. Waxaa fiican in codsiga la geeyo xannaanada ama hawlwadeenka qaabilsan shaqaalaha guriga uu deggan yahay carruurta ku haya ee la rabo in boos xannaanolaga helo ugu horay . Xannaanada barayfitka ah booskeeda isla xannaanada ayaa toos looga dalbadaa.
Xannaanooyinka dowladdu leedahay ee Helsinki ku yaalla oo ah liis ay u kala horeeyaan siday magacyadoodu alifbeeto ahaan u kala horeeyaan af Finnish.
Xannaanooyinka barayfitka ah ee Helsinki ku yaalla af Finnish iyo af Ingiriis.
Xannaanooyinka barayfitka ah ee luuqadaha xoogga saara af Finnish.
Xannaanooyinka luuqadda Iswiidhishka ah af Iswiidhish
Waxbarashada aasaasiga ah
Waxbarashada hore
Bangiga wararka boggiisa Waxbarashada aasaasiga ah waxaa ku qoran warar guud oo ku saabsan waxbrashada hore ee Finland gudeheeda.
Helsinki gudeheeda waxbarashada hore ee luuqadda Finnishka ah waxaa lagu dhigaa xannaanooyinka iyo dugsiga waxbarashada aasaasiga ah ee Aurinkolahti. Waxbarashada hore ee luuqadda Iswiidhishka ah waxaa lagu dhigaa iskuullada iyo xannaanooyinkaba. Waxbarasahda hore ee lacag la’aanta ah waxaa kaloo lagu dhigaa qaar ka mid ah xannaanooyinka luuqadaha ajnebiga ah, waxbarashadaas oo ah af Ingiriis, af Isbaanish iyo af Ruush. Xannaanooyinka barayfitka ah ee luuqadaha xoogga saara af Finnish.
Wararka ku saabsan waxbarashada hore ee hoos timaada waaxda sooshalka waxaa laga helaa boggaga waaxda sooshalka, wararku waxay ku qoran yihiin af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis. Codsiga waxbarashada hore lagu dalbado oo ah af Finnish iyo af Ingiriis.
Waxbarashada hore ee luuqadaha ajnebiga ah waxaa lagu dhigaa iskuullada luuqadaha kala duduwan ah. Iskuullada ayaad toos u weydiin kartaa waxyaabaha ku saabsan waxbarashada hore ee lagu dhigo iskuullada luuqadaha ajnebiga ah (liiskoodu wuxuu ku qoran yahay meesha dugsiga sare ka hadlaysa).
Waxbarashada dugsiga hoose/dhexe
Warar aasaasi ah oo ku saabsan waxbarashada dugsiga hoose/dhexe ee Finland gudeheeda waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa waxbarashada aasaasiga ah qaybtiisa Waxbarashada aasaasiga ah .
Wararka ku saabsan waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe ee Helsinki oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis waxaad ka heleysaa boggaga internetka ee gudoonka waxbarashada ee magaalada Helsinki.
Waxbarashada diyaarinta, waxbarashada Finnishka oo luuqadda labaad ah iyo waxbarashada luuqadda hooyo
Wararka ku saabsan waxbarashada diyaarinta, waxbarashada Finnishka oo ah luuqadda labaad iyo waxbarashada luuqadda hooyo waxaad iyagoo af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis ah ka heleysaa boggaga internetka ee gudoonka waxbarashada. Luuqadda hooyo waxbarashadeeda waxaad weydiin kartaa maamulaha iskuulka ilmuhu dhigto . Waxbarashada diyaarinta ah waxaa sida caadiga ah la isa soo qoraa, marka iskuulka la isa soo qorayo ama marka dugsiga dhexe loo wareegayo.
Waxbarashada aasaasiga ah ee luuqadaha ajnebiga ah ee Helsinki gudeheeda
Waxbarashada aasaasiga ah ee luuqadaha ajnebiga ah ee Helsinki wararka ku saabsani waxay ku qoran yihiin Bangiga wararka meeshiisa Waxbarashada luuqad ajnebi ah lagu dhigto ee deegaanka magaalomadaxda (Vieraskielinen opetus pääkaupunkiseudulla) .
Waxqabadka gelinka dambe ee loogu talagalay iskuuleyda ee Helsinki
Helsinki waxaa laga qabanqaabiyaa waxqabad gelinka dambe ah oo loogu talagalay iskuuleyda dhigata fasallada 1aad iyo 2aad, iyo weliba ardayda u baahan taageero khaas ah. Waxqabadka gelinka dambe waxaa qabanqaabiya iskuullada, ururada shacabka ee kala duduwan, bulshooyinka diinta (seurakunnat) iyo qolyo birifaati ah. Waxqabadka waxaa la qabanqaabiyaa isagoo ah sida caadiga ah luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka. Waxqabadku isagoo ah luuqado ajnebi ah waxaa laga qabanqaabiyaa qaar ka mid ah iskuullada waxbarashadoodu tahay luuqadaha ajnebiga ah.
Gudoonka waxbarashada ee magaalada Helsinki boggagiisa waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxqabadka gelinka dambe ee loogu talagalay iskuuleyda af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .
Sannaddugsiyeedka soo socda waxqabadkiisa foomka lagu dalbado waxaa laga helaa iskuullada iyo goobaha uu waxqabadku ka jiro. Wakhtiga dalbashadu markuu bilowdo, foomka oo elektoroonig ah wuxuu ku jiraa gudoonka waxbarashada boggagiisa internetka. Wakhtiga dalbashadu wuxuu bilowdaa marka iskuullada la isa soo qorayo oo ah bisha Febaraayo, wuxuuna socdaa ilaa bisha Abriil dhammaadkeeda. Gudoonka waxbarashada boggagiisa waxaa laga soo daabacan karaa foomka oo ah af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis . Foomka waxaa lagu soo celiyaa goobta waxqabadka ee la dalbanayo .
Dadka qaangaarka ah ee dhigta waxbarashada dugsiga hoose/dhexe
Dugsiga sare ee dadka waaweyn ayaa lagu dhigan karaa waxbarashada lagu qaato shahaadada dugsiga hoose/dhexe.
Dugsiga sare ee dadka waaweyn ee Eira (Eiran aikuislukio) af Finnish iyo af Ingiriis.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dugsiyada sare ee dadka waaweyn, waxaad ka heleysaa boggaga gudoonka waxbarashada af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Waxbarasho dheeraad ah ”fasalka tobnaad”
Boggaga gudoonka waxbarashada waxaa ku qoran warar ku saabsan wax ka barashada fasallada tobnaad iyo fasallada tobnaad ee loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey, wararku waxay ku qoran yihiin af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Waxbarashada heerka labaad
Dugsi sare
Helsinki waxaa ku yaalla dugsiyo sare oo magaaladu leedahay iyo kuwo dowladdu leedahay iyo kuwo barayfit ah. Dugsiyada sare ee barayfitka ah waxaa la bixiyaa lacag teeramkiiba lagu dhigto iyo lacag sannad-dugsiyeedkiiba lagu dhigto. Wararka ku saabsan waxbarashada dugsiga sare waxaad ka heleysaa boggaga gudoonka waxbarashada , wararku waxay ku qoran yihiin af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Shahaadada caalamiga ah ee IB (kansainvälisen IB-tutkinto) Helsinki gudeheeda waxaa laga qaadan karaa Iskuulka Caalamiga ah ee Helsinki (Helsingin kansainvälinen koulu) qaybtiisa IB (International School of Helsinki), Iskuulka ka Dhaxaynta ee Finnishka ee Helsinki (Helsingin Suomalainen Yhteiskoulu) iyo Iskuulka Sare ee Ressu (Ressun lukio). Iskuulka Caalamiga ah waxaa la bixiyaa lacag teeramkii lagu dhigto.
Wararka ku saabsan waxbarashada luuqadaha ajnebiga ah waxaa laga helaa boggaga gudoonka waxbarashada, wararku waxay ku qoran yihiin af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Wararku waxay kaloo ku qoran yihiin iskuullada boggagooda internetka.
Iskuulka Ingiriiska (Englantilainen koulu)
Iskuulka Jarmalka ee Helsinki (Helsingin Saksalainen koulu)
Iskuulka Caalamiga ah ee Helsinki (Helsingin kansainvälinen koulu )
Iskuulka Faransiiska-Finnishka ee Helsinki (Helsingin ranskalais-suomalainen koulu)
Iskuulka Finnishka-Ruushka (Suomalais-venäläinen koulu)
Raadinta iskuul
Bogga gudoonka waxbarashadu wuxuu leeyahay adeeg raadin, iyadoo adeegaas la kaashanayo ayaa la raadin karaa meelaha lagala xiriiro dhammaan iskuullada iyo macadada waxbarashada ee Helsinki ka furan, wararkuna waxay ku qoran yihiin af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Dadka qaangaarka ah ee dhigta dugsiga sare
Dadka qaangaarka ahi waxay waxbarashada lagu qaato shahaadada dugsiga sare ku dhigan karaan dugsiyada sare ee dadka waaweyn. Faahfaahin dheeraad ah oo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis oo ku saabsan dugsiyada sare ee dadka waaweyn waxaad ka heleysaa boggaga gudoonka waxbarshada.
Waxbarashada xirfadaha ee heerka labaad
Gudoonka waxbarashada boggagiisa waxaa ku qoran warar af Finnish, af iswiidhish iyo af Ingiriis ah oo ku saabsan waxbarashada xirfadaha ee Helsinki lagu dhigto.
Macadka waxbarashada xirfadaha adeegga ee Helsinki, Macadka waxbarashada xirfadaha arrimaha bulshada iyo caafimaadka ee Helsinki iyo Macadka waxbarasahda xirfadda farsamada ee Helsinki, waa macaddo waxbarasho oo ay magaaladu maamusho. Helsinki waxaa kaloo ku yaalla macaddo waxbarasho oo birifaati ah ama ay maamulaan aasaasiyado (säätiöt), waana macaddo waxbarasho oo ah xirfadaha ganacsiga iyo maamulka, cilmiga dhaqanka, xirfadaha cilmiga xirfadda ee safarka, nafaqada iyo dhaqaalaha cuntada, waxbarashada xirfadda arrimaha bulshada iyo caafimaadka iyo macadada waxbarashada xirfadaha farsamada iyo gaadiidka. Gudoonka waxbarashada boggagiisa waxaa ku jira liis ay ku qoran yihiin macadada waxbarashada ee lagu barto xirfadaha. Liisku waa af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .
Sovinto waa iskuul broofeshin iyo iskuul waxbarasho iyo shaqo wadasocdo. Wuxuuku siinayaa wax barasho ku saabsan broofeshin kaada ama wax garad shaqo iskuul dhankeed lagu soo qalan jabinaayo, shaqadaan wexey ku haboontahay qofka xamaali fahansan. Waxaas oo dhan waxaad ka helee xafiiska shaqada iyo xoogsashada wax la aanta (työ- ja elinkeinotoimisto)
Ka sii aqriso bogga iskuul Sovinto af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .
Waxbarashada ah u diyaarinta waxbarashada aasaasiga ah ee xirfadaha ee loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey
Dadka waddanka u soo guurey waxaa Macadada Xirfadaha ee Helsinki ee Hesote , Helpa, Heltech iyo Jaamacada diakoonka ee Helsinki looga qabanqaabiyaa waxbarasho loogu diyaarinayo siday u qaadan lahaayeen waxbarashada lagu barto xirfadaha. Waxbarashadu waxay qaadataa hal sano, si gaar ah ayaana loo codsadaa.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku qoran af Finnish iyo af Ingiriis waxaad ka heleysaa boggaga gudoonka waxbarashada.