Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Waxbarashada

Koulutus

"Aqoontu waa qasnad, aanu tuugu xadin karin."
(Maahmaah Shiinaysaah)

Finland waxbarashadu waa shay muhiim ah. Waxbarashadu waxay kaa caawinaysaa inaad si sahlan shaqo u hesho. Boggagan waxaad ka heleysaa warar ku  saabsan meelaha iyo sida aad Finland gudeheeda wax uga baran karto.

Nidaamka waxbarashada ee Finland wuxuu u kala baxaa waxbarashada aasaasiga ah, waxbarashada heerka labaad, waxbarashada heerka sare iyo waxbarashada dadka waaweyn.

Faahfaahin dheeraad ah oo mawduuca ku saabsan:
Opintoluotsi
Expat Finland

Xaggeen waxbarasho u doontaa?

Caawimo ah xagga doorashada xirfad.

Xaggee laga helaa dhaqaale si wax loo barto?

Warar ku saabsan sida shahaadooyinka waddan kale laga soo qaatay loogaga faa'iidaysan lahaa Finland gudeheeda 

Ma rabtaa inaad baratid luuqadda Finnishka?

Ma rabtaa inaad af Ingiriis wax ku barato? Boggaga Opintoluotsi waxaa ku qoran warar ku saabsan meelaha ay arrintani suuragalka ka tahay. Boggaga CIMO ee Discover Finland waxaa ku jira goobta wararka ee  "International Study Programmes", halkaas oo aad si toos ah uga raadsan karto wararka ku saabsan waxbarashada luuqadda ingiriiska lagu qaato ee waxbarashada heer jaamacadeed iyo machadada sare ee xirfadaha.

Sharciga sinnaanta (Yhdenvertaisuuslaki) ayaa mabnuucaya takooridda tusaale ahaan shaqo u qaadashada iyo waxbarashada. Warar mawduuca ku saabsan oo luuqadaha soo socda ah:

Soomaali
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Saame
Ruush
Carabi
Isbeynn  
Faransiis

Boggaga wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ku yaalla tilmaame la yiraahdo Koti Suomessa -opas, oo ay ku qoran yihiin warar loogu talagalay dadka waddanka u soo guureyku oo ku saabsan deggenaansha, waxbarashada iyo daryeelka arrimaha bulshada, wuxuuna ku qoran yahay luuqadahan soo socda:

Soomaali
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Faransiis
Ruush
Serbokroati
Farsi
Kurdi
Carabi
Albaaniyaan
Fiitnaam
Dari
Istooniyaan
Finnish fudud (Finnish)