Opiskelu Suomessa
Sharciga joogidda waddanka ee ardayda
Dadka ajnebiga ahi wax way ka badan karaan goobaha waxbarashada ee Finland. Wakhtiga waxbarshada waxay u baahan yihiin sharciga joogidda waddanka. Waa inaad sharci dalbataa, haddii waxbarashadaadu qaadanayso in saddex bilood ka badan.
Sharciga ugu horeeya ee joogidda waddanka ee aad Finland ku imaanayso waxaad ka dalbanaysaa safaaradda ama wakiilka Finland ay ku leedahay waddankaaga. Boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka (Maahanmuuttovirasto) ayaad ka heleysaa warar ku saabsan dalbashada iyo warqadaha aad codsiga dartiis u baahan tahay. Cusboonaysiinta sharciga waxaa laga dalbadaa booliska degmadaada.
Dadka leh dhalashada waddamada Ururka Midowga Yurub iyo dadka iyaga la barbar dhigi karaa uma baahna sharciga joogidda waddanka. Hase ahaatee waa inay xuquuqdooda joogitaanka waddanka ka diwaangeliyaan saldhigga booliska, haddii muddada ay waddanka joogayaan saddex bilood ka badan tahay.
Hase ahaatee waxbarasho nooc walba ahi xaq kuuma siinayso sharciga. Sida caadiga ah waxbarashadu waa inay ahaataa mid xirfad lagu baranayo ama shahaado jaamacadeed lagu qaadanayo. Boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka ayaad ka heleysaa warar ku saabsan nooca waxbarashada ee aad ku heli karto sharciga joogidda waddanka.
Boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka ayaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida laysugu ogolaado sharciga joogidda waddanka ee ardayda. Wararku waxay ku qoran yihiin af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis, af Faransiis iyo af Ruush.
Dhaqaalaha lagu noolaanayo Finland gudeheeda
Sida caadiga ah markaad sharciga dalbanayso waa inaad soo caddaysaa sidii aad u maalgelin lahayd noloshaada, muddada aad waxbaranayso. Tusaale ahaan waa, inaad bangiga lacag dhigataa. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka meeshiisa ”toimeentuloedellytys”.
Haddi ujeeddada uu qofku Finland u yimi tahay waxbarasho, looma arko inuu yahay mid si joogto ah Finland u deggan. Sidaa darteed xaq uma yeelanayo daryeelka arrimaha bulshada ee Hay’adda Hawlgabka Qaranku (Kela) bixiso. Faahfaahin dheeraad ah oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis waxaad ka heleysaa boggaga Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela).
Shaqaysashada adigoo arday ah
Haddii aad rabto muddada aad ardayga tahay waad shaqaysan kartaa, waase la xaddiday. Faahfaahin dheeraad ah boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka meesha (Wakhtiga waxbarashada ma la shaqayn karaa) ”Voiko opiskeluaikana tehdä työtä”.
Faahfaahin dheeraad ah
Bangiga wararka boggiisa Waxbarasahda–sivut waxaa ku qoran warar ku saabsan waxyaabo ay ka mid yihiin nidaamka waxbarasahda ee Finland iyo noocyada kala duduwan ee fursadaha waxbarashada.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sharciga joogidda waddanka ee ardayga ee Finland oo ku qoran luuqadahan soo socda:
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis