
|
Tärkeää tietoa asumisesta
"Gurigaygu waa hadba meesha aan nolol fiican ku helo."
(Maahmaah Tansaniyaan ah)
-
Heshiiska korontada waxaad heleysaa, markaad shirkadda korontada wacdo oo aad u sheegto magacaaga iyo cinwaankaaga cusub. Nalalka iyo istaataradda qofku isagaa soo gadanaya oo iska beddelaya haday ka gubtaan.
- Heshiiska ijaarka waxaa lagu qoraa, kharashka biyuhu inuu ijaarka ku jiro, mise kharashka biyaha bil walba ma gaarbaa loo bixinayaa.
- Haddii aad leedahay telefoonka guriga, cinwaankaaga cusub u sheeg shirkadda telefoonada, si ay laynka telefoonka guudu soo deyso.
- Haddii aad telefishan leedahay, waxaad u baahan tahay sharciga tv-ga (tv-lupa). Sharciga waxaad ka heleysaa viestintävirasto.
- Finland waxaa ka jira sharci, kaas oo dhigaya in guri walba uu leeyahay aaladda dabka ka digta (palovaroitin). Xil iska saar, inay aaladda dabka ka digtaa shaqaynayso. Qofka guriga deggan xilka saarani waa inuu aaladda dabka ka digta beteriga ka beddelo sannadkiiba mar. Shirkadda caymiska gurigu haddii dab guriga ka dhasho oo gubo ma bixinayso khasaaraha yimaada, haddii aaladda dabka ka digtaa aanay shaqayneyn.
-
Caymiska guriga waxaad ka heleysaa shirkadaha caymiska. Shirkadda caymiska ayaa kaa caawinaysa inaad doorato nooca caymiska ee adiga ku anfacaya. Soo ogow waxyaabaha uu caymiska gurigu magdhowgooda bixinayo.
-
Mishiinadda guriga daryeelkooda qofka guriga deggan ayaa masuul ka ah: talaagad, firiiser, makiinadda cuntada, makiinadda cuntada korkeeda kan ku samaysan ee hawada bannaanka u saara iyo makiinadda dharka daryeelkood.
- Haddii aad rabtid inaad rakibatid anteenadda satalaytka, markaas waxaad ogolaansho uga baahan tahay qofka shirkadda guryaha wakiilka u ah (isännöitsijä).
-
Balakoonka waxaa loogu talagalay, inuu qofka guriga deggani joogo. Balakoonka lama ogola in cunto lagu samaysto ama lagu kaydiyo.
-
Qashinka iyagoo ku jira bac afka laga xiray waa in lagu ridaa meelaha loogu talagalay. Waxyaabaha sunta leh, waxyaabah korontada ah ee halaaba iyo kuwa elektorooniga ahiba waa nooca qashinka ee dhibaatada leh. Kuwaas lama ogola in lagu rido sanduuqyada qashinka ee shirkadda guryaha. Qashinka cuntada soo hartay ah waxaa lagu ridaa sanduuqyada loogu talagalay. Sanduuqyadaas lama ogola in lagu rido baco ama qashin kale. Sanduuqyada warqadaha lagu ururiyo waxaad ku ridaa oo keliya joornaalada iyo xayaysiisyada, baco ama qashin kale ha ku ridin.
- Meesha ugu dhow ee la geeyo qashinka dhibaatada leh (ongelmajätteet) waxaad ka heleysaa cinwaanka ongelmajate.fi.
Meelaha dadka dhismaha deggani ay wadaagaan:
-
Wakhtiga sawnada iyo furaha sawnada waxaa lagu siinayaa, ka dib markaad xafiiska wakiilka shirkadda guryaha (isännöitsijätoimisto) ku soo samaysid heshiiska sawnada.
-
Qolka dharka lagu dhaqdo hore ayaa wakhti looga qabsadaa.
- guriga bakhaarkiisa waxaa loogu talagalay inaad dhigato alaabta aadan maalin walba u baahnayn.
- Baabuurka waa in la dhigaa meesha loogu talagalay baabuurta. Meel baabuurkaaga waad kiraysan kartaa, waana inaad wakiilka shirkadda guryaha (isännöitsijä) la samaysaa heshiiska meesha baabuurka la dhigto.
Boggaga qaybta badbaadinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaad ka heleysaa Qoraal ku saabsan badbaadada guriga (Kodinturvaopas). Qoraalka waxaa ku qoran warar ku saabsan tusaale ahaan badbaadada dabka iyo sida looga hortago shilalka.
Sida caadiga ah dhismo waliba wuxuu leeyahay golaha hawlaha dhismaha (talotoimikunta), oo la xiriira guddiga shirkadda guryaha (taloyhtiön hallitus). Golaha hawlaha dhismuhu wuxuu sii gudbiyaa dadka dhismaha deggan waxyaabaha ay soo jeediyaan iyo waxyaabaha ay rajeynayaan. Cid walba oo dhismaha deggean waxaa fiican inay ka qaybgalaan shirarka dadka dhismaha deggan. Shirka waxaa laguugu dooran karaa inaad ka mid noqoto golaha hawlaha dhismaha, sidaas ayeyna kuugu suuroobeysaa inaad saamayn ku yeelato arrimaha dhismaha aad deggen tahay. Haddii ay yimaadaan cillado deggenaanshaha la xiriira ay, cilladahaas waxaad u sheegi kartaa golaha hawlaha dhismaha.
|

|