
|
Vuokralaisen velvollisuudet ja oikeudet
"Gurigu waa meesha ugu dambaysa ee qofku magangelyadiisu tahay."
(Maahmaah Nayjeeriyaan ah)
Qofka guriga ijaarka ah deggan xuquuqdiisa iyo waajibaadka saaran:
- Ijaarka waxaa la bixiyaa bil walba ugu dambayn maalinta ay tahay in la bixiyo ijaarka.
- Wixii dhibaato ah ee aad geysato adigaa masuul ka ah. Waxaad kaloo masuul ka tahay dhibaatada ay martidaadu geysato.
- Ilaali sharciyada nidaamka guryaha, waxayna inta badan ku qoran yihiin guryaha dabaqyada ah albaabaka bannaanka laga soo galo meelaha u dhowdhow.
- Heshiiska ijaarka qoraal ahaan uga bax markaad rabto inaad guriga ka guurto. Guriga waa in lagaga guuraa 1 bil gudeheed oo ka bilaabanaysa markaad sheegto inaad guurayso.
Qofka guriga ijaaraya xuquuqdiisa iyo waajibaadka saaran:
- Qofka guriga laga ijaartaa isagaa masuul ka ah dayactirka guriga, laakiin isagu ma bixinayo kharashka ku baxa dhibaatooyinka uu qofka guriga deggani geysto.
- Qofka guriga laga ijaarte heshiiska ijaarka wuxuu kaga bixi karaa qoraal ahaan oo keliya, waana inay jirtaa sabab sharci ah.
- Qofka guriga laga ijaartey isagoo isticimaalaya go’aan ay maxakamadda guryuhu gaartey ayuu khasab uga saari karaa qofka guriga deggan, haddii uu ijaarka bixin waayo ama habka noloshiisu ay tahay mid dhibaato joogta ah leh.
|

|