Yrittäjän velvollisuudet ja oikeudet
Dadka deggan Deegaanka Dhaqaalaha Yurub (ETA) iyo shirkadaha ganacsiga iyo ururada ku yaalla Deegaanka Dhaqaalaha Yurub waxay xaq u leeyihiin inay waddanka Finland dhexdiisa kaga shaqaystaan cilmigooda ama si kale noloshooda ula soo baxaan, haddii shaqada ay qabanayaa tahay mid waafaqsan sharciga waddanka iyo nidaamka waddanka ka jira.
Finland gudeheeda inta badan ganacsashada waxaa loo bahan yahay ogolaansho (shati ganacsi), xitaa haddii mararka qaar aan shati ganacsi oo caadi ah loo baahnayn, waxaa muhiim ah in shaqaalaha maamulka la ogeysiiyo in ganacsi la furanayo. Shaqaalaha maamulka ee ogolaanshaha laga soo qaataa badanaa waa shaqaalaha maamulka ee degmada ama magaalada, booliska gobolada, maamulaka gobolka iyo wasaaradaha. Tusaale ahaan shirkadaha ganacsiga ee iibiyo cuntooyinka iyo shirkadaha isqurxintaba meelaha dukaanka u ah intaanay ganacsiga bilaabin ka hor waa in baaritaan lagu sameeyaa, maamulka caafimaadka ee degmadana waa in ogolaansho laga soo qaataa. Marka hore waa inaad si fiican uga fekertaa noocyada ogolaanshaha ee ganacsiga aad furnaysaa u baahan yahay, hay'adaha ay tahay in la ogeysiiyo ganacsiga iyo sharciyada iyo waajibaadka saameeya qofka ganacsadaha ah. Waajibaadyada ganacsadaha saaran wa ogeysiisyada shaqaalaha maamulka ay tahay in la ogeysiiyo iyo kharashyada la bixiyo, diwaangelinta shirkadda ganacsiga iyo waajibaadka canshuurta ee ay tahay in la bixiyo iyo shirkadda ay waajibka ku tahay bixinta canshuurta ganacsiga siday xaq ugu leedahay, in lacagta canshuurta qaar laga dhaafo.
Qofka ganacsadaha ah waxaa looga baahan yahay inuu xil iska saaro, sidii uu u bixin lahaa kharashka hawlgabka iyo daryeelka shaqa la'aanta ee dadka u shaqeeya iyo nafsadiisaba, sidoo kale waa inuu bixiyaa kharashka shirkadda caymiskeeda iyo shaqaalaha caymiskooda, kharashka badbaadada arrimaha bulshada (sosiaaliturvamaksut) iyo canshuuraha shaqaalaha laga goynayo. Sidoo kale waxaa jira xeerar kala duduwan oo la xiriira shaqaalaynta dadka, samaynta heshiisyada shaqada iyo bixinta mushaharka, sidaas darteed waa in la tixgeliyaa xeerarkaas. Sidoo kale waddanka Finland shirkad ganacsi oo walba waxaa waajib ku ah inay leedahay buug dakhliga iyo kharashka shirkadda lagu qoro.
Warar aad u balaaran iyo talooyin ganacsiga ku saabsan waxaad ka heleysaa xarunta ganacsiga cusub ee aad ka tirsan tahay (uusyrityskeskus), ama tusaale ahaan buugga Buugga loogu talagalay ganacsi furtaha Opas yrityksen perustajalle ee xarunta ganacsiga cusub,Wararka ganacsi aasaasaha ee Yritys-Suomi Yrityksen perustajan info, boggaga Adeegyada shirkadaha ee NYP yrityspalvelut, Xarunta xoogsatada iyo nolol la soo bixidda Työvoima ja elinkeinokeskus ama Maamulka Canshuuraha Verohallinto.