Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Ururada shaqaalaha

Ammattiliitot

"Markay gacmo badani wax wada qabanayaan, shaqadu way fududaataa."
(Maahmaah Ingiriis ah)

Dadka Finnishka intooda badani waxay ka tirsan yihiin urur ka mid ah ururada shaqaalaha. ururka shaqaalaha hawshiisu waa inuu sugo, sidii ay shaqaaluhu ku heli lahaayeen faa’iidooyin noocyo kala duwan ah iyo inay helaan xuquuqdooda. Macnaheeduna waa in dakhli nololeedku (mushaharka iyo kala wareejinta dakhligu) sii fiicnaadaan, in heshiiska shaqada ee qofku uu ahaado mid sugan iyo in kor loo qaado tayada shaqa nololeedka.

Markaad ku biirto ururka shaqaalaha (ammattiliitto) waxaad isla markaas ku biiri kartaa qasnadda shaqa la’aanta ee ururka shaqaalaha (ammattiliiton työttömyyskassa). Waxaa kaloo suuragal ah, in adigoon ku biirin ururka shaqaalaha oo xubin ka noqon, aad ku biiri karto qasnadda shaqa la’aanta. Way kuu fiican tahay inaad ku biirto qasnadda shaqa la’aanta, sababtuna waa, haddii shaqa la’aani kugu dhacdo, qasnadda shaqa la’aanta ayaad ka heleysaa lacag maalmeedka shaqa la’aanta oo ku xiran mushaharkii ku soo geli jirey, lacagtaasina way ka badan tahay lacagta maalmeedka caadiga ah ee shaqa la’aanta. Lacagta shaqa la’aanta ee mushaharkaaga loo eegayo waxaad heleysaa markaad ururka shaqaalaha xubin ka ahayd 10 bilood oo aad shaqayneysey.

Dadka xubnaha ka ah ururada shaqaaluhu waxay bixiyaan lacag ah lacagta xubin ka ahaanshaha. Noocyada kala duduwan ee xirfaduhu waxay leeyihiin ururo shaqaale oo kala duduwan, kuwaas oo ka tirsan ururada waaweyn ee xurunta u ah. Wixii faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan ururada shaqaalaha hawlahooda iyo sida loogu biiro waxaad ka heleysaa boggagooda internetka.

Xarumaha waaweyn ee ururada shaqaalaha:

SAK (Xarurta weyn ee ururada shaqaalaha ee Finland)
Warar ku saabsan SAK waxaad heleysaa iyagoo ku qoran luuqadahan soo socda:
Finnish
Iswiidish
Ingiriis
Jarmal
Faransiis
Isbeynn
Istooniyaan
Ruush
Boolan

AKAVA (Xarunta weyn ee shaqaalaha mushaharka qaata ee tacliinta sare leh)
STTK (Xarunta weyn ee shaqaalaha xafiisyada)

Ururada shaqaalaha ee xirfadaha qaarkood:

PAM ( Ururka shaqaalaha ee xirfadaha adeegga)
AKT ( Ururka shaqaalaha baabuurta iyo gaadiidka)
JHL ( Ururka shaqaalaha ee xirfadaha degmooyinka)
OAJ (Ururka shaqaalaha ee macallimiinta)
Metalliliitto (Ururka shaqaalaha biraha ka shaqeeya)

wixii warar dheeraad ah oo ku saabsan ururada shaqaalaha waxaad weydiin kartaa shaqabixiyahaaga ama xafiiskaaga shaqada ama waxaad wacdaa mid ka mid ah xarumaha waaweyn ee ururada shaqaalaha.

SAK, STTK iyo AKAVA waxay si wadajir ah u soo saareen buug la yiraahdo Tilmaanbixiyaha loogu talagalay dadka ajnebiga ah ee Finland ka shaqeeya (Opas Suomessa työskenteleville ulkomaalaisille, pdf). Waxaana loo turjumey luuqadahan soo socda:

Ingiriis
Istooniyaan
Ruush