Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Kainuu

Yhdistykset

Etnika- Kainuu ry, Ururka dadka waddanka u soo guurey

Ururka Etnika - Kainuu ry waa urur ay leeyihiin dadka waddanka u soo guurey oo la aasaasay sannadkii 2001. Wakhtigan hadda la joogo ururka waxaa xubin ka ah 100 qof. Waxqabadka ururka waxaa loogu talagalay in dadka ajnebiga ah ee Kainuu deggen la caawiyo oo hagitaan la siiyo, isla markaasna horumar lagu sameeyo waxyaabaha guud ee dadka ka caawinaya siday waadanka ula qabsan lahaayeen iyo siday u shaqaaloobi lahaayeen, iyo weliba in dadka lagu dhiirigeliyo inay ilaashadaan oo haystaan waxyaabaha ay dhaqanka iyo caaddada u leeyihiin ee ay ka midka yihiin luuqadooda hooyo. Sidoo kale hawlaha ururka waxaa ka mid ah, horumarinta dhaqan isweydaarsiga iyo horumarinta hababka kala duwan ee wakhtiga loo isticimaalo, iyo in la kordhiyo aqoonta ku saabsan dhaqamada kala duduwan iyo in horumar lagu sameeyo xiriirrada saaxiibtinimo ee ka dhexeeya dadka Finnishka ah iyo dadka dhaqamada kala duduwan ka yimid.

Hadafka ururku waa in la kordhiyo sinnaanta, istixgelinta iyo in la horumariyo siday dadka Finnishka ah iyo dadka waddanka u soo guurey u yeelan lahaayeen xiriiryo wanaagsan. Waxyaabaha muuqda ee uu ururku sameeyey waxaa ka mid ahaa munaasabo isboortiga iyo madadaalooyinka ah oo la sameeyey iyo munaasabado wargelin ah oo la sameeyey. Qorshayaasha mustaqbalka waxaa ka mid ah, in dadka waaweyn iyo carruurtaba loo qabanqaabiyo waxbarasho luuqadda ah iyo waxqabadyo hiwaayado ah.

Etnika -Kainuu ry (Ururka Dadka Waddanka u Soo guurey)
gudoomiyaha ururka Fatima Lusma
tel. 044 341 3218
email: lusmao(a)dnainternet.net

Naadiga Suudaaniyiinta Kajaani deggen (Kajaanin Sudanilainen Seura ry)
qofka lala soo xiriiro: Madani El Kib
tel. 040-7255357
email:  madani_elkib(a)hotmail.com

Naadiga Afrikka ee Kajaani (Kajaanin Afrikka –seura)
Ahmed Essouli
email: ahmedessouli(a)yahoo.fr

Israel Kalunga

email: ikalunga(a)yahoo.fr

Maalgeliyaha guud ee boggani waa Hay’adda Maalgelinta Arrimaha Bulshada ee Yurub (Euroopan sosiaalirahasto).