Teatterit
"Noloshu waa gaaban tahay, ilka caddayntuse hal sekan bay qaadataa."
(Maahmaah Kuubaan ah)
Maktabadda magaalada Hämeenlinna adeegeedda Adeegga cadadka la soo xulay (Makupalat) waxaad ka heleysaa cinwaanno badan oo kaa caawinaya inaad hesho wararka ku saabsan tiyaatarada Finland gudheeda. Boggaga Xarunta Warisgaarsiinta ee Tiyaatarada (Teatterin tiedotuskeskus) waxaad ka raadsan kartaa tiyaatarada degmooyinka kala duwan. Xaruntu waxay sidoo kale leedahay kayd, laga amaahan karo riwaayadaha Finnishka ah ee luuqadaha kala duwan loo turjumey. Waxaad hku raadsan krtaa wararka adoo luuqadda kaashanaya.
Adeegga Dhaqanka.net (Kulttuuri.net) waxaad ka heleysaa cinwaanno kugu xiraya tiyaatarada iyo waxyaabaha tiyaatarada ka jira iyo weliba cinwaano kale oo mawduucyo kale ah. Boggaga Ururka Finnishka hiwaayadda u leh tiyaatarka (Suomen Harrastajateatteriliitto) waxaad ka heleysaa warar ku saabsan barnaamijyada ka socda tiyaatarada kala duwan. Boggaga Ururka Riwaayadda Shaqaalaha (Työväen Näyttämöiden Liitto) iyo Xarunta Warisgaarsiinta ee Tiyaatarada (Teatterin tiedotuskeskus) waxaa ku yaalla warar ku saabsan xafladaha tiyaatarada.