Suomen historiaa
Dadku waxay Finland yimaadeen
Ka dib markii laga soo gudbey Wakhtigii Berefka (jääkausi) oo ah qiyaastii 10 000 oo sano ka hor ayaa waxaa bilaabantay inay dadku us oo guraan dhulka Finland. Dadka qaarkood waxay ka yimaadeen dhinaca bariga, oo hadda ka tirsan waddanka Ruushka, qaarna waxay ka yimaadeen dhinaca koonfurta oo waxay soo mareen dhulka Baltiga loo yaqaan. Luuqadda Finnishku waa luuqad ka tirsan luuqadaha Finno-Ugric (suomalais-ugrilainen). Luuqadda Finnishka asalkeedu wuxuu ka soo jeedaa Bartamaha Ruushka, laakiin luuqadda Finnishka waxaa ku qasmay erayo asalkoodu ka soo jeedo luuqadaha Baltiga iyo Germaanka (balttilaisista ja germaanisista kielistä).
Wakhtigii xukunka Iswiidhan
Muddo 600 oo sano ka badan ayey Finland ahayd qayb Iswiidhan ka tirsan, laga soo bilaabo Wakhtigii Dhexe (keskiaika) ilaa laga soo gaaray bilowgii sannadihii 1800. Muddadaas Ruushka iyo Iswiidhan waxay ku dagaalami jireen kooda Finland u talinaya, inta badan xitaa iyagoo hub isticimaalaya. Heshiiskii Nabadda ee Pähkinäsaari ee sannadkii 1323 ayaa waxaa lagu heshiiyey, in Galbeedka iyo Koonfurta Finland ay ka tirsanaadaan Iswiidhan, Ruushkuna uu u taliyo Bariga Finland.
Markii la soo gaarey sannadihii 1500 iyo 1600 dagaaladii dhacay ayaa waxay sababeen in dhulka Finland ee Iswiidhan u taliso uu intii hore si aad ah uga sii ballaarto. Hase yeeshee dagaalladii dhacay sannadihii 1700 ayey Iswiidhan dhulkeeda qaar kamid ah lumisay, kama dmbaystiina sannadkii 1809 dhammaan dhulka Finland oo dhan wuxuu ku wareegey xukunka Ruushka.
Finland oo ah qayb Ruushka ka mid ah
Wakhtigii xukunka Ruushka, Finland waxay lahayd xornimo daakhili ah, taas oo macneheedu yahay, Finland iyadaa ismaamuli jirtey maamulkeedana waxaa faraha ku hayey dowlada Finland oo ahaa golaha maamulka (senaatti), laakiin golaha maamulku wuxuu hoostegi jirey suldaanka Ruushka (Venäjän keisari). Wakhtigii xukunkaRuushka ayey Finland waxay yeelatay lacag u gaar ah, ciidamada Ruushkana waxaa ka tirsanaa qayb koox gaar ah oo ciidamo Finnish ah.
Dadka Finishka ah si fiican bay uga faa’iideysan jireen xornimada daakhiliga ah, si ay arrimaha dantooda ah u fushadaan. Wakhtigaas isaga ah waxaa aad u xoogeystey luuqadda Finnishka, dhaqanka iyo dhaqaalaha wax soosaarka ee Finnishka. 1900 bilowgiisii xiriirkii dadka Finnishka iyo dadka Ruushka ah ee xukunka hayey wuu xumaaday sababtoo ah Ruushku wuxuu bilaabay siyaasad dadka Finnishka ah Ruush lagaga dhigayo, dadkaFinnishkuna arrintaas raalli kama aanay noqon.
Finland xornimo ayey qaadatay
Kacaankii Ruushka ee Oktoobar ka dib, baarlamanka Finland ayaa 6-dii Disembar 1917 wuxuu aqbalay ku dhawaaqidda xornimada Finland, taas oo macneheed ahaa, in Finland ay ka go’day Ruushka.
1918 bilowgiisii Finland waxaa ka dhacay dagaal sokeeye oo aad u darnaa. Dagaalka waxaa iska soo horjeedey Casaanka oo ahaa dabaqadda dadka shaqaalaha ah iyo Caddaanka oo ahaa dadka dabaqadda dhulka iyo hantida leh ee loo shaqeeyo (porvareita ja talonpoikia). Dagaalku wuxuu dhammaaday Maajo 1918, qoladii Casaanka ayaan alaga guuleystey.
Finland markay xornimada qaadatay waxay noqotay Jamhuriyad aan Boqor iyo suldaantoona lahay. Waddanku wuxuu leeyahay madaxweyne ay shacabku lixdii sanaba mar doortaan, waddankasharciyadiisana waxaa dejiya golaha shacabka (baarlamaanka) oo shacabku ay soo doortaan.
Dagaalkii Jiilaalka iyo Dagaalkii Sii socdey (Talvisota ja jatkosota)
Midowga Soofiyeeti ayaa Finland weerar ku oo qaaday 30.11.1939, sidaas ayuuna ku bilowday Dagaalkii jiilaalku (talvisota). Wakhtigii uu socdey Dagaalkii 2aad ee Adduunku, Finland Midowga Soofiyeeti ayey waxay la gashay laba dagaal oo kala ahaa Dagaalkii Jiilaalka oo dhacay sannadihii 1939-1940 iyo Dagaalka Sii Socdey (jatkosota) oo ahaa sannadihii u dhexeeyey 1941-1944.
Dagaaladaas dartood Finland waxay lumisay dhulkalo yaqaan Karjala iyo dhulal kale oo Midowga Soofiyeeti qaatay. Dad Finnish ah oo tiradoodu gaareysey 430 000 oo qof oo dhulkaas deggenaa waxaa qasab ku noqotay inay guryahooda ka qaxaan, waxaana la dejiyey dhulkii dagalka ka dib Finland u soo haray. Hase yeeshee arrinta ugu muhiimsanayd waxay ahayd wakhtigii uu socdey Dagaalkii 2aad ee Aduunku Finland lama qabsan. Inkastoo Finland ay dhulkeedii qaar lumisay, xornimadeedii ma aanay lumin oo waddan sidiisii hore u madaxbannaan bay sii ahaatay.
Finland dagaaladda ka dib
Dagaaladdii ka dib xaaladda Finland waxay ahayd mid aan la hubin waxay noqon doonto. Bilowgii hore waxaa laga baqayey, in Midowga Soofiyeeti ka dhigo Finland waddan hantiwadaag ah, sababtoo ah waddamada kale ee Yurub ee Midowga Soofiyeeti deriska la ahaa sidaas baa ku dhacday. Hase yeeshee Finland waxaa u suurowdey, inay xiriir fiican la yeelato Midowga Soofiyeeti, taas oo suuragelisey inay Finland haysato nidaamkeedii hore ee dimuqraadiga ahaa, ayna sii kordhiso ganacsiga ay la lahayd waddamada reer galbeedka. Finland waxaa muddo dheer khasab ku noqotay inay xagga siyaasadda dibedda dheelitir ku samayso oo ay xiriir la lahaato bariga iyo galbeedkaba.
Dagaaladii ka dib hhorumarka dhaqaalaha ee Finland wuxuu ahaa mid wanagsan. Finland waxay dibedda u dheefin jirtey gaar ahaan warqadaha iyo alaabta kale ee wershada dhirtu sameeyaan, sidaas ayuuna waddanku ku helay lacag lagu sii kobciyo daryeelka bulshada. Waxaa horumar lagu sameeyey adeegyada qaranka (julkisia palveluja) iyadoo la aasaasay nidaamka waxbarashada, daryeelka caafimaadka iyo daryeelka bulshada, sidaas ayeyna Finland ku noqotay waddan horumarsan oo casri ah.
Finland oo ka tirsan Yurubta cusub
Markuu dhammaadkii 1980-yedii dhammaaday dagaalkii qaboobaa ee Yurub dhexdeeda, Finland waxay bilowday inay saxdo jihada siyasadeeda dibedda. Sannadkii 1995 ayey Finland ku biirtay Ururka Midowga Yurub (Euroopan unioni). Sannadkii 2002 Finland iyadoo ka mid ah waddamadii ugu horeeyey ayey Midowga Yurub waxay ka tanaasushey lacagteedii markkaha ahayd oo waxay bilowday inay qaadato lacagta Midowga Yurub.
Bilowgii sannadihii 1990-yedii markuu Midowga Soofiyeeti burburay ka dib dhaqaalaha Finland si aad ah ayuu hoos ugu dhacay, sababtoo ah ganacsigii Midowga Soofiyeeti lala lahaa ayaa hoos u dhacay. Isla markaasna waxaa caddaatay, in dhaqaalaha Finland uu wershadihii dhirta ee ay caanka ku ahayd mooyee ay Finland u baahan tahay shirkado noocyo kale oo ganacsi ah oo horumar leh. Horumarka waxaa fure u noqday telefoonada gacanta iyo waxyaabaha kale ee tiknolojiga casriga ah ka soo baxa, kuwaas oo dhaqaalaha Finland u noqday weji cusub oo casri ah.
Meelaha aad ka heli karto aqoonta la xiriirta taariikhda Finland:
Vilma
Wararka ku saabsan taariikhda Finland iyo bulshada Finnishka oo dadka ajnebiga ah loogu talagalay. Boggaga Vilma waxay ku qoran yihiin luuqad fudud. Markaad bilaabayso ayaad dooranaysaa heerka luuqadda.
Finnica
Warar faahfaahsan oo ku saabsan Finland iyo taariikhda Finland
Virtual Finland
Boggagan ay Wasaaradda Arrimaha Dibeddu soo saarto waxaa ku jira warar noocyo badan leh oo ku saabsan taariikhda Finland.