Tasa-arvo ihmisten välillä
Sida uu sharciga Finland dhigayo takooriddu waa dembi. Qofna looma takoori karo iyadoo sabab looga dhigayo da’diisa, asalka uu ka soo jeedo, dhalashadiisa, luuqadiisa, diintiisa, wuxuu aamminsan yahay, fikradiisa, xaaladda caafimaadkiisa, naafonimadiisa, siduu sekshiwaal ahaan u jiheysan yahay, jinsigiisa (lab ama dheddig) ama aqoonsiga jinsi ahaantiisa lab ahaaneed ama dheddig ahaaneed. Sidoo kale waa mabnuuc in qof lagu takooro heerka hantidiisa ama uur ay leedahay darteed.
Sharciga sinnaanta (yhdenvertaisuuslaki) ayaa mabnuucaya takooridda tusaale ahaan shaqo u qaadashada iyo waxbarashada. Qofka asalkiisa dartiis looma takoori karo tusaale ahaan arrimaha ku saabsan adeegyada arrimaha bulshada iyo caafimaadka.
Warar mawduuca ku saabsan oo luuqadaha soo socda ah:
Soomaali
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Saame
Ruush
Carabi
Isbeynn
Faransiis
Caawimo waxaad ka heleysaa wakiilka dadka tirada yar
Wakiilka dadka tirada yar (vähemmistövaltuutettu) waa shaqaale dowladeed, shaqadiisuna waa inuu horumar ku sameeyo jagada, xuquuqda sinnaanta iyo xuquuqda badbaadada ee dadka asal ahaan kooxa yar yar ka soo jeeda iyo dadka ajnebiga ah, isla markaasna wuxuu horumar ku sameeyaa Finland gudeheeda xiriirada wanaagsan ee dadka asal ahaan meelo kale ka soo jeeda.
Wakiilka dadka tirada yar waxaad la soo xiriiri kartaa si uu kuu caawiyo, haddii tusaale ahaan adiga shakhsi ahaantaada asalkaad ka soo jeedo dartiis takoorid laguugu sameeyey ama haddaad sideedaba dareento in takoorid jirto. Arrimaha takooridda ku saabsan iyo arrimo kale dartoodba waxaa telefoon loo soo diri karaa xafiiska wakiilka dadka tirada yar qaybtiisa u adeegidda macaamiisha tel. (09) 160 43 444 (maalmaha shaqadu jirto saacadaha 9-15).
Marxaladaha takooridda ee xagga shaqada ah
Sidoo kale takooridda shaqadu waa dembi. Waxaadna u sheegi kartaa shaqaalaha maamulka ee hay'adda badbaadada shaqaalaha (työsuojeluvaltuutettu).
Sinnaanta ka dhaxaysa ragga iyo dumarka
Siduu sharciga Finland dhigayo ragga iyo dumarku waxay leeyihiin xuquuq isku mid ah. Wakiilka dadka jinsiyad ahaan waddanka ku yar (tasa-arvovaltuutettu) ayaa ilaaliya in Sharciga sinnaanta siduu yahay loogu dhaqmo. Warar mawduuca ku saabsan oo luuqadaha soo socda ah:
Soomaali
Finnish
Iswiidhish
Ingiriish
Ruush
Serbokroatia
Farsi
Kurdi
Carabi
Albaniyaan
Fiitnam
Tagalog
Tai
Dadku sekshiwaal ahaan waa isku xuquuq
Siduu sharciga Finland dhigayo qofna lama takoori karo siduu sekshiwal ahaan u jiheysan yahay awgeed, aqoonsigiisa jinsigiisa (lab ama dheddig) ama muujinta jinsigiisa darteed. SETA eli Seksuaalinen tasavertaisuus ry (Ururka Sinnaanta Sekshiwaal ahaan ayaa horumariya sinnaanta, waxyaabaha aan hagaagsaneyn ayey soo wargeliyaan waxayna bixiyaan adeegyo kala duduwan, oo ay ka mid yihiin la talin iyoadeegyo taageero ah oo loogu talagalay dadka ka tirsan qolyaha tiro ahaan laga badan yahay ee xagga sekshiwalka iyo jinsiga lab ama dheddig ahaan iyo ehelkooda. Finland waa suuragal, inay laba nin ama laba naagood ay is diiwaangashadaan sidii wax isqaba. Faahfaahin dheeraad ah oo arrintan ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga wasaaradda caddaaladda iyo Ururka sinnaanta sekshiwal ahaan.
U madaxbannaanta diinta
Finland waxaa ka jira madaxbannaani xagga diinta ah. Qof waliba diintuu doonuu haysan karaa oo ku dhaqmi karaa, diintiisana inuu sheegto xaq buu u leeyahay. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay, inuu uru diimeed ka tirsanaado ama aanu ka tirsanaan. Qofnabana ma aha inuu waxyaabaha diinta ku lug leh ka qaybqaato, haddii damiirkiisu aanu u ogolayn. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan u madaxbannaanta diinta ee Finland gudeheeda waxaad ka heleysaa boggaga Diinta ee Bangiga wararka.
Takooridda da’da darteed ah
Qofka lama takoori karo da’diisa darteed. Dadka waayeelka ah waxaa laysku dayaa inay gurigooda ku helaan nolol ay iyagu ilaa intii suuragal ah isku filan yihiin. Waxay heli karaa taageerooyin kala duduwan oo ku haboon hadba baahidooda. Faahfaahin dheeraad ah oo mawduuca ku saabsan waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Waayeelka.
Xuquuqda ay carruurtu leeyihiin
Carruurtu waxay xaq u leeyihiin badbaadin gaar ah iyo daryeel gaar ah. Ilmuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu fikradiisa dhiibto. Wuxuu xaq u leeyahay in tixgelin la siiyo, marka laga xaajoonayo arrin isaga saamaysa. Siduu sharciga Finland dhigayo ilmaha in la dilo waa mabnuuc.
Hawsha badbaadada carruurta ujeeddadeedu waa in ilmaha loo sugo deegaan badbaado leh oo ay ku barbaaraan iyo in barbaariyayaasha lagu taageero hawshooda barbaarinta ah. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Carruurta iyo dhallinyarada.
Xuquuqda ay dadka naafada ah leeyihiin
Qofna lama takoorikaro iyadoo sabab looga dhigayo naafonimadiisa. Siduu sharciga sinnaantu dhigayo shaqabixiyaha iyo qolyaha waxbarashada qabanqaabiyaa waa inay kordhiyaan fursadda uu qofka naafada ahi ku heli karo shaqo ama waxbarasho. Arrintan macneheedu waa in ilaa intii xad caqligal ah la tixgeliyo. Tusaale ahaan goobta shaqada waxaa laga dhigi karaa mid qofka naafada ah u sahlan inuu dhex socdo.
Boggaga Guddiga Naafada ee Qaranka waxaa ku qoran warar ku saabsan sharciyada iyo ururada naafada. Warar ku saabsan adeegyada naafada loogu talagalay waxay u qoran yihiin Bangiga wararka boggiisa Naafada.
Meesha aad caawimo ka heleyso, haddii aad la kulanto xaalado cunsuriyad iyo takoorid leh
Bangiga wararka boggiisa Cunsuriyadda iyo takooridda) waxaad ka heleysaa warar ku saabsan cidda ku caawinaysa, haddii aad la kulanto takoorid ama cunsuriyad.