Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Sidee shaqo u raadsanaysaa

Miten haet työtä?

"Haddii aad tufaax rabto, waa inaad geedka ruxdaa."
(Maah-maah Bulgariyaan ah)

Raadinta shaqada ka hor    

Markaad shaqa raadis tahay, caawimaadna aad u baahan tahay, fursado badan ayaa jira. Laakiin mar walba xasuuso, in waxa ugu muhiimsani yahay inaad adigu si fir-fircooni leh shaqada u raadsatid. Hubso, in shahaadooyinkaaga oo dhami ay wakhtiga la socdaan. Waxaana wanaagsan in shahaadooyinkaaga oo dhan ay ku turjuman yihiin luuqadda Finnishka ama Iswiidhishka. Aqoonsashada ama qiimaynta shahaadooyinka xirfadaha ama jaamacadaha waxaa wanaagsan in had iyo goor la sameeyo, sababtoo ah qofka shaqabixiyaha ah waxay ka caawinaysaa, inuu ogaado aqoontaada waxbarasho. Shahaadooyinka aqoonsashadooda iyo qiimayntoodu waa lacag.

Haddii aadan aqoon, nooca shaqada ee aad rabi lahayd inaad samayso, markaas waa inaad ballan ka qabsataa shaqaalaha hagaha doorashada xirfadda. Faahfaahin dheeraad ah weydii xafiiskaaga shaqada.

Qofku markuu shaqo dalbanayo lama takoori karo. Markuu shaqabixiyo qof shaqaale ah qaadanay shuruud kama dhigi karo waxyaabo aan la xiriirin fulinta shaqada. Qofna looma takoori karo iyadoo sabab looga dhigayo da’diisa, asalka uu ka soo jeedo, dhalashadiisa, luuqadiisa, diintiisa, wuxuu aamminsan yahay, fikradiisa, xaaladda caafimaadkiisa, naafonimadiisa, jihadiisa galmo, jinsigiisa (lab ama dheddig) ama aqoonsiga jinsi ahaantiisa lab ahaaneed ama dheddig ahaaneed. Sidoo kale waa mam-nuuc in qof lagu takooro heerka hantidiisa ama uur ay leedahay darteed.

Ka fiiri Bangiga wararka boggagiisa Xaggee caawimo laga helaa markay jirto xaalad takoorid ah?

Waxbarashadaada iyo Waayo aragnimadaada shaqo (CV)

Xasuuso, inaad CV’gaaga mar walba uu wakhtiga la socdo. Tilmaamid af Finnish ah waxaad ka heleysaa Boggaga tilmaan-bixiyaha shaqa raadsashada ee xafiiska shaqada  (Työnhakuun -opas),

Halkan ka firi tusaale CV ah oo af Finnish ah (doc).
Tusaalaha waxaa loo turjumey luuqadahan soo socda:
Carabi (doc).
Ingiriis (doc).
Ruush (doc).
Serbokroati (doc).

Europass CV

Europass  waa waayo aragnimo shaqo (CV) Yurub. Wuxuu ka kooban yahay shan dokumentiyo oo ujeddadooda yahay in lagu caawiyo ardayda iyo shaqaalaha inay Yurub ka muujiyaan aqoontooda xirfadeed. Dokumentiyada ayagoo isku qaab ah waxaa laga isticmaalaa dhammaan dalalka EU/EEA. Waxaad isticmaali kartaa Europass markii aad shaqo raadineyso ama codsi ka sameynayso ururyada waxbarashada. Europass wuxuu gaar ahaan caawinaad u leeyahay dadka dalal kale Yurub ka raadinaayo shaqo  ama codsi ka sameynaayo barnaamaj waxbarasho ajnabi ah.

Tusaalayn CV  ee lagu buuxsho Europass (Bulgariyaan, Czech, Danish, Jarmal, Gariig, Ingiriis, Isbaanish, Istooniyaan, Faransiis, Kroashan, Island, Talyaani, Lituaniyaan, Latfiyan, Hungariyaan, Holand, Norwijan, Bolish, Burtuqiis, Romanian, Slofeniyaan, Finnish, Iswiidhish, Turkish).

Bogagga Europass ee Finland.

Waayo aragnimada shaqada

Markaad qorayso codsi aad shaqo ku dalbanayso, xasuuso, inaad shaqo walba codsigeeda gaar u qorto. Waana inaad wakhti u hurtaa codsiga markaad qorayso. Ujeedada codsigu waa inuu kiciyo xiisada shaqa-bixiyaha, si laguugu yeero waraysiga shaqa u qaadashada. Tilmaan-bixin ku saabsan sida loo qoro codsiga shaqada waxaad ka heleysaa isla Tilmaan-bixiyaha shaqa raadsashada (Työnhakuun -opas), meesha ”Työnhaku” iyo ka dibna ”Työnhaun asiakirjat”.

Intaadan codsiga shaqo dalbashada qorin ka hor, xasuuso inaad si fiican u akhrido ogeysiiska shaqada bannaan. Halkan ka fiirso tusaale af Finnish ah oo codsiga shaqada ah.
Tusaalaha waxaa loo turjumey luuqadahan soo socda:
Carabi
Ingiriis
Serbokroati
Ruush

Qoraal ah luuqadahan hoos ku qoran oo ku saabsan sida loo akhriyo ogeysiisyada shaqooyinka bannaan ee la soo dhejiyo:

Finnish
Carabi
Ingiriis
serbokroati
Ruush

Waraysiga shaqa u qaadashada 

Haddii laguugu yeedho waraysiga shaqa u qaadashada, xasuuso inaad si taxader leh ugu diyaar garowdid. Hore uga sii feker su’aalaha ay suuragalka tahay inuu shaqa-bixiyuhu ku weydiiyo, waxaad kaloo ka sii fekertaa waxa aad adigu rabto inaad weydiiso. Markaad waraysiga u diyaar garoobeyso, waxaad caawimo ka heleysaa Tilmaanbixiyaha shaqa raadsashada (Työnhakuun -opas), meesha ”Työnhaku” iyo ka dibna ”Työpaikkahastattelu”.

Haddii adigoo weli shaqeeya aad shaqo raadsanayso, waraysiga laguugu yeero waxaad u sii qaadataa shahaadada shaqada oo ku meel-gaarka ah iyo heshiiska shaqada.


Meesha Xaggee shaqo laga helaa waxaad ka heleysaa warar ku saabsan, meelaha aad ka raadsan kartid shaqooyinka bannaan.

Expat Finland

Nasiib wanaagsan!