Structure_LogoPart1



Siday dadka Finnishka ah u dhaqmaan

Suomalainen tapakulttuuri

Haddii aad wax ka taqaan siday dadka Finnishka ah u dhaqmaan, waxaa kuu fududaanaysa inaad dadka Finnishka ah fahanto. Isla markaasna waxaad si fiican u fahmi kartaa, waxyaabaha adiga lagaa sugayo. Waddanka Finland siday dadku u dhaqmaan weli waa si isku mid ah. Sidaas darteed mararka qaarkood waxaa dhacda in dadka Finnishka ah ay la yaabaan waxyaabaha ku cusub iyo, haddii qof wax u sameeyo siday u barteen si ka duwan. Midda kale waddanka Finland dadka oo dhan waa siman yihiin, qof walbana waa in si caddaalad ah loola dhaqmaa. Sinnaanta ragga iyo dumarku waddankan Finland aad bay muhiim u tahay.

Waxaa laga yaabaa inaad bilowga hore u aragto, inay dadka Finnishku yihiin dad aan fiicnayn oo aammusan. Dadka Finnisha ah waxay rabaan inay sheegaan si daacad ah oo toos ah bay u yiraahdaan. Wadahadalku waa mid iska caadi ah, si toos ah baana loo wadahadlaa (adi iyo ani). Qofka Finnishka ah dantiisuu raacdaa, dadka kale arrimohooda shakhsi ahaaneedna wuu ixtiraamaa. Waxaaba inta badan la yiraahdaa, waa dhib sidaad qof Finnish ah ku barataa, laakiin markaad isbarataan saaxiibtinimadiinu waa mid weligeed jireysa. Wakhtigan hadda la joogo waddanka Finland bulshadiisa qoys kuma salaysna ee waxaa sal u ah kelinimo. Waddankan dhaqankiisu waa in qof waliba gaarkiisa yahay, arrintaasna wuxuu kala mid yahay waddamo badan oo reer galbeedka ah. Qofka dadaalka iyo adkaysiga badan waa la qaderiyaa.

Qofka Finnishka ah wuxuu jecel yahay inuu wakhtigiisa si fiican uga faa’iideysto. Qofka Finishka ah arrimihiisa hore ayuu u sii qorshaystaa, wakhtiyada iyo jadwalka lagu heshiiyeyna sidooduu u dhawraa. Ballanta wuu ka soo baxaa, dadka kalana wuxuu ka sugaa, inay ballantooda ka soo baxaa.

Markuu khilaaf yimaado, qofka Finnishka ah wuxuu jecel yahay inuu khilaafka wadahadal ku xalliyo. Qofka Finnishka ah ma rabo inuu cidna dhibaato u geysto. Qofka Finnishka ma jecla inuu dareenkiisa dadweynaha u soo bandhigo. Dadka Finnishka ah waxyaabaha aad muhiimka ugu ah waxaa ka mid ah, deegaanka dabiiciga ah, sanqar la’aanta iyo sawnada. Sawnada waxaa lala galee dadka isku qoyska la yahay, saaxiibadda iyo dadka ganacsiga lala leeyahay. Mararka qaarkood sawnada dhexdeeda waxaa lagaga hadlaa waxyaabo xagga siyaadda aad muhiim u ah!

Waxaa muhiim ah in la xasuusto, in qof waliba leeyahay dhaqan uu ka soo jeedo, kaas oo saamaynaya sida uu qof waliba arrimaha jira u arko. Way sahlan tahay inaad qofka kale iyo dhaqankiisa fahanto, haddii aad isku daydo inaad dhinacuu wax ka arko adiguna ka fiiriso. Haddii aadan waxa jira fahmin, weydii. Markay dadku si qalbi furan oo daacad ah u wadahadlaa, waxaa yaraanaya is afgaran waaga.

Akhriso faahfaahin ku saabsan siday Finnishku u dhaqmaan
Dhaqanka ganacsiga ee Finnishka