Oma yritys
Waddankan Finland ganacsiga waxaa loo arkaa inuu wax wanaagsan yahay. Qof waliba ganacsade wuu noqon karaa oo heer fiican buu ku gaari karaa, laakiin midda jirtaa waxay tahay, ganacsadenimadu dadkoo dhan kuma haboona. Qofka ganacsadaha ahi waa inuu ganacsiga aqoon u leeyahay, waa inuu cilmi ahaan u soo bartay, qofku waa inuu yaqaanaa laanta ganacsiga ee shirkadiisu qaabilsan tahay iyo dadka macaamiishiisa ah iyo cidda uu wax ka iibinayo. Qofka ganacsadaha ah waxaa looga baahan yahay inuu ganacsiga niyad u hayo samir dheerna leeyahay. Qofku waa inuu si fiican u yaqaanaa sharciga ganacsiga ee deegaankiisa ka jira. Waana inuu qofku ogaadaa in ganacsigu khatartiisa wato. Sidoo kale waxaa aad muhiim u ah, inuu ganacsaduhu helo maalgelin ku filan, iyo inuu si taxader leh u dejiyo qorshaha ganacsigiisa. Waxaa waxaas oo dhan ka horeeya, in ganacsiga cusub ku salaysan yahay fikrad ganacsi oo fiican.
Waddankan Finland qof walba waxaa suuragal u ah, inuu helo la talin xagga ganacsiga ah oo lacag la’aan ah. Finland dhinacyadeeda kala duwan waxaa ku yaalla xarumo (Uusyrityskeskukset) loogu talagalay inay talooyin siiyaan dadka xiisaynaya inay ganacsi cusub furtaan. Markaad hesho fikrad fiican oo ganacsi, waa inaad la xiriirtaa xarunta adeegga ganacsiga (yrityspalvelukeskus) ee kuugu dhow. Halkaas waxaa jooga dad aqoonyahanno ah oo kaa caawinaya, sidii aad fikradaada ganacsiga u sii hagaajin lahayd, waxay kaloo kaa caawinayaan sidii aad ku ogaan lahayd in ganacsigaagu suuq helayo iyo in kale, inuu ganacsigaagu faa’iido soo saaray iyo inay jiraan meelo ay suuragal tahay inaad ka hesho maalgelin. Waxaad kaloo heleysaa talooyin ku saabsan sidii aad u samayn lahayd qorshaha waxqabadka ganacsiga iyo taageero ku saabsan go’aankaaga bilabid shirkad ganacsi.
La talinta ganacsiga oo faahfaahsan oo guud ahaan ah af Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis:
Meelaha kale ee kugu xiraya:
Waxaa jira boggag Ururka Midowga Yurub kharashkooda bixiyo oo 20 luuqadood oo kala duwan dadka ku siiyaa talooyin iyo warar ku saabsan xuquuqda iyo fursadaha ay dadka shacabka ah leeyihiin ee ku saabsan xagga ganacsiga ee Waddamada Ururka Midowga Yurub (EU) dhexdoda iyo suuqyada gudaha.
Adeegga ganacsigu waxay dadka aad ugu adkeeyaa, siday muhiim u tahay waxbarashada cilmiga ganacsigu. Waxaa jira koorsooyin gaar ahaan loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey. Koorsooyinka ganacsiga waxaad ka heli kartaa boggaga kala duwan ee waxbarashada:
Waxyaabaha ganacsashadu ku fiican tahay waxaa ka mid ah, qofku iskiis buu u madax bannaan yahay. Qofku markuu ganacsade yahay isagaa go’aanka iska leh, masuuliyada ganacsiguna isagay saaran tahay. Waa muhiim inuu qofku ganasciga si fiican ugu diyaar garoobo xagga aqoon ahaaneed iyo xag xirfad ahaaneedba, sababtoo ah khatarteeday wadataa, haddii qofku isagoon aqoon fiican ganacsiga u lahayn, luuqad ku fillanna aan aqoon uu ganacsi bilaabo. sidoo kale xasuusnow, in saxiixu yahay heshiis, sidaas darteed waa inaad warqad walba si fiican u akhridaa, intaadan heshiisyada saxeexin ka hor. Xasuusnow, markaad xafiiska diwaangelinta ganacsiga (kaupparekisteri) iyo xafiiska canshuuraha u sheegtoinaad cilmigaaga ku shaqaysanayso, macneheedu waxaa weeyey ganacsade ayaad noqotay. Oo ma ahaan kartid qof shaqa la’aan ah oo shaqo raadis ah!
Goraalka isbedbedela ee Yritys Suomi wuxuu soo bandhigaa sheekooyin kala duduwan oo ganacsiyada ku saabsan.