Töihin Suomeen
Haddii qofka ajnebiga ahi rabo inuu Finland ka shaqaysto, markaas wuxuu sida caadiga ah u baahan yahay sharciga shaqada ee qofka shaqaalaha ah looga baahan yahay. Haddii uu qofku ganacsi samaysanayo ama uu xirfad uu yaqaan uu iskiis ugu shaqaysanayo, markaas wuxuu sida caadiga ah u baahan yahay sharciga joogidda waddanka ee iskiis u shaqaystaha (elinkeinonharjoittajan oleskelulupa). Waxaase jira waxyaabo badan oo keenaya in xeerkan sida caadiga ah ka duwanaado. Tusaale ahaan dadka leh dhalashada waddamada Ururka Midowga Yurub iyo dadka iyaga la barbar dhigi karaa uma baahna sharci.
Sharciga joogidda waddanka ee qofka shaqaalaha ah
Haddii aad og tahay inaad shaqo Finland ka heshay, waxaad dalban kartaa sharciga shaqada ee qofka shaqaalaha ah laga rabo (työntekijän oleskelulupa). Sharciga ugu horeeya, sida caadiga ah intaan Finland la imaan ka hor ayaa laga codsadaa safaaradda Finland ay waddankaaga ku leedahay. Warar ku saabsan safaaradaha Finland waxaad ka heleysaa boggaga Wasaaradda Arrimaha Dibedda (ulkoasiainministeriö).Warar ku saabsan sida sharciga shaqada ee qofka shaqaalaha ah laga rabo waxaad ka heleysaa boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka (Maahanmuuttovirasto).
Shaqabixiyaha ayaa xafiiska shaqada ka codsanaya go’aan ah, inuu shaqadan u qaadan karo shaqaale ajnebi ah. Boggaga Hay’adda Maamulka Shaqada ayaad ka heleysaa meelaha lagala xiriiro xafiisyada shaqada ee qaabilsan arrimaha sharciyada shaqada iyo arrimaha diwaangelinta. Haddii xafiiska shaqadu u ogolaado inuu ajnebi shaqaalayn karo, Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka ayaa qofka shaqaalaha ah u ogolaan kara sharciga joogidda waddanka. Nidaamkan codsigu wakhti xoogaa ah ayuu qaadan karaa.
Markaad codsanayso in sharcigaaga shaqada ee qofka shaqaalaha ah laga rabo Finland laguugu cusboonaysiiyo, codsiga u gee booliska degmadaada.
Sharciga joogidda waddanka ee iskiis u shaqaystaha
Dadka leh dhalashada waddamada Ururka Midowga Yurub iyo dadka iyaga la barbar dhigi karaa si madaxbannaani leh bay Finland iskood uga shaqaysan karaan. Dadka kale waxay u baahan yihiin sharciga joogidda waddanka ee iskiis u shaqaystaha (elinkeinonharjoittajan oleskelulupa), haddii ay rabaan inay Finland iskood uga shaqaystaan.
Intaadan Finland imaan ka hor sharciga ka dalbo safaaradd Finland ku leedahay waddanka aad joogto. Sharciga waxaa laysku siiyaa oo keliya haddii ganacsiga ama iskaa u shaqaysigu yahay mid wax soosaar leh. Xarunta shaqada iyo nolol la soo bixidda ee deegaanka (Alueellinen työ- ja elinkeinokeskus = TE-keskus) ayaa ka fiirsanaysa, in ganacsiga iskaa u shaqaysashada ahi isdeberi karo iyo in qofka iskiis u shaqaysanayaa uu shaqadiisa ka helayo dhaqaale nololeed oo ku filan. Xarunta shaqada iyo nolol la soo bixidda (TE-keskus) ayaa arrintan go’aan ka gaareysa. Haddii go’aanku ogolaansho yahay, Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka ayaa codsadaha u ogolaan kara sharciga joogidda waddanka ee qofka iskiis u shaqaystaha ah looga baahan yahay (elinkeinonharjoittajan oleskelulupa).
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sharciga joogidda waddanka ee iskiis u shaqaystaha waxaad ka heleysaa boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka. Wararku waxay ku qoran yihiin af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Bangiga wararka bogiisa Shaqada waxaa ku qoran warar ku saabsan waxyaabo ay ka mid yihiin dhaqanka shaqada ee bulshada Finnishka, sida shaqada loo dalbado, sida shirkad ganacsi loo samaysto iyo daryeelka shaqo laäaanta (työttömyysturva).
Boggaga Hay’adda Maamulka Shaqada ayaa waxaa ku jira warar ku saabsan nolosha iyo shaqo qabasahda Finland gudeheeda, oo ku qoran yihiin luuqadahan soo socda:
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis