Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Shaqo noocee ah?

Millaista työtä?

"Shaqadu waa shay wanaagsan, laakiin ha ilaawin nolosha inteeda kale."
(Maahmaah Bantu ah)

Markaad shaqo raadinaysid, ee aad ka fekertid nooca shaqada ee aad rabto, waa inaad soo ogaataa xirfad walba waxbarashadeeda iyo xirfadda shaqadeedu waxay waddanka Finland tahay. Waxaa laga yaabaa inay ka duwan yihiin siday waddankaagii ahaan jirtey. Faahfaahin dheeraad ah waxaad weydiisaa xafiiskaaga shaqada.

Internetka waxaa ku jira macluumaad badan oo ku saabsan noocyada xirfadaha kala duduwan: xirfad walba iyo noooca waxbarashada ee laysaga baahan yahay, mushahar noocee ah aya shaqa walba laysku siiyaa, sidee bay u sahlan tahay helitaanka shaqada ee xirfadaha kala duduwan. Internetka waxaa kalooo ku jira barnaamijyo ah xirfad doorashada. Waxaad ka jawaabaysaa su’aalaha ku saabsan aqooontaada iyo waxyaabaha aad xiisayso. Jawaabahaaga markuu barnaamijku eego ayuu kuu sheegayaa nooca xirfadda adiga kugu haboon. Arrimaha la xiriira qorshayntaada shaqada waxaad caawimo ka heleysaa boggaga Xafiiska shaqada, isla bogggagaas ayaad ka heleysaa barnaamijka ah xirfad doorashada. Boggga www.ammattinetti.fi waxaad ka ogaan kartaa noocyo badan oo xirfado kala duduwan ah. Waxaad kaloo ka heleysaa meelaha laga barto xirfadda aad xiisaynayso iyo nooca horumarkeedu yahay. Sidaas ayaadna ku heleysaa caawimo, markaad rabto inaad doorato xirfadda kugu haboon.

Caawimo miyaad ugu baahan tahay sidaad u dooran lahayd xirfad? Waxaad ballan ka qabsan kartaa shaqaalaha dadka ka caawiya xirfad doorashada ee xafiiskaaga shaqada. Sida iyo meelaha lagala xiriiri karo xafiisyada shaqada waxaad ka heleysaa wasaaradda shaqada iyo nolol la soo bixidda (työ- ja elinkeinoministeriö).