Shaqada
Markaad Kainuu shaqo ka raadsanayso, waxaad haysataa waxyaabo badan oo aad adeegsan karto. Waxa ugu muhiimsan waa adiga firfircoonidaada.
Xafiiska shaqada ayaa ku caawinaya
Shaqaalaha xafiiska shaqada ee degmada aad deggen tahay ayaa kaa caawinaya sidaad shaqo u raadsan lahayd iyo sidaad u heli lahayd goob tababar shaqo oo adiga kugu haboon ama sidaad u heli lahayd waxbarasho. Shaqaaluhu waxay kaloo kaa caawinayaa waxyaabo badan oo kale oo la xiriira shaqada iyo shaqo raadinta.
Xafiiska Shaqada ee Bariga Kainuu (Itä-Kainuun työvoimatoimisto)
Sotkamo tel. 010 604 0025 iyo Kuhmo tel. 010 604 0022
Xafiiska Shaqada ee Galbeedka Kainuu (Länsi-Kainuun työvoimatoimisto), Lönnrotinkatu 2 C, Kajaani, tel. 010 19 4020.
Kajaani, Ristijärvi, Paltamo iyo Vaala.
Xafiiska Shaqada ee Kainuu qaybteeda sare (Ylä-Kainuun työvoimatoimisto), 010 604 4084
Hyrynsalmi, Suomussalmi, Puolanka
www.mol.fi
Internet
Xagga shaqo raadinta, Internetku waa qalab aad u wanaagsan. Shirkadaha markay boosas shaqo ka bannaan yihiin, inta badan waxay ku soo qoraal boggagooda internetka. Magaalada Kajaani lafteedu sidaas ayey samaysaa www.kajaani.fi
Boosaska shaqada ee bannaan waxaad ka heleysaa boggaga internetka ee hay’adda maamulka shaqada www.mol.fi
Joornaallada
Joornaallada maalintii soo baxa, gaar ahaan joornaalka maalinta Axadda iyo Arbacada waxaa lagu soo qoraa boosaska shaqooyinka ee bannaan. Maktabadda (laybareeriga) ayaad tegi kartaa oo aad joornaallada iyagoo lacag la’aan ah ku soo akhrisan kartaa.
Xarunta waxqabadka ee Monika (Toimintakeskus Monika)
Väinämöisenkatu 12, 87100 Kajaani
www.monika.fi
Ganacsi aad adigu leedahay
Talooyin ku saabsan sida ganacsi loo aasaaso waxaad ka heleysaa laanta adeegyada ganacsiga ee Xarunta Shaqada Xoogsashada iyo Nolol la soo Bixidda ee Kainuu (Kainuun työvoima- ja elinkeinokeskuksen yrityspalvelupiste), Kalliokatu 4, 87100 Kajaani, tel. 01019 1450
Faahfaahin dheeraad ah: www.te-keskus.fi/kainuu
La taliyaha xagga ganacsiga Pauli Tervonen, tel. 044 774 6003, pauli.tervonen@te-keskus.fi, la taliyaha xagga ganacsiga Markku Oja, tel. 261 5890, markku.oja@)te-keskus.fi ama hogaamiyaha adeegga ganacsiga Anna-Liisa Heikkinen, tel. 044 597 5402, anna-liisa.heikkinen@)te-keskus.fi
Maalgeliyaha guud ee boggani waa Hay’adda Maalgelinta Arrimaha Bulshada ee Yurub (Euroopan sosiaalirahasto).