Työ Helsingissä
Shaqada Helsinki gudeheeda
Bangiga wararka boggiisa Shaqada waxaa ku qoran warar guud oo ku saabsan sida shaqo loo raadsado, qofka shaqaalaha ah xuquuqda uu leeyahay iyo waajibaadka saaran, badbaadada shaqo la’aanta iyo sida Finland looga furto ganacsi ama shirkad.
Bangiga wararka qaybtiisa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Shaqada waxaa ku qoran warar ku saabsan shaqada deegaanka magaalomadaxda.
Xafiisyada shaqada iyo xoogsashada
Dadka leh dhalashada waddamada Midowga Yurub / Suuqa Dhaqaalaha Yurub
Dadka sida joogtada ah u deggan Helsinki ee leh dhalashada waddamada Midowga Yurub ama waddamada Suuqa Dhaqaalaha Yurub (EU/ETA) waxay isa soo qoraan inay shaqo la’aan yihiin oo ay shaqo raadinayaan, waxaana qaabilsan oo ay tagaan xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee Helsinki laantiisa Kluuvi qaybta qaabilsan arrimaha shaqada ee EURES (EURES–työnvälitys).
Qofka leh dhalashada waddamada Midowga Yurub ama waddamada Suuqa Dhaqaalaha Yurub (EU/ETA) ee waddankiisa shaqo la’aan ku ahaa ee shaqo raadiska ahaa waa inuu markuu Helsinki yimaadaba hore ka tagaa oo iska diwaangeliyaa xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee Helsinki laantiisa Kluuvi qaybta talosiinta ee EURES (EURES–neuvonta). Sidaas bayna qofka ugu soconaysaa xuquuqdii uu lahaa ee ahayd inuu helo lacagta shaqo la’aanta (waxay khusaysaa dadka shaqo la’aanta ah ee shaqo raadiska ah ee ku yimaada foomka 303, ee waddankoodii ku lahaa xuquuqda lacagta shaqo la’aanta). Dadka u soo guura Espoo, Vantaa ama Kauniainen waxay iska diwaangelinayaan xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee magaaladooda.
Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee Helsinki / Laanta Kluuvi
Qaybta arrimaha shaqada ee EURES
(Helsingin työ- ja elinkeinotoimisto / Kluuvin yksikkö
EURES-työnvälitys)
Mikonkatu 7 , dabaqa 4aad
00100 HELSINKI
Tel. 010 6070 860 ama 010 19 4525
Faksi: 010 6070 803
Wuxuu furan yahay Isniin - Jimce saacadaha 9.00 - 15.45
Adeega telefoonka Isniin - Jimce saacadaha 9.00 - 16.00
Dadka ka yimaada waddamada aan ka tirsanayn Midowga Yurub / Suuqa dhaqaalaha Yurub
Dadka Helsinki deggen ee waddanka u soo guurey ee aan lahayn dhalashada waddamada Midowga Yurub ama waddamada Suuqa Dhaqaalaha Yurub (EU/ETA) waxay marka ugu hoaysa tegeyaan xafiiska shaqada iyo xoogsashada qaybtiisa adeegyada dadka waddanka u soo guurey (työ- ja elinkeinotoimiston maahanmuuttajapalvelujen yksikkö).
Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee Helsinki (Helsingin työ- ja elinkeinotoimisto)
Qaybta adeegyada dadka waddanka u soo guurey (Maahanmuuttajapalveluiden yksikkö)
Haapaniemenkatu 4 A, dabaqa 2aad,
00530 Helsinki
Tel. 010 19 4434 iyo 010 60 70490
Faksi: 010 60 70401
Wuxuu furan yahay Isniin - Jimce saacadaha 9.00 - 15.45
Adeega telefoonka Isniin - Jimce saacadaha 9.00 - 16.00
Telefoonada qiimohooda oo ah af Finnish.
Xafiisyada shaqada iyo xoogsashada ee Helsinki af Finnish iyo af Iswiidhish.
U shaqaynta magaalada Helsinki
Boosaska shaqada ee ka bannaan waaxaha magaalada Helsinki waxay iyagoo af Finnish ah ku qoran yihiin boggaga shebekadda internetka ee Helsinkirekry.
Shaqooyin ku meelgaar ah oo laga helo magaalada Helsinki
Wararka ku saabsan shaqooyinka ku meelgaarka ah ee magaalada Helsinki bixiso waxaad ka heleysaa boggaga shebekadda internetka ee Shirkadda adeegga shaqaalaynta dadka ee Seure.
Ganacsi ama shirkad ka furasho Helsinki
Qofka raba inuu ganacsi ama shirkad furto wuxuu warar ka helayaa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Shaqo, qaybta Sida ganacsi ama shirkad looga furto deegaanka magaalomadaxda.
Boggaga shebekadda internetka ee adeega xoogsashada ee magaalada Helsinki waxaa ku qoran warar loogu talagalay qofka raba inuu ganacsi ama shirkad furto iyo qofka raba inuu ganacsigiisa horumar ku sii sameeyo, wararku waa af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis. Bogga waxaa kaloo ku jira adeeg ah raadinta ganacsadaha (yrittäjän palveluhakemisto) oo ah af Finnish iyo af Iswiidhish .
Shirkad Helsinki oo ku taalo magaalo madaxda eeriyadiisa wexey qaxootiga eeriyadaas gudeheeda degan u qeybisaa caawinaad iyo talo bixin wax kasto ku saabsan ganacsinimada.
Caawinaad ganacsiga waxaad ku heli kartaa luuqada Finnish, Iswiidish, Ingiriis, Jarmal, Estooniyaan, Ruush ama Carabi.
YritysHelsinki (Shirkad Helsinki)
Kaisaniemenkatu 6 A, 6. krs
00099 Helsingin kaupunki
tel. (09) 310 36360
Faks (09) 310 36369
xiliyada furiinka goobta Isniin - Jimco 8.30-16.30
Ka warbixin Shirkada Helsinki af Finnish , af Iswiidhish , af Ingiriis , af Istoniya , af Ruush iyo af Carabi .
Helsinki Bisnes Hub –boggiisa waxaad ka helee warbixin ku saabsan Helsinki oo ah magaalo ganacsinimo af Ingiriis .
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida ganacsi ama shirkad looga furto Finland gudeheeda waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiissa Shirkad aad leedahay.