|
|||||||||||||
|
|
|||||||||||||
|
|
Työ
"Shaqadu qofka samaynaya ayey wax bartaa."
Boggagan waxaad ka heleysaa warar ku saabsan dhaqanka shaqada ee Finnishka iyo warar ku saabsan meesha aad shaqo ka heli karto, sida aad shaqo u dalban karo, iyo weliba meesha aad taageero ka heli karto, haddii aad shaqo la’aan noqoto. Sidoo kale boggaga waxaa ku qoran warar ku saabsan xirfadaha kala duduwan, noocyada shaqooyinka kala duduwan, sida ganacsi loo samaysto, shaqooyinka bannaan, ururada shaqaalaha, canshuuraha, badbaadada hawlgabka iyo daryeelka caafimaadka shaqaalaha. Ma Finland baad shaqo ka raadinaysaa oo waxaad rabtaa inaad ku shaqaysato, shahaado aad waddan kale ka soo qaadatay? Guddiga waxbarashada (Opetushallitus) ayaad ka dalban kartaa in shahaadadaada laguu qiimeeyo (rinnastaminen), waa haddii aad shahaadadaada jaamacadeed ka soo qaadatay waddan ka baxsan waddamada Ururka Midowga Yurub (EU) iyo Ururka Dhaqaalaha Yurub (ETA). Haddii aad shahaadaddada ka soo qaadatay waddan ah Ururka Midowga Yurub ama Ururka Dhaqaalaha Yurub, waxaad dalbanaysaa in shahaadadaada la aqoonsado (tunnustaminen). Xirfadaha qaarkood intaadan shaqadooda Finland ka bilaabin ka hor waxaad u baahan tahay xuquuqda ku shaqaysashada xirfadda. Xirfadaha noocaas ah waxaa ka mid ah, tusaale ahaan xirfadaha daryeelka caafimaadka. Boggaga Guddiga waxbarashada ayaad ka heleysaa warar ku saabsan xirfadahan iyo meelaha aad ka dalban karto xuquuqda ku shaqaysashada xirfadahan. Waxaannu kuu rajeynaynaa inaad wararkaad u baahan tahay heshid. Dhiiranaan muuji oo hawlgal! Sharciga sinnaanta (Yhdenvertaisuuslaki) ayaa mabnuucaya takooridda tusaale ahaan shaqo u qaadashada iyo waxbarashada. Warar mawduuca ku saabsan oo luuqadaha soo socda ah:
Soomaali
Boggaga wasaaradda arrimaha gudaha (sisäasiainministeriö) waxaad ka heleysaa macluumaad faa'iido kuu leh oo ku saabsan arrimaha u soo guuridda waddanka. Siduu sharciga Finland dhigayo ragga iyo dumarku way siman yihiin. Ragga iyo dumarka waa sinnaan leh loola dhaqmaa marka qof la shaqaalaynayo, xaaladda shaqada iyo mushaharka. Nolosha shaqada qofnaba si gaar ah loolama dhaqmi karo uur ama waalidnimo darteed. Xaggee caawimolaga helaa markay jirto xaalad takoorid ah? Dhibaatooyinka nolosha shaqada:
|
|
|||||||||||
|
|
|||||||||||||