Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Shahaadooyinka waddan kale laga soo qaatay siday Finland uga soconayaan

Ulkomaiset tutkinnot Suomessa

Guddiga waxbarashada ayaa laga dalban karaa inay kuu qiimeeyaan (rinnastaminen), haddii aad shahaadada jaamacadda ka soo qaadatay waddan aan ahayn Ururka Midowga Yurub ama Ururka Dhaqaalaha Yurub. Haddii aad shahaadadaada ka soo qaadatay waddan ah Ururka Midowga Yurub ama Ururka Dhaqaalaha Yurub, waxaad dalban kartaa in shahaadadaada la aqoonsado (tunnustaminen). Shahaadooyinka qiimayntooda iyo aqoonsashadoodu waa lacag.

Faahfaahin dheeraad ah: Opintoluotsi 

Sannadka 2010 Xarumaha hagidda ee Amare (Amare-ohjauskeskukset) ee ku yaalla Helsinki, Kotka, Kouvola iyo Lahti ayaa af Finnish iyo af Ingiriis kula taliya dadka haysta jahaado jaamacadeed oo laga soo qaatay waddan kale.

Haddii aad rabto inaad waxbarashadaada Finland ka sii wadato, shahaadada aad waddanka kale ka soo qaadatay waxaa laguugu qiimayn karaa inay tahay waxbarashada qaybta hore ama iyadoo dhan ayaa laguu aqoonsan karaa inay tan waddankan u dhiganto. Arrintan waxaa mar walba go’aankeeda iska leh goobta aad waxka baranayso, markaas uma baahnid qiimaynta ama aqoonsashada gaarka ah. Faahfahin dheeraad ah weydii goobta aad wax ka barato.

Xirfadaha qaarkood tusaale ahaan xirfadaha daryeelka caafimaadka intaadan shaqadooda Finland ka bilaabin ka hor waxaad u baahan tahay xuquuqda ku shaqaysashada xirfadda. Boggaga Guddiga waxbarashada (opetushallitus) ayaad ka heleysaa warar ku saabsan xirfadahan iyo meelaha aad ka dalban karto xuquuqda ku shaqaysashada xirfadahan. Shuruuduhu way kala duwan yihiin waxayna ku xiran yihiin, ma waxaad leedahay dhalashada waddan ka tirsan Ururka Midowga Yurub (EU) ama waddan ka tirsan Ururka Dhaqaalaha Yurub (ETA) mise ma haysatid. Faahfaahin dheeraad ah waxaa laga helaa meesha xirfad walba qaabilsan inay go'aan go'aan ka gaarto xuquuqda ku shaqaysashada xirfadaas. Meelaha lagala xiriirana waxaa laga helaa isla bogga Guddiga waxbarashada.

Finland kaga shaqaysashada xirfadda laanta cilmiga caafimaadka

Ma shahaado laamaha cilmiga caafimaadka ah baad ka soo qaadatay waddan ka tirsan Ururka Midowga Yurub, waxaadna rabtaa inaad Finland ka shaqaysato? Warar mawduuca ku saabsan oo luuqadaha soo socda ah:

Finnish
Iswiidhish
Ingiriis

Ma shahaado laamaha cilmiga caafimaadka ah baad ka soo qaadatay waddan aan ka tirsanayn Ururka Midowga Yurub, waxaadna rabtaa inaad Finland ka shaqaysato? Warar mawduuca ku saabsan oo luuqadaha soo socda ah:

Finnish
Iswiidhish
Ingiriis