Structure_LogoPart1



Qorshaha waxqabadka ganacsiga

Liiketoimintasuunnitelma

Qofka raba inuu ganacsade noqda qorshaha waxqabadka ganacsiga ayuu ku muujiyaa aqoonta uu ganacsiga u leeyahay, waxyaabaha uu ganacsade ahaan ku fiican yahay iyo waxyaabaha uu ku liito, wuxuu kaloo qorshaha ku caddaynayaa badeecadda ama adeegga uu ka ganacsanayo siday yihiin, dadka macaamiisha u noqonaya iyo waxyaabaha ay macaamiishu u baahan yihiin iyo weliba ganacsadayaasha isaga la tartamayaa waxyaabaha ay ka ganacsanayaan iyo qaabka ay u shaqeeyaan. Qorshaha waxqabadka ganacsiga waxaa xudun u ah qorshaha waxqabadka ee shirkadaada, qorshahaas oo ah mid aad si faahfaahsan uga fekereyso, sida aad rabto inaad u shaqayso, waa xaggee, waana noocee dhismaha shirkadaadu ku taallo, waa maxay qalabka wax soosaarka ama shaqaalaha aad u baahan tahay, xayaysiis sidee ah baad isticimaalaysaa, maxaadse ku tala jirtaa inaad samayso si aad ganacsigaaga horumar ugu samayso. Waa inaad hore u soo ogaataa, in caymiskaagu ku filan yahay, inuu debbero riskiga ganacsiga ka imaan kara. Sida loo qabanqaabinayo qoritaanka kharashka iyo dakhliga shirkadda, qorshaha dhaqaalaha iyo sida loola soconayo inuu qorshuhu sidii loogu talagalay u fuley, waa inay ku qornaadaan qorshaha waxqabadka ganacsiga.

Xarumaha la talinta ganacsiga ee kala duwan waxaad ka heleysaa talooyin faahfaahsan oo ku saabsan sida loo sameeyo qorshaha waxqabadka ganacsiga. Xarumahaas boggagooda internetka waxaad ka koobiyeysan kartaa talooyin fiican oo ganacsadayaasha loogu talagalay oo af Finnish iyo af Ingiriis ah, iyo dukumeentiyo tusaale ah iyo qorshe waxqabadka ganacsiga oo tusaale ah.

Uusyrityskeskus (Xarunta ganacsiga cusub)
Yritys-Suomi
Työvoima ja elinkeinokeskus (Xarunta xoogsatada iyo nolol la soo bixidda)
iyo weliba Helsinki waxaa ku yaalla NYP yrityspalvelut (Adeegyada Ganacsiga ee NYP)