Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Qaxootiyada iyo kuwa magangelyada dalbaday

Pakolaiset ja turvapaikanhakijat

Qaxootiga

Finland waxaa sannad walba yimaada qaxooti la soo qaato. Qaxootiga la soo qaato waa dad laga soo doortay dad qaxootinimo loo ogolaaday. Qaxootinimada waxaa bixiya UNHCR, xafiiska wakiilka sare ee arrimaha qaxootiga ee Qaramada Midoobey (UN). Dawladda Finnishka ayaa go’aamiyo caddaadka la ogol yahay ee qaxootida.

Faah-faahin dheeraad ah oo qaxootiga la soo qaato ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga Xafiiska Hijrada Finnishka (Maahanmuuttovirasto) wuxuu ku qoran yahay af Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis.

Boggaga Hay’adda Caawinta Qaxootiga ee Finland (Suomen pakolaisapu) boggageeda waxaa ku qoran warar badan oo ku saabsan dadka qaxootiga ku qoran af Finnish.

Magangelyo codsadayaasha

Kuwa magangelyada dalbaday waa qofka, waddan shisheeye magangelyo ka dalbada, maadaama waddankiisa uu kula kulmay caddaadin. Sababta caddaadintu waxay noqon kartaa diintiisa, jinsigiisa, dhalashadiisa, fikradiisa siyaasadeed ama dabaqadda bulshada ee uu ka tirsan yahay awgeed.

Magangelyada waxaa iyadoo qoraal ah laga dalbadaa qolada xadka baasaboorada baarta ama booliska. Codsiga waa inaad, markaad Finland soo gasho, ama muddo yar ka dib dhiibtaa. Waa muhiim inaad si sax ah u sheegto sababaha aad magangelyada u dalbanayso.

Markaad magangelyada dalbato, waxaad xaq u leedahay, inaad Finland joogto ilaa inta codsigaaga go’aan laga gaarayo. Wakhtigaas waddanka kama bixi kartid. Haddi kale waxaa loo arkayaa, in codsigaagu uu baab'ay, oo codsigaaga waxba kama jiraan. Meel aad ku noolaatana waxaa lagaa siinayaa xeryaha qaxootiga ee ku yaalla meelo kala duwan oo Finland ah. Haddii aad muddo dheer ka maqnaanayso, degmada aad deggan tahay, waa inaad shaqaalaha maamulka ee arrintaada qaabilsan ogeysiisaa.

Adeegga Hijrada Finnishka ayaa go’aamiso magangelyada.

Qofka magangelyo codsada waxaa la siiyaa aqoonsi qaxooti, haddii uu ka baxo sharuudaha lagu noqdo qaxooti. Magangelyada ka sakow, qofka ajnebiga ah ee Finland joogaa wuxuu heli karaa sharciga joogidda waddanka oo loo siinayo, sabab ah inuu badbaado u baahan yahay tusaale ahaan, markii ay ayada/asaga ku laabtaan dalkooda dagaal awgeed.

Haddii go’aanka magangelyada uu yahay mid diidmo ah, codsadaha waxaa loo celin doonaa dalka uu ka yimid. Go’aanka Dublin waxaa loola jeedaa in codsadaha lagu celin doono dal kale ee  EU. Codsadaha wuxuu Maxkamada Hawlaha Maamulka ee  Helsinki ka samayn karaa rafcaan kadibna waxay Maxkamada Sare ee Hawlaha Maamulka ka dalban karaan fasaxa rafcaanka. 

 Caawimo iyo talooyin

Talooyinka nolol maalmeedka ku saabsan waxaad weydiin kartaa shaqaalaha xerada qaxootiga. Haddii aad u baahan tahay caawimo xagga sharciga ah, waxaad weydiisan kartaa Waaxda la talinta qaxootiga (Pakolaisneuvonta). Sidoo kale Wakiilka dadka tirada yar (vähemmistövaltuutettu) waad weydiin kartaa talo. Dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda waxaa kaa caawinaya Xarunta SOS ee waaxda ajnebiga (SOS-keskuksen Ulkomaalaisten kriisipalvelu). Qaybta lambarkeeda telefoonka ee dhibaatooyinka degdegga ahi waa (09) 41350 501, waxaana la soo wici karaa maalmaha shaqadu jirto saacadaha 9-3.00 galabnimo (9-15.00). Dadka jir dilka lagu sameeyey waxaa caawiya Xarunta baxnaaninta dadka jirdilka lagu sameeyey (Kidutettujen kuntoutuskeskus).

Lambarada Adeegga Hijrada Finnishka

Wicitaanyada waxaa laga jawaabaa Talaado, Arbaco iyo Khamiis 10.00-11.00

Codsiyada magangelyo iyo deganaansho ku xiran, wac 071 873 3680

Ogaanshada dalalka mas’uul ka ah (Dublin), wac 071 873 3620

Caddaadka la ogol yahay ee qaxooti, dejinta degmooyinka iyo codsadayaasha magangelyo oo aan qaan-gaar eheen iyo kaligooda yimid, wac 071 873 3690

Dokumentiyada socdaalka iyo baasaboorka ajnabiga qaxootida, wac 071 873 3640

Qoyska

Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan siduu qoyskaagu Finland ku imaan karo waxaad ka heleysaa boggaga Waaxda la talinta qaxootiga meesha Midaynta qoyska ”Perheenyhdistäminen” iyo boggaga Ururka laanqayrta Cas ee Finland (Suomen Punainen Risti) af Finnish iyo Iswiidhish. Waxaad kaloo talo weydiin kartaa Ururka laanqayrta Cas ee Finland.

Faah-faahin dheeraad ah

Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan dalbashada magangelyada, go’aan ka gaaridda codsiga iyo waxyaabaha kale e magangelyo dalbashada la xiriira waxaad ka heleysaa boggaga Xafiiska Hijrada Finnishka  iyo boggaga Waaxda la talinta qaxootiga.

Boggaga Xafiiska Hijrada Finnishka waxaa ku jira warar ku qoran luuqadahan soo socda oo loogu talagalay kuwa magangelyada dalbaday:

Soomaali
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Faransiis
Ruush
Albaaniyaan
Kurd
Dari

Waxaad Adeegga Hijrada Finnishka telefoon ka codsan kartaa warar ku saabsan codsiyada fasaxa deganaanshada oo ku salaysan xiriir qoys: Talaadada, Arbacada iyo Khamiista 10.00-11.00, telefoonka waa 071 873 3750.

Return home – Practical guide for a returnee waa buug af Ingiriis ku qoran oo ka sheekaynaya sida qofku isagu iskiis ugu noqon karo waddankiisii