Structure_LogoPart1



Qaar ka mid ah caadooyinka dadka Finnishka ah

Joitakin suomalaisia tapoja

"Meel waliba siday tahaa loola yaallaa."
(maahmaah Finnish ah)

Dadka muddo hore Waddankan Finland yimi ayaa waxay u fiirsadeen  caadooyinka dadka Finnishka ah. Boggan waxaa lagu soo ururiyey qaar ka mid ah caadooyinka ay dadku u fiirsadeen. Waxaa laga yaabaa inaad adiguna waxyaabo kale aragtay, waannu jeclaan lahayn inaad waayoaragnimadaada noo soo gudbisid si aan liiska ugu darsanno. Farrioin u soo dir Xafiiska bangiga wararka.

  • Ilaalinta wakhtigu Finland aad ayey muhiim u tahay. Ballamahaaga ha ka soo habsaamin, sababtoo ah waddankan Finland aad ayey ixtiraam darro uga tahay. Wakhtiga laguu qabtay ku imow!
  • Codkaaga kor ha u qaadin, markaad qof Finnish ah la hadleysid, khaas ahaan meelaha dadka ka dhexeeya! Haddii uu qofku cod dhaadheer ku hadlo, waxaa loo arkaa, inay ixtiraam darro tahay, sababtoo ah qofka Finnishka ahi wuu deggan yahay.
  • Xasuuso, inaad indhihiisa toos u fiirisid. Qofka hoos ma dhinacyada fiiriya, waddankan Finland waxa loo arkaa inuusan daacad ahayn.
  • Haddii aad dad aad saaxiibbo tihiin oo Finnish ah booqasho ugu tegeysid, waa inaad hore ugu sii sheegtaa imatinkaaga. Arrimaha qofka u gaarka ah, dadka Finnishka ah aad ayey muhiim ugu yihiin.
  • Markaad tegtid guri Finnish leeyahay, kabaha iska siib, ama kabo aad gudaha ku joogto gaar u soo qaado.
  • Haddii cunto lagugu marti qaado, ha illaawin inaad u mahadcelinsid markaad miiska ka kacdo.
  • Finland waa wax caadi ah, in marka makhaayad la tago qof waliba wuxuu cuno iskiis isaga bixiyo. Laakiin ixtiraam ahaan waa la dhihi karaa, anigaa qofkan kalana bixinaya cuntadiisa.
  • Sida caadiga ah ah Finland dadku kafee badan ayey cabaan, meel walbana way ku cabbaan. Tusaale ahaan shirarka xitaa waxaa lagu bilaabaa kafee la cabbayo.
  • Ha la yaabin, haddii baska cidina ku soo dhinac fariisan weydo. Xasuuso mar labad waxa qofka u gaarka ah!
  • Daacaddarada dadka Finnishku waxay u arkaan, inay waxyaabaha xunxun  ugu sii xun tahay.
  • Dadka Finnishka ah, inay sawnada galaan, xitaa iyagoo qawan, wax wasmo ah shaqo kuma laha. Sawnadu dadka Finnishka ah waxay u tahay meel sharaf mudan.
  • Xasuuso inaad deegaanka tixgelisid, markaad dhex marayso. Deegaanku dadka Finnishka ah wadnuhuu kaga yaalla.
  • Bulshada Finnishku aad bay u nidaamsan tahay. Nidaamka xasuuso, markaad meel saf ugu jirtid!
  • Guryaha dabaqyada ah habeenkii waxaa ka jirta aamusnaan bilaabanta tusaale ahaan saacadda 22.00 (tobanka fiidnimo). Wakhtiga aamusnaantu wuxuu sida caadiga ah ku dhegsan yahay albaabka dhismaha laga soo galo jaranjarada agteeda. Cidna ha dhibin!

Boggaga wargeyska Helsingin Sanomat waxaa ku yaalla waxyaabo la xiriira caadooyinka dadka Finnishka ah, oo mararka qaar kugu noqda kuwo aad la yaabto. Waxay ku qoran yihiin luuqadda Ingiriiska.

Buug tilmaansiin ah oo ku saabsan caadooyinka Finnishka oo ku qoran luuqadahan soo socda:

Ingiriis
Isbeynn
Jarmal
Ruush

Warar ku saabsan feestooyinka iyo xafladaha Finland waxaad heleysaa iyagoo ah luuqadahan soo socda:

Finnish
Iswiidhish
Ingiriis