Yritysmuodot
Magac ku shaqaysasho (toiminimi): Nooca ugu sahlan (looguna jecel yahay) marka la bilaabayo ganacsi waa inuu qofku noqdo qof iskiis noloshiisa ula soo baa oo ganacsade ah oo magac ku shaqaysta. Go’aanka arrimaha ganacsiga ku saabsan iyo masuuliyadaba waxaa iska leh qofka ganacsiga ah, shirkaduna shaqaale way shaqaalayn kartaa. Inta badan, haddii aad shaqo caadi ah ka shaqayso oo wakhtiga firaaqada ah aad iskaa u ganacsato waxaa wanaagsan inaad ganacsigaaga ku bilowdo nooca magac ku shaqaysashada. Sidan ganacsiga si dhakhso ah oo fudu baad u bilaabi kartaa.
Shirkad furan (avoin yhtiö): Shirkadan shakhsiyaadku leeyihiin waxay samaysmataa, haddii laba qof ama dad badan ay ku heshiiyaan inay shirkad samaystaan oo ay sameeyaan heshiiska shirkadda. Dadka shirkaddu ka dhaxaysaa way u siman yihiin arrimaha shirkadda oo dhan, si wadajir ah bayna shakhsi ahaan masuul uga yihiin go'aamda arrimaha shirkadda ku saabsan, waajibaadka shirkadda saaran iyo deymanka shirkadda lagu leeyahay.
Shirkad maalgelinteedu dad ka dhaxayso laakiin masuuliyadu ay hal qof saaran tahay (kommandiittiyhtiö): Waa shirkad dad shakhsiyaad ah leeyihiin, laakiin waxay shirkadda furan kaga duwan tahay, shirkadda noocan ahi waxay leedahay hal ama dhowr qof oo masuuliyadda shirkaddu saaran tahay, waxay kaloo leedahay ugu yaraan hal qof oo shirkadda wax ku leh, laakiin aan cod ka dhiiban arrimaha shirkadda.
Shirkad sheerar la leeyahay (osakeyhtiö): Shirkadda noocan ah waxaa aasaasi kara ugu yaraan hal qof ama hal bulsho (urur), hantideeda sheerarkuna (osakepääoma) waa inay ugu yaraan ahaataa 2500 euro. Hantida sheerarka waxaa loo qaybiyaa sheerar ahaan: Qofka sheer ku leh shirkadda awoodiisa cod ka dhiibashada arrimaha shirkadda, faa'iidada shirkadda ka soo geleysa iyo masuuliyadda saaran waxay ku xiran yihiin caddadka uu shirkadda ku leeyahay intay le'eg tahay.
Iskaashato (osuuskunta): Waa shirkad bulsho leedahay, oo samaysa ganacsi dhaqaale ka soo galo si ay u taageerto xaaladda dhaqaale iyo masruufka dadka xubnaha ka ah bulshadaas. Ugu yaraan 3 qof baa samaysan kara shirkad iskaashato ah, saddexda qof waxay noqon karaan dad shakhsiyaad ah iyo shirkaddo ganacsi. Qof walba oo xubin ah, hal cod buu ku leeyahay shirarka shirkadda iskaashatada. Cidda iska leh shirkadan iskaashatada ah xagga shirkadda masuuliyadda saaran waa hantida ay shirkada geliyeen oo keliya.