Vammaiset
Adeegyada naafada
Waxaa jira adeegyo khaas ah oo loogu talagalay dadka naafada ah, waxaana ka mid ah kuwo xagga degenaanshaha ah, dhaqdhaqaaqyada iyo wax isdhaafsiga xagga hadalka ah. Markaad adeegyada naafada dalbanayso, waxaad u baahan tahay warqad dhakhtar. Warqadaas waxaad sida caadiga ah ka heli kartaa rugta caafimaadka (terveysasema).
16-64 sano qofka da’disu u dhaxayso ee naafada ahi wuxuu Kelada ka dalban karaa kaalmada naafada (vammaistuki), haddii uu Finland deggenaa wakhti gaaraya muddada shuruuda ah. Faahfaahin dheeraad ah waxay ku taalla boggaga Kelada. Dadka naafadoodu daran tahay Kelada ayaa u qabanqaabisa baxnaanin (kuntoutus) kharashkeedana bixisa, kuwa xaaladodu daciifka tahayna baxnaaninta xirfadyaqaanadda (ammatillinen kuntoutus).
Hooyada ama aabbaha ayaa wuxuu heli karaa lacagta daryeelka khaaska ah (erityishoitoraha), haddii aanu awoodin inuu shaqeeyo, sababtoo ah inuu ka qaybqaato daryeelka ilmo naafo ah oo da’diisu 16 sano ka yar tahay oo isbitaalka lagu hayo ama mararka qaarkood guriga lagu hayo. Haddii hooyada ama aabbuhu uu ilmaha guriga ku daryeelo, Kelada ayuu ka heli karaa kaalmada daryeellidda ilmaha (lapsen hoitotuki). Mararka qaar ilmaha naafada ahi wuxuu kaloo Kelada ka heli karaa baxnaaninta daaweynta ah ee loogu talagalay qofka naafadiisu daran tahay.
Faahfaahin dheeraad ah:
Suomi.fi
Hilma-projekti
Tilmaanbixiyaha adeegyada loogu talagalay qofka naafada ah ee waddanka u soo guurey waxaad heleysaa isagoo ah luuqadahan soo socda:
Soomaali
Finnish
Ingiriis
Carabi
Serbokroati
Ruush
Sosternet
Guriga ma ku haysaa qof naafo ah oo ehelkaaga ah? Hayntiisu ma tahay mid ku xanibaysa oo shaqo culus ah? Bangiga wararka boggisa Kaalmada daryeelka ehelka ayaad ka heleysaa warar ku anfacayaoo ku saabsan kaalmada daryeelka ehelka iyo meelo kugu xirayaba.
Warar ku saabsan Finland siyaasadeeda naafada oo luuqadda Finnish iyo Ingiriis ah
Waxbarashada khaaska ah ee ilmaha naafadaha loogu talagalay
Ilmaha naafada ahi wuxuu heli karaa waxbarasho khaas ah.
Meelo kugu xidhaya o muhiim ah
Kuwa naafadoodu tahay maqalka:
Kuulonhuoltoliitto ry (Ururka midowga ee daryeelka maqalka)
Kuurojen liitto ry (Ururka midowga dhegoolayaasha)
Suomalaisen viittomakielen perussanakirja (Qaamuuska aasaasiga ah ee luuqada ka hadalka faraha ee Finnishka)
Kuwa naafadoodu tahay aragga:
Näkövammaisten keskusliitto ry (Xarunta dhexe ee midowga kuwa naafadoodu tahay aragga)
Näkövammaisten kirjasto
Kuwa naafadoodu tahay koriinka:
Kehitysvammahuollon tietopankki (Bangiga wararka ee daryeelka kuwa naafadoodu tahay korinka)
Kehitysvammaliitto (Midowga kuwa naafadoodu tahay koriinka)
Kehitysvammaisten Tukiliitto ry (Ururka taageridda midowga kuwa naafadoodu tahay koriinka)