Nähtävyydet ja luonto
"Ganacsiga waa lagu taajiraa, quraca hoostiisuna nabadgelyuu leeyahay."
(maahmaah Jabaan ah)
Maktabadda magaalada Hämeenlinna adeegeedda Adeegga cadadka la soo xulay (Makupalat) waxaad ka heleysaa warar badan oo ku saabsan dalxiiska Finland gudeheeda iyo cinwaanno kugu xiraya boggag kale. Adeegga waxaa laysugu soo ururiyey cinwaanno kugu xiraya khariidadaha Finland. Boggaga Finland.com waxaad ka heleysaa warar af Ingiriis ku qoran oo ku saabsan waxyaabaha dalxiiska loo fiirsado ee Finland gudeheeda iyo warar badan oo loogu talagalay dadka dalxiiska ah. Warar af Ingiriis ku qoran oo ku saabsan waxyaabaha dalxiiska loo fiirsado waxaad ka heleysaa boggaga Tilmaamidda Finnishka (Finnguide). Adeegga Fasaxa Finland.fi (LomaSuomi.fi) waxaad ka heleysaa warar af Finnish ah oo ku saabsan waxyaabaha dalxiiska loo fiirsado iyo dalxiiska Finland gudeheeda. Fiiri sidoo kale boggaga Xarunta kor u qaadidda dalxiiska (Matkailun edistämiskeskus).
Boggaga Finland.fi waxaa ku yaalla cinwaanno kaa caawinaya inaad hesho wararka ku saabsan safarada dalxiiska iyo doomeysiga iyo weliba dalxiiska. Boggaga Wasaaradda Deegaanka debiiciga ah waxaad ka heleysaa warar ku saabsan dhex socodka deegaanka debiiciga ah iyo xuquuqda uu qof waliba leeyahay. Boggaga Deegaanka debiiciga.fi (Luontoon.fi) ee Golaha Kaymaha (Metsähallitus) waxaad ka heleysaa warar ku saabsan sida safar dalxiis ah loogu aado deegaanka debiiciga ah iyo meelaha wanaagsan ee safar dalxiis ah lagu tago. Adeeggga Lipas-palvelu waxaad ka raadsan kartaa warar ku saabsan wadooyinka bannaanka ee lagu lugeeyoiyo meelaha dalxiiska maaljooga ah lagu tago af Finnish iyo Iswiidhish.